Gorfayn: SANAAG MA SABOOL BAA U SAHAN TEGEY‏

0
70

cooraafMaqaalkan waxaan ku eegi doonaa, kuna Qaadaa dhigi doonaa Sanaag iyo waayihii bur burka kadib,  ha ahaato mid,  deegaameed, horumareed, bulsho ahaaneed, siyaasad ahaaneed iyo wax qabad ahaaneed.

Ka dib, bur burkii Dawladii dhexe ee Soomaliyeed, waxaa bur buray kaabayaashii dhaqaale, waxaa bur buray ganacasigii, Qax, Sabool haad iyo bayla-haaf baa ka dhacday, Waxayna ahayd mushkila caam yeeshay oo saamaysay dhulka soomaaliyeed oo dhan, Sanaagna Dareenkaas xanunka badan way la qabatay.

Si kastaba ha ahaate, bur bur dabadii waxaa laga soo bilaabay wax kasta xaga hoose, qofkasta, degaankasta, iyo gobol kastaana wuxuu bilaabay sidii uu usoo kaban lahaa, oo dib nolosha ula soo qabsan lahaa. Talo waayeel Dabadeed, deegaanada  Soomaaliyed badankeedu waxay dhisteen Maamulo, Ha ugu horeeyaa Jamhuuriyda Somaliland, Taas oo talo waayeel, Cuqaal, salaadiin,  waxgarad iyo siyaasin maskaxda tuujiyey ku timi. Laba shir oo laysugu yimi 1991 iyo 1993 kana kala dhacay Burco iyo Boorame , looguna kala Magac daray Axdiga Nabad, iyo Axdiga Qaranka ( peace charter 1991, National Charter 1993) ayaa waxaa lagaga tashaday masiirka dadka iyo deegaanka gobolada waqooyi, iyadoo lagu heshiisiiyey dadkii walalaha ahaa ee xurugfta iyo Xabadu dhex martay.

Maskax waayeel dabadeed, Jamhuuriyadu way Hanaqaaday, Hadba taagteedu way koraysay, tamarteedana may yaraysan xukuumadihii usoo kala danbeeyey, xukuumadba meeshay ay soo dhigto laanka, ayay ta kale  ka sii wadaysay. Mudadaas iyo wakhtiyadii, Abdirahman tuur ( Alle- ha u raxmadee), Maxamed X. Ibrahim Cigal (Alle- ha u raxmadee), tii Riyaalle, Waxaa la dhisayaayey oo xooga la saaray gobolada Galbeed, kuwaas oo ay dawladnimadu ka hirgashay, horumar badana la gaaadhsiiyey, aad na moodo waxay gobolada kale gaar ahaan Sanaag ka horeeyaan 20 Sanno. Mudadaas waa la dayacay gobolka Sanaag, waxa lagu guul daraysatay in nidaam dawladeed oo sax ah laga hirgeliyo, waxaa lagu fashilmay in kor loo qaado adeega bulshada, waxaa lagu fashilmay in laga hirgaeliyo barnaamij horumarineed.

Arar dabadeed, Aan geediga u kexeeyo meeshaan u socdo, hayaankana aan ku furo meel rays leh, aan qeexo u jeedka , aan sharaxo sababta igu kaliftay maqaalkan iyo in aan waxka qoro Sanaag, Gaar ahaan sanaag bari, Waxaan wakhti badan jawaab u waayey waxa sababay in Sanaag bari ay ka danbayso deegaanada kale, Waxaan isla waayey Somaliland weeye, dheefna kama soo gaadho, waxqabad na daa. Hadaba arinku wuxuu kusoo ururayaa labadan Su’aalood, aana ku falanqayndoonaa Maqaalkan.

1. Ma Magaca Ayaa la wadaagaa oo Somaliland lagu wada yahay?

2. mise, Cida u sahan  tagtay Sanaag Bari ayaa Sabool ah oo aan waxba soo dhaafayn?

Guud ahaanba Sanaag iyo Gaar Ahaanba sanaag bari waxaa iska cad in laga jeestay, in aan laga shaqayn sidii loo soo gaadhsiin lahaa Gobolada kale, Waxaa  muuqata in laga hamraday, haday ahaato xag arimo bulsheed, xag horumareed iyo dhinaca kaabayshaasha dhaqaalahaba.

Hadaan isku dayo in aan ka jawaabo labad su’aalood ee kor ku xusan, Hada Arinku siduu u socdo iyo siduu hore ugu soo socday ba waxaan ku dhaafi Doonaa Tuducyo  ka mid ah Gabay uu lahaa Alle-ha uraxmadee Axmed Saleban Aw gadhle,

Geela Maalintii Raac

Makhribkiyo Habeenkii

Aan kugu agmaale

Ha magaabin caanaha.

dhinaca kale, Iyana waa markhaati ma doonto in siyaasiyiinta usoo sahan tegey Sanaag Barri ay noqdeen dad aan dan badan kalahayn Deegaanka, noqday Danaystayaal aan wax ka ogayn deegaanka, aan u qaabaysanyn danta deegaanka iyo dadka ay metelaan, Waxaa taa dhinac Socota Xukuumada hada joogta iyo kuwii ka horeeyey oo ku fashilmay in ay la xisaabtamaan ayna noqdeen waxkasta daaha Dabadiisa.

Tusaale Gaaban, Xukumaduhu Waxay Sool iyo Sanaag Miisaaniyada ugu dartaa 2% wax la yiraahdo, Hadaba 2% waa la qaaday uun baa la maqlaa Maxaa lagu Qabtaa? Qaabkee loo maamaalaa?  Siyaasada Xukuumadu ka leedahay Maxay Tahay? la xisaabtan nooce ah ayaa la mariyaa?

Waxaa wax laga xumaado ah 2012 waxaa laga qaaday lacag qiyaas ahaan Nus malyuun ($500,000), waxay ku magcaabnayd Sanaag Barri, Waxaa la eegaayey in Hooyooyinka uurka leh ee aan haysan daryeel caafimaadka ee jidadka ugu dhinta caafimaad la’aan in loogu dhiso xarumo Caafimaad, In lagu horumariyo Arimaha Bulshada, in lagu dhiso Iskuulo, in Deegaanada Oomanayaasha ah Ceelal loogu dhiso Inta Saldhigyo lasoo dhagax dhigo, Waxaa caqliga Saliimka ahi diidayaa degaanka Intaas oo dhan u baahan, ayna ka jirto Nabad, Dadkeeduna Nabad kuwada Noolyihiin in saldhigyo laga dhiso, Waxa kaloo caqligu is waydiinayaa Xukuumadu maxay ula xisaabtami wayday mise Xukuumada lafteedu Daaha dabadiisa ayay ka daawanaysaa, Muxuu Hanti dhawrku usoo faragelin waayey, Waa Nasiib Darro.

si kasta ha ahaato Waxaan xukuumada ugu baaqaynaa in ay Sanaag Barri u samayso siyaasad cad oo horumarineed.

Waxaan kaloo dadka deegaanka u baaqaynaa in ay noqdaan dad soo jeeda, Xukuumada kula xisaabtama saamiga ay leeyihiin mid maamul iyo mid dhaqaale-ba isla markaana la xisaabtama masuuliyiinta kasoo jeeda deegaanka ee metala, hadii laga fursan waayona xukuumada ku khasba in loogeeyo cid Deegaanku rabo, horumarkiisana ka shaqeeya. fariintaana du dirayaa waa tuduc ka mid ah Maansadii Ibrahim aw gadhle Alle ha uraxmadee

 

Ninku yiri massaan nahay

Mar la qaad Tallaabada

La malayso mooyee

yuu midiidin kaa dhigan

midho aad la leedahay

yuu kucunin is moodsiis

Haduu Tiisa Maamulo

Adna Taada Maarre

Haduu sheegto meeleey

Mur kasii Qadhaadh noqo

 

 

W/Q

Abdirisak Mohamed Ali Cooraaf

 

la saco…………………………..