Meelaha Dooxyada Soo Rogmadaa Bada kaga Darsamaan Oo ay Wasaarada Beeruhu Biyo Xidheen ka samaynayso

0
49

OLYMPUS DIGITAL CAMERAWefti ka socda Wasaaradda Beeraha oo uu hogaaminayo wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole ayaa waxa ay safar ku tageen Dooxa Waaheen goobaha uu kaga darsamo badda, taasi oo ay indho indhayn iyo qiimayn ku soo samayeen waddada ugu haboon ee biyo xidheen loogu samayn karo biyaha dooxada dalka ka soo rogmada ee badda ku darsama.

Wefiga uu hogaaminayey wasiirka beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole ayaa waxa safarka ku wehelinayey La taliyaha wasiirka Ibraahim Carab, Agaasimaha Waaxda Waxsoosaarka Wasaaradda Beeraha Ibraahim Cumar, Agaasimaha waaxda Saadaasha Hawada C/qani Yuusuf iyo Af-hayeenka Wasaaradda Sacad Muuse Cabdi.

Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole oo ka hadlay muhiimada ay leedahay biyo xidheen lagu sameeyo dooxa Waaheen ayaa waxa uu sheegay in ay muhiimad weyn qaranka u leedahay, isla markaana loo baahan yahay inaanay dadku sugin oo kaliya biyaha roobka ee ay isku dayaan inay xidhaan oo ay ka faa’iidaystaan daadadka kala duwan ee inagaga daraya badda biyihii aynu inta badan u oomanayn.

Wasiirka oo arrimahaasi ka haldaya ayaa waxa uu yidhi “Maanta waxaanu joognaa Tuulada Faruura oo ah meelaha uu dooxa Waaheen kaga daro badda biyaha ka soo rogmada meelaha kala duwan oo dalka, waxaananu halkan u nimid inaanu indho indhayn iyo qiimayn ku samayno habka ugu haboon ee aynu biyahan u qabsan karno, inaga oo haddii aynu biyaha qabsano ka faa’iidaysan karna, waxaananu ku rajo waynahay inaanu biyaha dooxan deegaankan Faruura aanu  faruurno oo qabano”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Imaanshaha aanu halkan nimid waxa ay tahay inaanu qiimayno oo aanu cidda aanu kala kaashan karno kala kaashano biyo xidheen lagu sameeyo dooxa Waaheen, dadka aduunkuna cidda wax qabsata ayey wax la qabtaan oo markii aynu inagu isku tashanay ee aynu waddooyinka dhisanay wadamada qaadhaan bixiyeyaashu waxa ay dhismaha wadooyinka inoogu dareen lacag gaadhaysa 6 Milyan oo Dollar (Lix Milyan oo Dollar), waxaananu ku rajo waynahay in haddii aynu inagu biyo xidheenkan bilaabano heli doono cid wax inagala qabata, waxaanan beeralayda ku guubaabinayaa inay biyaha roobka oo kaliya sugine ay biyo qabsin samaystaan”.

Wasiir Geedoole mar uu hay’addaha qaadhaan bixiyeyaasha talo u jeedinayey waxa uu yidhi “Hay’addaha qaadhaan bixiyeyaasha waxaanu leenahay wax nagala qabta mashaariicda waaweyn ee dalka wax taraysa oo lacagta aad nagu caawinaysaan ha ku daadaadinina meelo dalka ku filiqsan ee meelahan oo kale soo galiya, waanay jiraan inay hay’adduhu dhaqaale fiican dalka siiyaan, balse waxa haboon in kolba meeshii dalka wax taraysa ee ugu haboon ku bixiyaan”.

Xuseen Nuur Axmed oo ah dadka deegaanka Faruur oo ah deegaan ku yaala Dooxa Waaheen goobta uu dooxaasi badda kaga darsamo ayaa sheegay in dooxani ay ku soo rogmadaan biyo badan oo ay ka mid yihiin biyaha ka yimaada Hargeysa, Aburiin, Dacar Budhuq iyo deegaano kale oo badan, isla markaana muhiimad weyn qarankan ugu fadhido hawsha ay wasaaradda Beeruhu wado, isla markaana ka deegaan ahaan ay soo dhawaynayaan.

Af-hayeenka wasaaradda Beeraha Sacad Muuse Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tibaaxay in safarkan uu wasiirku hogaaminayaa daba socdo dedaalo wasaaraddu ku doonayso in dalka biyo qabatin laga sameeyo, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Wasaaradda Beeruhu iyada oo ka duulaysa sidii loo kobcin lahaa wax-soosaarka dalka waxa ay ku dedaalaysaa sidii biyo qabatin loogu samayn lahaa bulshada, taasi oo muhiim weyn u leh wax soosaarka”.

Agaasimaha waaxda Waxsoosaarka beeraha Ibraahim Cumar iyo la taliyaha wasiirka Ibraahim Carab oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen inay wasaaradda beeruhu muhiimadda u weyn saartay sidii biyo qabatin loo samayn lahaa, taasi oo suurto galinaysa kobcinta waxsoosaarka dalka.