Muyuusigga Iyo Heesuhu Ma Xaaraan Baa :Maxamed Cabdi Daauud

0
181

warkii444Qaybta Koowaad

 Maxamed Cabdi Daauud

madaud@gmail.com

 

Nabigeenii Suubanaa , ayaa dalka Yamanta u diray Saxaabigii weynaa ee Mucaad Bin Jabal. Ka hor intii aanu amba-bexin, ayuu Nabigu  u yeedhayaa Mucaad. Markaas ayuu shirabayaa Saxaabiga oo uu weydiinayaa su’aalahan culculus; “Maxaad yeeli doontaa haddii garsoor lagu weydiiyo?” Mucaad baa ku jawaabay; “Kitaabka Ilaahay baan ka eegi doonaa”. Rasuulkii baa  ku celiyay oo ku yidhi ; “Haddaad ka weydo kitaabka Ilaahayna maxaad yeeli doontaa?” Mucaad baa yidh; “Sunaha nabiga ayaan ka baadhi”. Rasuulka ayaa , haddana ku celiyay oo yidhi; “Haddaad sunaha nabiga ka weydana?” Mucaad baa yidhi; “Waan dadaali doonaa oo waxba la hadhi maayo si aan xaqa u helo”. Deedna Rasuulka ayaa  ka mabsuuday jawaabihiisii oo yidh: “Ilaaha ergayga rasuulka waafajiyay wuxuu rabay rasuulku … Ilaahaas ayay mahadi u sugnaatay”.

Marka si fiican oo xeel dheer loo fahmo Quraanka dhammaantii iyo xadiiska Nabiga  intiisa sugan, waxaa af-yeelanaya fahamka dhabta ah ee diinta Islaamka. Gaar ahaana maxaa waajib ah, maxaa xaaraan ah, maxaa soo dhaweyn leh (مستحب) maxaa ka-didis leh(مكروه) , maxaa iska bannan (مباح)? Jawaabahaas qof kastaa kama jawaabi karo, xataa hadduu dhigtay Tafsiirka ama loo macneeyay Axaadiista intooda sugan, kol haddaanu lahayn fahmo ballaadhan iyo daacadnimo. Ka sokow aqoonta ballaadhan ee loo yeesho Quraanka iyo Xadiiska, waxaa kale oo loo baahan yahay, matalanba, in qofku yaqaano waxa dadka maslaxadi ugu jirto ama madaro, inuu yaqaano ujeedooyinka wacan ee diinta Islaamku higsanayso sida caddaaladda, runta, horumarinta nolosha iyo garashada aadmiga iwm, inuu yaqaano sida looga qiyaas qaato aayadaha quraanka iyo Axaadiista sugan ee dad badani ka soo weriyeen rasuulka , iyo inuu yaqaano masalooyinka lagu midaysan yahay ama muslinku u badan yahay.. Qofka noocaas ah waxa loo yaqaan Faqiih ama Mujtahid. Waa laba eray oo af-carabi ah oo aan ku macnayn karno Fahmo-Badne ama Dedaal-Badne. Waana sifada uu Mucaad Binu Jabal ugu ballan-qaaday Rasuulka .

Dambi iga raaci maayo haddaan idhaahdo, culumada Soomaaliyeed iska daa caamadeena oo, ma hayno ilaa hadda qof aqoonta noocaas ah hantiyay. Turjumaan mooyee, ma hayno qof cilmi baadhis sameeyay oo ku soo ban-dhigay aqoontiisa kutub u gaara oo uu ka muuqdo Dadaalkiisu ama Fahmadiisa u gaarka ah ee ku saabsan arrimaha lagu muransan yahay. Arday cilmiga dhigata Somalidu wey leedahay, lakiin fahmo-Badane ma lihin.

Sheekh Maxamed Al-Qasaali oo ka mid ah Culumada As-har, ee cilmigiisa iyo kutubtiisa ay ka sharaabeen hormuudka aqoonyahanka diinta ee casrigani, sheekhaas ayaa curiyay kitaab magaciisu yahay; Sunaha nabiga sida ay u kala arkaan dadka bartay Axaadiista iyo kuwa ku sifoobay Fahmo-badnidu. Sheekhu kitaabkan waxa uu qoray 18 sano ka hor. Shantii bilood ee ugu horreeyay, sanadkii uu curtay, waxa lagu celceliyay daabacaaddiisii shan goor. Kitaabkan waxa sheekhu ku mutaystay abaal-marinta weyn ee ay bixiso sanad kasta Khayriyadda Boqor Faysal, Taas oo anna muddo labaatan sano ah aan ka xoogsan jiray Xarunteeda Cilmi Baadhista ee ku taalla magaalada Riyaad. Sidaas oo ay tahay, kitaabkan la yaabka leh, ka heli maysid xarumaha buugaagta ee Sucuudiga. Sidoo kale, ayaanad uga helayn xarumaha buugaagta ee Somaalida dhammaanteed. Haddaan dambiga iska ilaaliyo waa faro ku tiris culumada Somaaliyeed ee kitaabkaas akhriday. Sababtana in aad garateen baan filayaa! Kitaabkani waxaad mooddaa in uu hilfaha u qaadayo Mad-habka lacagtu riixayso ee la yidhaah Wahaabiyadda.

Waxa uu ka hadlayaa macquulka iyo marwiga (wixii rasuulka lagu xidhiidhiyay). Waxa uu ka hadlayaa marka Marwiga laftiisu iska hor-yimaaddo, ama ka hor-yimaaddo Quraanka. Ama macquulka iyo Marwigu is qaadan waayaan. Waxa uu qaadaa dhigayaa arrimaha dumarka iyo diinta, Xijaabka dumarka, markhaatiga haweenka. Waxa uu ifinayaa beenta la soo weriyay ee ah “Jin Baa Dadka Gala, Iyo Nabigaa  La Sixray oo La Saameeyay”. Wuxuu kala saarayaa dhaqanka iyo diinta, ka hadlayaa qadarka iyo “Qofku inuu Qasban Yahaay Iyo in Kale”. Waxa uu qaadaa dhigayaa  Axaadiista Sukada ah iyo waxa laga yeelayo, iyo ugu dambayn arrinka aan u socono oo ah Muusigga Iyo Heesuhu Ma Xaaraan Baa Misa Waa Xalaal?

 

Sheekhu isaga oo u jawaabaya dadka qaba in heesaha iyo muusiggu xaaraan yihiin, waxa uu yidhi: “Bal kaalaya ila eega waxa uu arrinkaa ka yidhi sheekhii weynaa ee axaadiista shubay ee la odhan jiray Ibnu Xasam”.

(Faafaahinta Qoraaga: Waa Cali Ibnu Xasm Al-Andalusiyi. Waxuu noolaa qarnigii afraad ee Hijriga. Waxuu ka tirsan yahay raaca hore ee xagga hal-abuurka iyo kutub qoridda. Kutubiisa uu curiyay waxay kor u dhaaftay 400 oo kitaab. Waxa uu ka tirsan yahay, Af-hayeen iyo Mujadidna u noqday mad-habka la yidhaah ‘Daahiri’ ee u heelan cilmiga Axaadiista iyo ururintooda).

“Ibnu Xasam waxa uu yidhi: ‘Way banaan-tahay in la iibsado qalabka kala duwan ee muusigga. Ciddii qalabkaas jajabisaana, waa inay mag-dhawdaa. Sidoo kale ayay u bannaan tahay in la iibsado Jaariyadaha heesa (Waa Dumar adoomo ahaa oo heesi jiray oo la kal iibsan jiray). Arrimahaas aan sheegnay inay banaan-yihiin waxaa, ugu horrayn, u daliil ah aayadaha Quraanka ah ee Al-Baqarah ee tirsigoodu yahay 29 & 275 ee midi leedahay : Waxaa laydiin abuuray inaad adeegsataan dhammaan waxa dhulka yaala. Ta kalena leedahay: Iibka Ilaahay baa baneeyay. Sidoo kale ayay aayadda Quraanka ah ee Al-Ancaam ee tirsigeedu yahay 119 inoo xusuusinaysaa in laynoo dhammeeyay waxa xaaraanta inaga ah: “Waxaa Xaqiiqo ah in la idiin balballaadhiyay waxa xaaaraanta idinka ah”. Taas oo macnaheedu yahay asalku wax walba waa Xalaal ee qofkii Xaaraan sheegayaa ha keeno daliilkiisa ku sugan Quraanka iyo weedhaha Rasuulka . Haddaba, sidaas Ayaanu u jirin Nas ama xog ku sugan Quraanka iyo weedhaha Rasuulka  ee la ansixiyay, oo xaaraan ka dhigaysa heesaha iyo muusigga.

“Kuwa xaaraantooda ku doodayaa waxa ay miciinsadaan raadad aan ka sugnaan Nabigeenii suubanaa . Waxaa ka mid ah Xadiiska la yidhi Caa’isha ayaa Nabiga ka sheegtay inuu yidhi: Ilaahay baa xaaraantimeeyay jaariyadaha heesa iyo iibsashadooda (kiraysigooda), taba-baristooda iyo dhegaysigooda.

“Ibnu Xasm waxa uu yidhi; Dadka is-daba taxnaa ee midba ka kale ka soo qaaday xadiiskaas (waa sanadka Xadiiska), ee ina soo gaadhsiiyay waxaa ka mid ah ninka la yidhaahdo Lays oo aan lagu kalsoonaan Karin, iyo Siciid ibnu Abii Rasiin oo ah qof aan la garanayn (qof aan jirin), kaas oo isna ka soo wariyay walaalkii! Oo siciid oo la magac-dhabay baa la garan waayay, ee ma walaalkii oon la magac-dhabin baa la garanayaa ama jiroba!

Xadiiska labaad ee ay u cuskadaan inay heesaha iyo muusiguba xaaraan yihiini waa ka laga soo weriyay Cali Bin Abii Daalib inuu nabigu  yidhi: Balaayo ayaa ku soo degi doonta umaddayda hadday samayso shan iyo toban arrimood. Shan iyo tobankaas waxaa ka mid ahaa; iyaga oo dhagaysta muusigga iyo heesaha. Marka ay taas falaan, ha fishaan dabayl cas, iyaga oo la dhalan-rogo, oo dhulka lala gooyo.

“Xadiiskaas Labaadna, Ibnu Xasm waxa uu yidhi; Dadka is-daba taxnaa ee midba ka kale ka soo qaaday xadiiskan (waa sanadka Xadiiska), ee ina soo gaadhsiiyay waxaa ka mid ah Laaxiq Bin al-Xuseen iyo Diraar Bin Cali iyo Al-Ximsiyi oo dhammaantood ah lama-yaqaano (yacnii aan jirinba). Waxaa kale oo dadkaas ka mid ah Faraj ibnu Fadaalah oo isna ah nimaan la qaadan waxa uu soo weriyo.

“Xadiiska seddexaad ee … La soco Qaybta Labaad

 

 

 

 

 

 

 

Muyuusigga Iyo Heesuhu Ma Xaaraan Baa

Qaybtii Labaad

Sheekh Maxamed Al-Qasaali isaga oo u jawaabaya dadka qaba in heesaha iyo muusiggu xaaraan yihiin, waxa uu yidhi: “Bal kaalaya ila eega waxa uu arrinkaa ka yidhi sheekhii weynaa ee axaadiista shubay ee la odhan jiray Ibnu Xasam”.

(Faafaahinta Qoraaga: Waa Cali Ibnu Xasm Al-Andalusiyi. Waxuu noolaa qarnigii afraad ee Hijriga. Waxuu ka tirsan yahay raaca hore ee xagga hal-abuurka iyo kutub qoridda. Kutubiisa uu curiyay waxay kor u dhaaftay 400 oo kitaab. Waxa uu ka tirsan yahay, Af-hayeen iyo Mujadidna u noqday mad-habka la yidhaah ‘Daahiri’ ee u heelan cilmiga Axaadiista iyo ururintooda).

“Ibnu Xasam waxa uu yidhi: “Xadiiska seddexaad waxaa laga werinayaa Mucaawiye inuu yidhi; ‘Rasuulkaa   dadka uga digay sagaal arrimood, anna immikaan idiinka digayaa kuwaas. Waxaanu Mucaawiye ku daray heesihii.

“Xadiiskaas seddexaadna, Ibnu Xasm waxa uu yidhi; Dadka is-daba taxnaa ee midba ka kale ka soo qaaday xadiiskan (waa sanadka Xadiiska), ee ina soo gaadhsiiyay waxaa ka mid ah Muxamed Bin Al-Muhaajir oo Daciif ah iyo Kiisaan oo lama yaqaan ah.

Xadiiska afraad, Ibnu Daauud ayaa sanadkiisa ku soo wariyay in nin Sheekh ahi ka soo weriyay ibnu Mascuud in uu maqlaayay Rasuulka oo leh; Heesuhu waxay qalbiga ku biqliyaan munaafaqnimo.

“Xadiiskaas afraadna, Ibnu Xasm waxa uu yidhi; Dadka is-daba taxnaa ee midba ka kale ka soo qaaday xadiiskan (waa sanadka Xadiiska), ee ina soo gaadhsiiyay waxaa ka mid ah nin lagu sheegay ‘Nin Sheekh ah’! Waa wax lala yaabo in taxanaha Xadiiska uu ku jiro nin sheekh ah oo aan la garanayn cidda uu yahay. Haddii kale kuma ayuu ahaa ninkaas sheekha ahi?

“Xadiiska shanaad, waxaa laga soo weriyay Abii Maalik Al-Ashcariyi in uu Nabiga ka maqlay isaga oo leh: Qaar ka mid ah ummaddayda ayaa cabi doona khamriga, oo u bixin doona magac kale, oo iyaga ayaa lagu dul-tumi doona heeso iyo muusig, oo dhulka ayaa lala goyn doonaa.

“Xadiiskaas shanaadna, Ibnu Xasm waxa uu yidhi; Dadka is-daba taxnaa ee midba ka kale ka soo qaaday xadiiskan (waa sanadka Xadiiska), ee ina soo gaadhsiiyay waxaa ka mid ah ‘Mucaawiyah Bin Saalix oo Daciif ah. Ta kale, goodiga iyo digniinta hadalka ka muuqataana ma aha uun muusigga iyo heesaha kuwo ka dhalanaya, ee sida muuqata waa khamriga xaaraanta ah ee ay xalaashadeen ee ka mid ah dambiya waaweyn. Inta kale waa sifahooda oo la tilmaamayo. Sidaas in aanay ahayn, ee goodigu yahay heesaha iyo muusiga uun, taasi waa malamalayn. Diintana laguma qaato malamalayn.

“Xadiiska lixaad, waxa laga soo weriyay Anas Binu Maalik in Rasuulku  yidhi: Qofka la fadhiista Jaariyad heesaysa (Faafaahin: Waa Dumar adoomo ahaa oo heesi jiray oo la kal iibsan jiray) ee ka dhegaystaa, Ilaahay baa naxaas kulul kaga shuba dhegaha qofkaas, maalinta qiyaamaha”.

“Xadiiskaas lixaadna, Ibnu Xasm waxa uu yidhi; Dadka is-daba taxnaa ee midba ka kale ka soo qaaday xadiiskan (waa sanadka Xadiiska), ee ina soo gaadhsiiyay, kama sugna lamana hayo weligii in Xadiiskaas laga weriyay Anas Bin Maalik. Waa Xadiis la been-abuuray, oo fadheexad socota ah.

“Xadiiska todobaad, Makxuul ayaa Caa’isha ka weriyay in Nabigu  yidhi: Qofka dhinta isaga oo leh Jaariyad heesta (Faafaahin; Waa Dumar adoomo ahaa oo heesi jiray oo la kal iibsan jiray), qofkaas ha ku tukanina Salaatul Jinaasaha.”

“Xadiiskaas todobaadna, Ibnu Xasm waxa uu yidhi; Dadka is-daba taxnaa ee midba ka kale ka soo qaaday xadiiskan (waa sanadka Xadiiska), ee ina soo gaadhsiiyay, Ninka Makxuul la yidhaah ma soo gaadhin Caa’isha (Umal Mu’miniin), la mana kulmin. Haashim iyo ninka la yidhaah Cumar oo ka mid ah weriyayaasha Xadiiskuna waa lama-yaqaano.

Xadiiska sideedaad, waa mid aan waddaba loo hayn oo taxanihiisu (Sanadkiisu) aanu jirinba. Xadadiiskaas bilaa Sanadka ahi waxa uu leeyahay; Rasuulkaa inoo diiday laba dhawaaq oo la nacdalay; waana cododka ta heesta iyo ta baroorata”.

“Xadiiska sagaalaad, waxaa laga soo weriyay Abii Umaamah inuu maqlay Nabiga  oo leh “Ma bannaana iibinta iyo iibsiga Jaariyadaha heesaa (Faafaahin:Waa Dumar adoomo ahaa oo heesi jiray oo la kal iibsan jiray), lacagtaasina waa xaaraan.” Taasina waxay ayidaysaa quraanka iyo qawlka Ilaahay ee Aayadda 6aad  ee Suuratu Luqmaan ee odhanaysa: “Dadka waxaa ka mid ah qof soo iibsada hadalka kiisa ciyaarta ah, si isaga oo jaahil ah uu dadka uga lumiyo dariiqa Ilaahay, isagoo waliba ku dheeldheelaya.” Ilaaha ina leh, baan ku dhaartee, qofna kuma luuqeeyo hees ilaa ay raacaan laba shaydaan oo dhabarkiisa iyo laabta ka tuma ilaa inta uu ka aamusayo.

“Xadiiskaas sagaalaadna, Ibnu Xasm waxa uu yidhi; Dadka is-daba taxnaa ee midba ka kale ka soo qaaday xadiiskan (waa sanadka Xadiiska), ee ina soo gaadhsiiyay, waxaa ku jira; Mid daciifa, iyo mid aan wax laga rumaysan iyo mid kale oo aan la aqoon.

“Heesaha iyo muusigga, xadiiska ugu muhiimsan ee soo hadal qaadayaa waa ka Bukhaari uu ka soo weriyay Abii Maalik Al-Ashcariyi inuu maqlay Rasuulka oo leh; Waxaa ka mid noqon doona ummaddayda qaar xalaashada xariirta, khamriga iyo muusiga. Xadiiskan uu soo weriyay Bukhaari waa mid Mucalaq ah.

(Faahaahinta Qoraaga: Xadiiska Mucalaqa ahi waa ka ay weriyayaashiisa xidhiidhsan ee midba ka kale ka soo qaaday, qaarkood werinta ka maqan yihiin, oo sidaas sanadkii Xadiisku ku xidhiidh go’ay. Sidaas ayuu Daciif ku yahay Xadiiska Mucalaqa ahi).

“In kasta oo la qaato Bukhaari kuwiisa Mucalaqa ah, haddana Ibnu Xasm waxa uu leeyahay waxaa kala xidhiidh furan Bukhaari iyo ninka uu ka soo weriyay oo ah Sadaqah Bin khaalid, oo aan is-arag. Waxaa laga yaabaa inuu Bukhaari ku qaatay Xadiiskan isaga oo eegaya qaybaha ay xafladdaasi ka kooban tahay oo isku dhafan, kuwaas oo ah khamri, heeso iyo fasahaad diineed. Xafladda Isku-Dhafkaas ahina dee waa xaaraan maqdac ah.

“Ibnu Xasm wuxuu leeyahay ma jiro wax sugan oo xaaraan ka dhigaya heesaha iyo muusigga. Haddii ay jiraan xogo ama xog keli ah oo taxanaha ka soo weriyay Rasuulku sugan yahay, waxaa Wallaahi ah in aanan ka maagnayn ku-camal- falkeeda.

“Ibnu Xasm waxa uu ku soo noqonayaa aayadda kor ku xusan ee odhanaysa; “Dadka waxaa ka mid ah qof soo iibsada hadalka kiisa ciyaarta ah, si isaga oo jaahil ah uu dadka uga lumiyo dariiqa Ilaahay, isagoo waliba ku dheeldheelaya”.

(Faahaahinta Qoraaga: Aayaddani waxa ay ku soo degtay nin la odhan jiray Nadar Bin Xaaris oo inta uu soo urursado sheekooyinka qubanaha ah ee ku xusan jacburkii  Diimihii kitaabiga ahaa, kuwaas oo u dhigan si iska madadaalo ah oo aan xambaarsanayn mabaadiida iyo wanaagga ay ku hagayaan aayadaha quraanka ahi. Nadar Bin Xaaris intuu soo urursado sheekooyinkaas ayuu la fadhiisan jiray dariiqyada si uu dadka uga jeediyo hanuunka Ilaahay.)

“Ibnu Xasm waxa uu leeyahay; ‘Aayaddani kumay soo deign heesaha oo ay xarimayso. Aayaddu iyadaa is-fasiraysa. Qof kasta oo dadka ka duwo jidka Ilaahay, oo ku dheeldheela diinta Ilaahay, qofkaasi dee waa gaal, muranna kama taagna. Bal ka soo qaad, haddii uu qof soo iibsado Quraanka laftiisa, isaga oo doonaya inuu ku dheeldheelo, oo dadka ku lumiyo … Falkaasiba miyaanu keenayn xaaraan iyo gaalnimo? (Sidan oo kale waxaa ah tuu sameeyay Nadar Bin Xaaris)”

Sheekh Maxamed Al-Qasaali isaga oo halkaas ku dhaafay xigashadii uu ka soo qaatay Ibnu Xasm, waxa uu yidhi: La Soco Qaybta Seddexaad

 

 

 

 

 

 

Muyuusigga Iyo Heesuhu Ma Xaaraan Baa

Qaybtii Seddexaad

Sheekh Maxamed Al-Qasaali isaga oo halkaas ku dhaafay xigashadii uu ka soo qaatay Ibnu Xasm, waxa uu yidhi:

“Ilaahay marna ma dhaleecayn qofka mar-mar u leexda ciyaarta, isaga oo ka nasanaya hawlaha cul-culus ee uu hayo. Waxba kuma jabna hadduu muslinku iska daawado bustaanada (ubaxa, midhaha iyo xareedda leh) si uu ugu raaxaysto, ama uu mararka qaarkood iska soo dal-xiiso. Waxaa xaqiiqo ah in heesuhu yihiin hawraar. Teeda sani san tahay, ta xunina xuntahay. Waxaa jira heeso lagu dambaabayo, oo la qaado habeeno laydhka layku dansaday isaga oo haddana walacda haya. Oo waxa keli ah ee aad maqshaa yahay xoolo ciyaya oo is roorsanaya iyo baahiyaha xaaraanta ah. Waxaa jira heeso si fiican loo guto, oo leh ujeeddo san. Kuwaas oo xadantaynaya jacaylka ama xammaasad diini ah (mid wadani ah) ama mid dagaalba”.

Sheekhu halkaas marka uu marayo waxa uu tusale u soo qaatay hees carbeed oo ay qaaddo Um-Kaltuun oo ah fannaanad u dhalatay dalka Masar. Waxaan jeclaystay in aan ku badalo kuwo Somaali ah. Matalamba waxa ay Somalidu ku maahmaahdaa “nin aad dhashay kuma dhalin”. Ujeedadu dhalis ma aha, ee waxay tahay; Sidaad u jeceshahay ubadkaaga iyagu kuuma jecla. Heesta Maxamed Mooge qaado, ee uu allifay Dr. Maxamuud Jirde oo xanaanada xoolaha ku takhasusay … Heestaas ayuu dhakhtarku jacaylkiisii gabadha ku mataalayaa kaas waalidka oo kale ee haddana ilmihiisii ka dhoohan yahay. Waatan heestii abwaanku;

Urugoodayoo, Aafo iyo ciil Igu urura oo. Adiguna kalgacal, Igu eegtayoo. Marka ayra geel, subaxdii ilmaa, laga eeridhabo, Sow uurka iyo Kashka kama ogoo, olol-reen ma dilo. Anna umal jacayl, sow ima hayoo, araggaa ma tebo, araggaa ma tebo.

Aniguba ifkani, aynigaa haween, kaa eegtayoo. Anfacada dartaa uma oonsadee. Geel jiray abaar, looga ooda rogo, marka ilo biya leh, lagu soo ag-furo, udug iyo ugbaad sow kama ushaan. Anna umal jacayl, sow ima hayoo, araggaa ma tebo, araggaa ma tebo.

Illeyn waa adduun, Waagii ifaba, indhaa ku raboo. Aayaha dambena, lama sii ogee. Ugxantiisa diin, Markuu aaso ee, awaaraha ku rogo, sow eegmadiyo, isha kuma korshoo, ubad uma noqdaan. Anna umal jacayl, sow ima hayoo, araggaa ma tebo, araggaa ma tebo.

Erayadaas luulka ah ee Dr. Maxamuud Jirdeh ka soo laliyay buurta Daalo, ee Maxamed Moogana codkiisii malabka ahaa ku tumay ceelka Hargeysa. … Billaahi calaykum! Miyaanu milmayn qalbigii dhagax dixeedka ahaa? Haddaba waa taas xikmadda abwaanku.

Mar kale, murtidii Xasan Ganay iyo Codkii Xasan Aadan bal ila eega;

Cashaduu ilaahay, cirka taagay udub li’i, ciidana ka dhigay gogol, wabiyada cartamayiyo, cidhifyada bad kaga xidhay, iyo buuraahaa culus, cimrigeed aduunyada, waxa jiray col iyo nabad, caydh iyo nin xoolo leh, iyo laba is caashaqay. Caawana kamay tagin, caynkaynu ku ogeyn. Adna calafka kuu qoran, cuuna seegi maayee, caashaqa ha baayicin.

Xalaytaba caweskii, Canabay daruuruuhu, cimidh bay ahaayeen, caawana lagu ma oga. Wakhtigii ku ciiliyo, cisigiyo wanaaguna, way is daba caraabaan. Waxaa kuu cadayn kara; caamiyaha indhaha la’. Iyo, ma ogtahay, curyaankaba, cago loo ma waayine. Caynkaa wax loo yidhi; kuwa cararayee ladan, inay ku cibro qataan. caashaqa ha baayicin.

Marka aan maqlo heestaas, waxa aan xusuustaa Quraanka Aayadda 32aad Suuradda Al-Nuur: “U guuriya doobabkiina iyo shabadihiina. Iyo kuwa dhawrsoon ee aad adoonsataan. Haddii ay caydh yihiin Ilaahay baa fadligiisa ku xoolayn doona. Ilaahayna waa ka wax og, ee isagu waasiciya (fakiya cidhiidhiga). Ha dhawrsadaan kuwa guursan kari waayaa (oo ha sugaan) inta uu Ilaahay Iyaga Xoolaynayo.”

Halkaas waxa ku jira ballan-qaad Ilaahay, haddii dhalinteena laga helo dhawrsanaan. Waxaanan filayaa inaad ila garateen xidhiidhka ka dhexeeya aayadaha Quraanka ah iyo heesta Af-Somaliga ah. Sidaas ayuu hadalka xumina marka lagu heeso u xun yahay, kiisa wanaagsanina u wanaagsan yahay.

Dhinaca kalena, sidaas ayaanay u jirin aayad ka tirsan Quraanka oo xaaraan ka dhigaysa heesaha iyo muusiga. Waxa sidoo kale ah Xadiiska Nabigeena Suuban . Ma jiro xadiis qudha oo lagu kalsoonaan karo oo fanka xaaraantimaynayaa.

Waxaan galiilyoodaa marka aan xasuusto hiddaha iyo hibada Ilaahay siiyay reer waqooyiga ee curinta maansada, xigmadda iyo hagidda dadyawga Afka Somaliga ku hadla. Markaan maqlo wadaad yar oo bayd-gaaba, oo afka ka kabeynaya abwaanadii. Aniga oo isleh, waar, malaha afkii baa juuqda gabay, ayaan isku maaweeliyaa Abwaan Hadraawi oo xadhkaha soo goostay oo u heesaaya hablaheena gobta ah iyo doorka wacan ay nolasha ku leeyihiin. … Bal ila eega farshaxanka murtidiisa ashqaraarka leh:

Ma geyoon ma gamashiyin, Ma gommodin ma gaagixin. Ma gabloobin maan gudhin, Mana gabin halkaygii, Gabaygiina maan deyn, Geeraarradaydii, Imminkaan gardaadshoo, Weli maan gunaanadin.

Murti nimaam gunteediyo, Baran gogol-dhiggeedoo, Gonda-degi aqoonoo, Garab-daar lahayn baa, Gawl-gawla hadalkoo, Kolba dhinac garoocdee. Sida Webi Ganaanoo, Cirka godollo maaloo, Biyihii ku gaaxdiyo, Gebiyadii ku soo degey, Ku darsaday gufaaciyo, Guullaama diriroo, Geli-jabay habeenkii, Kolba gacan ma soo rogay. Qudhaciyo galoolkii, Gunta xididka maw jaray, Dhulka wada galaal iyo, Gabbalaha ma kaga tegey.

Afartaa geddaydii, Dhaha laygu garan jirey. Gurmashada dagaalkiyo, Gulufkiyo colaadaha, Goobaha naf waagiyo, Halka laysku gawraco, Marka gorodda lays daro, Haddaan dumarku goonyaha, Guubaabo kicinayn, Sida galowga dhiilloon, Illayn geesi qayrkii, Birta kuma gumaadeen.

Gu´ hagaagay oo da´ay, Dhulka geedo jiifaan, Gurya-samo barwaaqa ah, Haddii geeddi lagu furo, Dhallinyaro is gurataa, Gurdan raaca fiidkii, Gole weyn ku kulantoo, Cagta garan-garteediyo, Isu geysa jiibtoo, Googooska luuqdiyo, Gedda sacabka loo jaro, Hablahaa u gaaroo, Garashada codkoodaa, Qof gaboobey kicisoo, Gelbiskiyo mashxaraddaa, Gama´kaa ilaashee, Haddaan gabadhi boodeyn, Illayn gegi ciyaareed, Wax ma dhaanto geeriyaad!

Haddaan guudka laga jirin, Gudihiisa xaabkiyo, Cayayaanka laga gurin, Marwo dumar garka u xidhan, Illayn guri dugsoon ma leh!

Gaadaha habeenkii, Kelidaa galgalashiyo, Ged-geddoonka dhalisoo, Adigiyo go´aagaa, Hadba dhinac u guuroo, Barkintaad gabbood iyo, Gaashaan ka dhigataa, Haddaan guud haldhaaley, Kolba gacan la saareyn, Illayn gogoshu wehel ma leh!

Kuma galo adduunyada, Ninna goonni-socodkoo, Marwo garasho dheer baa, Ninka raga u gudinoo, Iyadaa guddoonkiyo, Gadh-hayaa naftaadiyo, Gaadiidka reerkiyo, Gurgurshaaga noqotoo, Arrin kula gorfaysee, Haddaan gaari kula jirin, Illayn noloshu guul ma leh!

Gocashada xanuunka leh, Waxaan uga gol leeyahay, Go’i waa barbaareey, Haddaad gabadh caddaaniyo, Dhulka gaalo keentaan, Midaan kuu garaabayn, Dhibta kaa gargaarayn, Xilka  kaala gubanayn, Gacal haddaad ka dhigataan, Guumays shisheeyaa, Haddaad gacanta qabataan, Hablaheenu guur iyo, Gayaan yay ka sugayaan?!

Gocashada xanuunka leh, Waxaan uga gol leeyahay, Go’i waa barbaareey, Gobi waxay ku dhaqantaa, Garab waxay ka dhigataa, Gallad waxay ku dheeftaa, Samo waxay ku gaadhaa, Gololladaa haweenkee. Hiddaheena gaarka ah, Hablihii gabowgiyo, Geerida ku sugi jiray, Hablihii garayskiyo, Xidhan jirey guntiinada, Hablihii gu’ iyo dayr, Sida baarqab golongolay, Dhexda xadhig ku goyn jirey, Hablihii garaaraha, Gaatan-socodka laafyaha, Sida gorayga ciideed, Gelbin jirey tallaabada, Hablihii gun iyo baar, Isha gacalo-eegtaa, Gama’ aanay ledi jirin, Hablihii guhaadiyo,  Qarsan jiray gaf mooyee, Hablii talada guunkiyo, Gunti jirey xishoodkee, Hadalkoodu gaabnaa, Hadday godollo soomaan, Ama gaajo liitaan, Cidi aanay garan jirin, Hablihii gammaan faras, Iyo geela ugubka ah, Guur-doon ka bixin jirey, Hablihii Gargaariyo,Guuleed ku curan jirey, Goldaloolo iyo ceeb, Hablihii ka guban jirey, Hablahaan gankoodiyo, Hilbahooda gadi jirin …, Haddii aad gujeysaan, Guul guul ku laysaan, Godol qudha ku mooddaan, Gabbalkooda dumisaan, Hadba tooda goosha ah, Ganacdeeda jabisaan, Dadku gabanna xooriyo, Garracyaley yidhaahdaan, Inagoo gumowniyo, Dhaqan guurey weeyee!

Gocashada xanuunka leh, Waxaan uga gol leeyahay, Godob aabbe falay baa, Ubadkiisa gocondhiyo, Gumar shidan ku noqotoo, Gebi dheer ku dumisee. Ninka inan ma geyda ah, Golqaniin ku maalee, Gurrac kaga danaystow, Waxaad gaaxsanaysiyo, Gashigaad cunaysiyo, Xumahaad geleysaa, Ruuxay ka go’an tahay, Gabadhaada weeyee, Gefka aad falaysiyo, Waxaad geysanaysaad, Galab kale ka sheekeyn!

Afartaa garaariyo, Gaashooyin mariyee, Waxaa iga gunaanada, Gabigeed adduunyada, Gobol-gobol u qaadoo, Hablo weerar geli kara, Hablo geela dhicin kara, Hablo geesi dili kara, Gobonimana hanan kara, Hablo talada goyn kara, Garta madal ka niqi kara, Garashana iskaga mida, Quruxdana ka wada gob ah, Geesteena mooyee, Gayi kale ma joogaan.

Haddaba, wakaa Hadraawi, ee ma macneeyay diinta iyo dhaqankeena guunka? Allay leh ee Haa! Sidaas marka aan leeyahay, ma jecli dhalinteenu inay ku hadaaqaan heesaha Maykal iyo Madoona. Mana jecli inay noqdaan saaray ku waalan heesaha iyo muyuusiga. Xataa cuntada, haddaad badsato ayaa xaaraan ah. Waxaan door bidayaa hablaha iyo inamada Quraanka xifdiyay ee waliba macnihiisa dhuuxay. Immikase aan u kacno oo aan u hiilino hoobalada uu wahabku foolay, ee yaayuulka ku asqoobay, ee laga fadhataystay Tiyaatarradii iyo guryihii fanka ee ay ku lahaayeen magaalooyinka waawayn. Aan karaamayno hal-abuurkeena. Kuwaas oo Ilaahay mooyee gargaar maamuus ka sugaya ummaddeena.

Wa Billaahi At-Tawfiiq.

 

Maxamed Cabdi Daauud

madaud@gmail.com