WAXBARASHADA DALKEENA (THE EDUCATION OF OWER COUNTRY)

0
60

unnamed (8)
Date:27/2/14
Maqaal(Article) kasta oo aan qoraa waxay ka turjumayaan xaalada
dhabta ah ee uu ka hadlaayo, mana aha mid buun buunin ama beeni ku
jirto, isla markaana maaha mid aan ka gaabsanayo ka hadalkiisa.
Qalinka iyo Buugu waa kuwo ka run sheega qoraalka ay sameeyaan, hadaba
wakhtigu waa goor hore oo aan ku qiyaasay 6:00AM islo wakhtigaas waa mid
farxad u leh naftayda waayo waxaan u lebisanayaa oo aan isku diyaarinayaa si
ka wanaagsan sidii hore aan dharka u xidhan jiray, Waxay ahayd markii iigu
horaysay ee aan xidho shaadh cad iyo surwaal dambari ah, waxaa la ii sheegay
in dugsiga hoose la isoo qorayo, farxdayda lama malaynkan karo, waxaan aniga
oo gacanta ay ihayso eddo Aamina nimi meeshii dugsi iigu horaysay marka laga
tago madarsadii quraanka. Waa la i qoray oo maamulihii dugsiga hoose/dhex ee
Macalin daa’uud oo ku yaala Degmada Axmed dhagax Mr. Caduur ayaa ii
sheegay in aan 7cisho aan ka maqnaado oo aan soo akhriyo quraanka, isla
wakhtigaasna waxa uu noo dhiibay warqadii la igu qoray (diwaan-geliyey) oo
ay ku qornayd taariikh dii diwaan gelinta oo ahayd (10/2/2000).
Bala malee waktiga aan waxbarshada bilaabay iyo wakhtiga aan qorayo
maqaalkan Waxbarshada Dalkeena, kama hadlaayo taarikhdii waxbarshadyada,
ama tii dhalashadayda, ama tii shaqdayda laakiin waxaan kaga hadlayaa
wakhtiga dheer ee u dhexeeyey 2000-2014 oo ah muddo 14 sano ah oo ay
qofkasta oo doonaya in uu soo bilaabo waxbarshada dugsiga dawlada, iyo sida
uu wakhtigsaa uga faaidaysan lahaa.
Malee wiilka ama gabadha la qoro wakhtigan la taaganyahay dugsiga dawlada
in muddo 8 sano ah oo dugsi hoose/dhex ah iyo 4 sano oo dugsi sare ah misana
jaamacada oo ah 4 sano guud ahaan waa 16 sano laakiin 12 sano ee hore ayaa
ah kuwo wakhtigoodu dheer yahay oo marka la isbarbardhigo aqoonta lugu
baranayo iyo wakhtiga la dhiganayo ay ficnaan lahayd in 8 sano lugu soo kobo
hadii aan lagaba yarayn.
Hadaba waxaaay aqoonta la baranaayo muddadaas aadka u dheeri?
Laakiin hadii imka la su’aalo dadki soo maray waxbarshdaas ma ka jawaabi
karayaan? Laakiin maxay tahay aqoonta rasmiga ah?
Saddexdan su’aalood waa kuwa aan ku falanqayn doono mawduuceena sida
cinwaanka hamiga iyo hiigsashada mudan ee ah Aqoonta.
Hadii aanu ku horayno qodobka kowaad oo ah
Waa Maxay aqoonta la baranaayo muddadaas dheeri? Runta iyo xaqiiqadu
waxay ku jirtaa inaka oo bookhana dugsiyada waxbarshada ee wadankeena
oganana waxa wakhtigaas dheer la baranaayo, hadaba somalidu waxay tidhaa
“geel laba jir soo wada mar” ninkasta oo aqoon is bidaaya in uu yaqaano waa
mid kazoo bilaabay waxbarshada meel hoose oo ah “Uulo” oo ah fasalka ugu
horeeya ee dugsiga hoose, isla markaana waxaan xasuustaa wakhtigii la iqoray
dugsiga oo aana waxba aqoon isla markaana aanan haynin maskax taag badan
leh oo aan ku fahmo casharka kasocoda fasalka, laakiin waxaan ognahay in 3
sano ee ugu horeeya aan la dhigan wax kabadan farbarsho iyo qorid iyo
akhiryida qoraalka buugaagta, isla markaana laba sano oo kale waxaa la bartaa
sidii dusha wax looga qori lahaa “yeedhis” isla wakhtiyo kale oo aad ufaro
badan waxaa la bartaa oo laga sheekeeyaa sheekhooyin aanan hada
garanahaynin waxa ay noo kordhiyeen oo aan wakhti ku luminayn, Intaas marka
laga tago ardaydii heerkayga ahayd iyo cidii ka horaya sey may qaadan
shahaado cadaynaysa in ay dhameeyeen dugsiga hoose/dhex halkaasna waxaa
ka muuqata in aniga oo 8 (sided) sano wax soo dhiganayey iyo wiilka
waxbarshadiisa uun ka bilaaba meel dhex aanu siman nahay oo aanu is
leegnahay xaga waxbarsho dhamaynta, Hadii aan halkaas idiin iftiimiyo markii
aanu ahayn sanadkii todobaad ama sideedaad ee aanu ka baxaynay dugsiga
waxaan nugu soo biiray arday aan wax hore soo dhigan amah ore uga hadhay
waxbarshada oo imtaxaankii nala galay miyey siman yihiin ardayga dugsiga
dhiganaayey 8 sano iyo ka hal sano dhigtay ee handana isku mar ka baxaya,
waxaa taas dheer in ardayga waxbarshadiisu dhisantahay uu ka hooseeyo kan
sanadka kaliya wax baranaayey ee ku soo biiray dugsiga, taas oo ah dhaliil ay
leeyihiin Wasaaradaha waxbarshada ee dalka iskaga dambeyey oo aan midba ta
kale wax kaga duwanayen misana aanay jirin isbedel cusub oo ay soo
kordhiyaan. Waxaana ka muuqda dayacaad ah in macalimiinta imtaxaanka
saxaya ayna u kale eegin ee ay saxaan si ay lacag u qataan uun.
Tii hore waxaa baro dhaafisay tan dugsiga sare oo marka ardaydu soo gaadho la
is odhanaayo waxaa ka bilaaba waxbarsho sax ah laakiin ayna sidaas ahayn ee
ay tahay in waxbarshadii dugsiga hoose/dhex uu laga dhigay luuqada qalaad oo
ku adag ardayda taas oo keenaysa in ay ku da’daalaan sidii ay u fahmi
lahaayeen, tusaale ahaan “Habdhiska dheefshiida” “Digestive System” waa laba
kalmadood oo is macnaynaya oo lugu kala dhigto fasalka 6aad ee dugsiga dhex
iyo kan 3aad ee dugsiga sare. Maxaan faaidaysta markaas?
Ogow oo dhigashada waxbarshadu waxa ay leedahay heerar kala duwan laakiin
se heerkastaaba waxa uu leeyahay muhiimad u gaar ah oo loo tixgeliyo,
Qaadashaa shahadada dugsiga sare ee wadankeenu maaha mid laga aamin
sanyhaya in wadanka gudihiisa mana aha mid wadanka dibadiisa loola baxo oo
jaamacado lugu raadsado, Hadii aan iftiimiyo Ardayga dugsiga sare kazoo qalin
jabiyey marka uu is idhaa wadanka gudihiisa ka raadso shaqo haba yaraato oo
ha hoosayso e laakiin aad ku kaabto noloshaada oo aad waxbarshada jaamacada
iskaga bixi ayaa waxaad arkaysaa in aan tixgelin la siinaynin shahaadada aad
sidato ee aad mudada dheer ee 12 sano ah u soo martay, soo jeeday, usoo
daashay, usoo dhididay, ee uu goobtaa la gelinaayo mid markaas barta
waxqorista iyo akhrinta oo bil ka hor ka yimi tuul qaadka iyo sigaarka lugu
cuno. Maxay waxbrashadu kaaga dhigantahay markaas? Ma is odhan
karnaa waxaa dhaanta in ardayga marka uu barto qorista iyo akhriska in loo
tobabaro waxsoo saarka wadankiisa oo loo jiheeyo beeraha iyo kaluumaysiga,
ma is odhan karnaa adaydan jaamacaaha ka baxaday ee mudada 17 sano ku
dhaw sitay bug iyo qalin ee aan shaqo iyo shay toona gacanta ku haynin waxaa
wanaagsanaan lahayd in dawladu jihayso oo ay wadanka dhaqaalihiisa looga
faaidaysto oo beerhaa iyo ciidanka lugu toobabaro. Ma ogtahay in maanta
wadankeena ay dad aan u dhalanin ka shaqeeyaan?
Hadaba Wadankeenani waa dhul nabdoon oo aanu aaminsanahay in dadku ay
yihiin dad nabada iyo horumarka jecel oo walaalo ah laakiin markaan xaqiiqada
ka hadalno aanay ka dhisnayn dawlad cago adag ku taagan oo dadka aanfici
karta misana ka shaqayn karta horumarka dhalinyarada, dhalinyartuna waa
meesha laga eego wadanka horumarkiisa misana laga eego wadankaasi in uu
hoos u socod iyo in uu korayo. Bal malee oo waxaad xasuusataa in 10 sano ee u
dambeeyey ay dhalinyaro aad u faro badani ka baxaday wadanka “Tahariibtay”
oo ay galeen wadamo shisheeyo oo ay halkaas ku dulaysan yihiin misana ay ku
darxumaysan yihiin oo aanay nolol wanaagsan ku haysan, malee inta
dhalinteenii ku dhimatay badaha iyo saxaaraha, misna malee inta iyaga oo
jaamacadihii dhiganaya la waayey maalin qudhaata, hada ogow oo waxay
ahayeen kuwo muddo dheer wax soo baranaayey misna wakhti u bixiyey
waxbarashadoodaas, laakiin maxay ku dhacaday arinkaasi. Waa waxa ka
horeeya oo ay ogaadeen in tani aanu ku noolnahay aanay jirin ixtiraamkii
ardaygu lahaa wakhtiyo qaar, oo hadii arday wadada maraaya oo xidhan
balcadii “uniform” kii waxbarshada uu u istaagi jira qofka baabuur wataa ee uu
sii dhawayn jiray, misana ardaygaas uu lahaa go’aan qaran oo laga lahaa
arintiisa.
“Ardayguna da’daalkiyo
Dugsigii haduu gabay
Duluu meel ka haystaa
Waxaan daah kasaarnayn
Isagoon digtoor noqon
Inuu darjo hanankaro
Ama doolar heli karo”
“Qalinkaa wax suureeya
Kugu sima halkaad doonto
Saaxiib kal furan weeye
Suddo faro ku hayntiisa
Waligaa ha sii dayn”
Labadan gabay waxaa ahay ahayeen dhiiri gelintii ay tiryeen abwaanadii
waxgaradka ahaa tan hore waxa tiriyey abwaan Maxamed xaashi dhamac
gaariye oo uu kaga hadlaayo dhiirigelinta ardayga, misna tan kale waa abwaan
maxamed ibraahim warsame hadraawi oo uu dhiiri gelinaaya qalinka iyo
sidashadiisa.
Hadaba waa goorma goortii abwaanada iyo waxgaradku ka hadleen
waxbarshada ma wakhtigan hada taagan miyaa? Maya waa wakhtigii ardaygu
sitay sharafta iyo qadarinta ee uu ahaa nin ka tirsan qaranka oo lugu xisaabtamo,
laakiin maaha ardaygan kiisa da’daalka la yimi iyo kan qaadka cunaa ay
simanyihiin imtaxaana marka lasoo dhejiyo, misana kii sareeyey aanu qarin ka
helayn shacabka iyo dawalada.
Hadaba si sharafta iyo qadarintii ardayga uu lahaa dawladii keligii taliska ahaa
ee umadeenu ka caban jirtay misana dhibta gaadhsiiyey hanadan uu qadarinta u
samayn jira ardayga,
Hadaba side ayaa inaka oo dawlada cadaalada iyo midnimo sheeganayna uu
ardaygeenii waxbarshada aanu u dirnay uu ku dayacanayahay waxbarshadii iyo
dugsigii loo diray oo iskadaa qadarin iyo sharaf uu helo e laakiin wixii uu xaqa
u lahaa aanu helayan misna aanu cabashadiisa u gudbin Karin cida ku shaqada
leh oo ay noqdeen dadkii haye masuuliyadoodu mid dayr adag,askar qori sita ay
isku wareejiyeen. Hadaba dawladeenu hadii aanay waxka qaban arinkan waxaa
jiri doona in sanadada soo socoda ay dugsiyo farobadani ay xidhmi donaan oo
aanay jirin cid dhigata misana jaamacadaha ay kuliyado badani xidhmi donaan
taas oo ah tahriibka iyo heerka 65% ah ee uu dalkeena ka maraayo.
Talo:
Aqoonta rasmiga ahi waa ta islaamka iyo barashada diinta islaamka hadba
dhalinta waxbarata ee ardayda ahi yaana iska daba ridin raadinta waxbarasho
aduunyo ee ay ku xaroodaan masaajidada oo ay dhigtaan diinta waayo waxaan
war iyo wacaal ka haynaa kuwii inaga horeeyey ee jaamacadaha kazoo qalin
jabiyey ay tahriib ku dhamadeen, misana shaqada aad raadinaysaa ay noqotay
mid reer iyo oday oday la isku siiyo.
Mudane aqoon raadiye ma aaminsantahay in aqoonta ugu saraysa ee la gaadhaa
ay tahay barshada kitaabka quraanka iyo sunaha nabigeenii maxamed NNKH,
islo markaana aanu u diyaar garwno su’aalaha qabriga ee ugu horeeye in aanu
xifdino oo ku da’daalno.
Mahadsanidin
Hamse Baashe Muhumed
(Hamse shaadhey)
+(063)-3449101
Xamse18@gmail.com