Cali Khaliif oo ku dhawaaqaya Golihiisa wasiiradda

0
60

Waxa uu 25/08/2014 Saax-dheer ku qabsanayaa xafladda Caleemo saar

Saax-dheer(Waaheen) Cali Khaliif Galaydh oo dhawaan loo doortay Madaxweynaha Khaatumo ayaa lagu soo waramayaa in uu ku mashquulsan yahay Xafladda Caleemo saarkiisa, taasoo uu ku marti-qaaday madax iyo dadweyne isugu jira kuwa bulshada.

caliCali Khaliif ayaa lagu wadaa in uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiiradda kuwaas oo ka koobnaan doona Lix wasiir iyo ku-xigeeno, kuwaas oo ku shaqayn doona Tuulada Saax-dheer.

Xukuumadda Somaliland ayaa Cali Khaliif Galaydh hore fursad ugu siisay in lagu doorto Xuduudka Somaliland iyo Itoobiya wadaagaan, hase yeeshee lama oga talaabada ay ka qaadan doonto Caleemo saarkiisa.

Cali Khaliif Galaydh ayaa u qoondeeyey in uu Xafladda Caleemo saarkiisa qabsado 22/08/2014, hase yeeshee waxa uu dib ugu riixay 25/08/2014.