Ururka Xamaas Oo Qudha Ka Jaray 18 qof oo ay ku Eedaysay Basaaasnimo

0
122

Gaza(Waaheen) Ururka Xamaas ee dagaalka kula jira dawlada Yuhuuda ayaa shalay jimcihii gudaha magaalada Gaza ku toogtay siddeed iyo toban ruux oo lagu sheegay in ay ahaayeen basaasiin xidhiidh la leh xukuumada Israa’iil.
Talaabadan Xamaas ay qaaday ayaa ku soo beegmaysa kadib markii ay doraad xukuumada Israa”iil gantaal ay soo riday ku dishay saddex sarakaal oo ka tirsanaa garabka milateriga ee ururka Xamaas.
Dagaalka u dhaxeeya Xamaas iyo Yuhuuda ayaa wali socda, waxaana burburay dhawr isku day oo la doonayey in xal lagaga gaadho dagaaladad khasaaraha gaystay, kuwaas oo socda muddo bil iyo dheeraad ah.
Gantaalka ay Israa’iil ku dishay saraakiisha Xamaas ayaa noqonaya khasaarihii ugu cuslaa ee ay Yuhuudu u geysato Garabka hubaysan, halka ay marka hore ka garaaci jirtay dad shicib ah oo aan waxba galabsan.