Habeenkii Xalay Wuxuu ii Ahaa Hurdo La’aan!

0
50

Waxaan xalay telephone ka helay inaabtiday oo abtigay dhalay oo degan Burco xafiis dawladdu leedahayna ka shaqayn jirtay, waxay ii sheegtay in laga eryay shaqadii waayo waxaa xafiiskoodii loo soo magacaabay nin madax ah oo cusub isla markiiba waxa uu dareeeriyay dadkii hore uga shaqayn jiray waxaana uu keenay dad cusub oo isaga kuwada ab tirsada macnaha ay wax isku yihiin. Ilaahay baa iga og in arrintaasi ay run tahay iyo in kale, laakiin xalay waxay ii ahayd baaxaa deg iyo hurdo la’aan. Kama nixin in shaqadii laga eryay waxaan aad uga cadhooday sifaha iyo sababta loo eryay. Waxaan maqlay tani in ay iska caadi noqotay.

 

Waxaan arkaa in dalka lagu wado siyaasaddii aynu ku noolaan jirnay 1960kii taas oo ahayd mid nin waliba reerkooda dib ugu noqdo si loo doorto. Waxaa ii muuqata in aan ku socono siyaasad dibadda laga keenay taas oo la rabo in aan dadkeenu weligii ka bixin is qab qabsi iyo iska hor imaad sidaasna weligood ugu jiraan jahawareer wixii xabadda iyo baddu liqday mooyee kuwa kalena ay gaajo u dhintaan.

 

Ilaahay muslim oo dhan wuu imtixaamay sababtoo ah cadaalad bay isu samayn waayeen. Waxay ahayd maadaama ay tirada dadkeenu yar tahay in dhibaatooyinkooda, baahidooda iyo khilaafkooduba yaraado. Muskiladu waa dadka siyaasiyiinta sheeganaya ee leh master iyo doctorate baan sidanaa haddana mid waliba mid kale ayuu la col yahay. Way ilaaween in wada jir kaliya ay wax ku noqonayaan. Dadkii, ugaadhii iyo xoolihiiba sida ay siyaasiyiintu u qaybsan yihiin bay  iyaguna u qaybsan yihiin oo isu cunayaan.

 

Waar ilaahay ka baqda oo madax jacaylkan iyo xoolo urursigan joojiya oo dadkiina hoos u eega waxay idinka mudan yihiin in maskasdiina aad isu gaysaan oo waxaad soo barateen haddii ay faa’iido u leedahay dadka iyo dalkaba wax ugu qabataan idinka oo is jecel oo wada fadhiya waxna wada cunaaya.

 

Nin madax ku ah ama ku noqday sifo qabiil ma u malaynayo in uu dadka cadaalad u samayn karo. Waxaan ka codsan lahaa madaxda maanta wadanka u talisa in ay dadkooda isu soo jiidaan oo joojiyaan wixii dadka kala fogaynaya. Waa in madaxwaynuhu ka hadlo arrimaha nabad gelyada mar walba khatarta ku ah si aan dadka loo jaha wareerin, waa in uu ogaadaa in ilaahay kala xisaabtamaayo rida rida hirdiday hadalkeeda daa dad yar yar oo waxay cunaan waayay oo is dal dalaya (Ma hubo waa sedan aan akhriyay).

 

Wabilaahi Towfiiq.

 

Walaalkiin Caydiid Axmed Jaamac_Melbourne Australia