wasiirka macdanta oo xadhiga ka jaray mashruuc laydh oo ay sheekh ka hirgalisay Shirkada beder‏

0
90

S6100620Wasiirka wasaarada Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale ayaa Maanta si rasmi ah xadhiga uga Jaray Mashruuc Koronto oo Degmada sheekh ay ka  hirgalisay shirkada Laydhka ee Beder,kaas oo shaqayn doona habeen iyo maalin,Xaflad aad loo agaasimay oo loo sameeyay xadhig ka jarista mashruucan koronto oo ay kasoo qayb galeen,wasiirka wasaarada Macdanta iyo tamarta,Agaasimaha Waaxda tamaarta ee wasaarada Macdanta,Maayarka Degmada Sheekh,Maayarka Hargaysa iyo Maayarka Jabuuti oo Booqasho ku joogay degmada sheekh,Madaxda shirkada Beder,Xildhibaano iyo waxgaradka kale oo tiro badan ayaa waxa lagu qabtay Hoolka dawlada Hoose ee degmada sheekh
Waxaana Xafladaasi ugu Horayn ka hadlay Wasiirka wasaarada Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale waxaanu yidhi”Sheekh waa xaafadaydii oo iskuulka ayaan kaga baxay,waxaana jecelahay inay sheekh horumarto,aad Baanan ugu farxay markii aan maqlay deg,madu siday markii hore laydhka ka hayd oo shirkada Beder ay maalgashi ku samayasay oo qalab casri ah keentay oo u hagarbaxday,Mashruucan ay halkan ka fulisay waxa uu gaadhayaa 800 iyo konton kw mustaqbal ahaan magaaladu markay korto way anfacaysaa,waxaa jirta dalkeen korantadu waa inagu qaaali oo shidaal bay ku shaqysaan,waxaanu juhdi ugu jiraa in alg guuro korontada shidaalka oo aynu u guuro Marawaxado dabayl ah oo hawadaa wareegaysa aynu ka  dhalino ilaa sideed meelood aby ka wadaa”ayuu yidhi wasiirku
Maayarka Degmada sheekh Maxamed C/laahi cabsiiye oo Kelmado kooban halkaas ka yidhi waxaa hadalkiisi ka mid ahaa” shirkadu way kasoo baxday balanqaadkii oo shahaado ayaan gudoonsiinayaa,waxaan reer sheeekh u sheegayaa inaad ilaalilsaan,waayo mishiino qaaliya xadhko qaaliya ayay magaalada galiyeen sida antidiina oo kale u ilaaliya.
Maayarka Caasimada Jabuuti Xuseen C/laahi Qayaad ,Maayarka Caasimada hargaysa C/raxmaan Maxamud Caydiid(soltelko) ayaa iyana halkaas ka sheegay Faaidada tamarta sidoo kale waxay aad u amaaneen shirkada hawshan fulisay ee Beder.
Maareeyaha shirkada Beder Khadar Jibriil Aadan oo isna wax qabadak shirkada ka waramaya waxa uu yidhi” Shirkada Beder waxay aasasantay 1991 oo waxay la kowasatay Somaliland,shiradu waxay sheekh timi iyadoo ay samaysay in Guri kasta oo sheekh ah ay dabka dul gayso lacag la,aan Maantana waxay Magaalada sheekh heshaa laydh habeen iyo Maalin ah ,Golaha degaanka iyo dadwaynaha reer sheekh aad bay noosoo dhaweeyeen anana Balanqaadkii waa naga haysaan,hadii aad reer sheekh tihiin Mashruucan idinkaa iska leh ee ilaashada
Gudoomiyaha Shirkada Beder oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay Mashruucan ay ku bedeli doonaan Mashruuc dabayl ah si loo helo koronto tan ka jaban,maadaama ay hada shidaal ku shaqayso korontada hada jirtaa.
Agaasimaha Tamarta Eng-Saleebaan C/laahi Jaamac,Maayar kuxigeenka degmada sheekh Oday Baashe C/laahi yaasiin oo afka reer sheekh ku hadlay,Xildhibaano kale ayaa iyana dadwayanah reer sheekh ku Guubaabiyay inay shirkadan ilaashadaan maadama oo ay kasoo saartay wakhti adag oo aanay laydh heli jirin hadana ay 24 saac laydh shitaan.
Ugu danbyantiina waxaa halkaas shahaadooyin lagu gudoonsiiyay,wasiirka wasaarada Macdanta iyo tamarta,    Mayaarka Degmada sheekh,shirkada laydhka iyo xubno kale oo ka qayb qaatay dhismaha shirkada Beder.