Nikolos key oo Jawaab ka bixiyey Codsiyo Guddoomiyaha Wakiilladu Hordhigay

0
86

Hargeysa(Waaheen):-Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. Nicholas Kay, ayaa jawaabo degdeg ah ka bixiyey codsiyo uu hordhigay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kadib markii ay kulan ku yeesheen xarrunta golaha shalay.

Kay iyo shirguddoonka Wakiillada

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Golaha Wakiillada, Guddoomiye Cirro, ayaa Ergayga Xoghayaha Guud hordhigay codsiyo ay ka mid ahaayeen in Qaramada Midoobay ka caawiyaan Somaliland arrimaha doorashooyinka, isla markaana u soo diraan goob-joogayaal ka socda UN-ka oo markhaati ka noqda hannaanka doorashooyinkaasi u qabsoomaan, waxa kaloo uu ka codsaday in laga shaqeeyo sidii loo hirgelin lahaa qoddobada heshiiska ah ee ka soo baxa wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, lana kordhiyo dalalka caalamka ee goob-joog ka noqonaya miiska labada dal ku wadahadalayaan.

Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa codsiyadaas Guddoomiyaha Wakiillada isla markiiba uga jawaabay, waxaannu sheegay in xafiiskiisu aannu go’aamin karin in goob-joogayaal UN-ku u soo diraan doorashooyinka Somaliland, hawshaasina tahay mid u baahan inay go’aan ka gaadhaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, balse, waxa uu tilmaamay inuu ka shaqayn doono codsiga Guddoomiye Cirro ee la xidhiidha dhinaca wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxaanna qoraalka Golaha Wakiillada ka soo baxay uu nuqul ka mid ah Warbaahinta soo gaadhay lagu yidhi; “Ergayga Qaramada Midoobay, ayaa shirguddoonka Golaha Wakiillada u sheegay inay dhiirrigelinayaan wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya, kuna dedaali doonaan sidii looga shaqayn lahaa hirgelinta qoddobada ka soo baxay wadahadalkaas, isagoo xaqiijiyey inay dhiirrigalinayaan, kana shaqaynayaan in si dhakhso ah dhawaan loo bilaabo wadahadallada Turkiga, waxaannu xusay in wadahadalku marka uu dib u furmo laga doodi doono soo jeedinta Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee la xidhiidha in la ballaadhiyo dalalka goob-jooga ka noqonaya miiska Somaliland iyo Soomaaliya ku wadahadlayaan.

Waxa kaloo uu caddeeyey inuu Somaliland u soo diri doono dad xafiiskiisa uga warrama arrimaha doorashooyinka, balse aannu xafiiskiisu go’aamin karin inay goob-joogayaal rasmi ah u soo diraan doorashooyinka Somaliland, arrintaasina tahay mid ay go’aamin karaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaa Ergayga Qaramada Midoobay kala hadlay qaddiyada Somaliland, isaga oo carrabka ku adkeeyay in aanay madaxbannaanida Somaliland ahayn wax gorgortan geli kara, waxaannu xusay inay hayaan waddada horumarka iyo dimuquraadiyadaynta, taas oo loo baahanyahay in kor loo sii qaado.

Waxa kaloo Guddoomiye Cirro u sheegay Ergayga Qaramada Midoobay inay jiraan arrimo u baahan in wax laga qabto oo Somaliland hadda culays weyn ku ah, kana mid tahay shaqo la’aanta dhalliyarada, loona baahan yahay in sidoo kale UN-ku wax kala qabtaan si loo sii adkeeyo nabadda iyo xasilloonida.

Md. Cirro ayaa u sheegay Ergayga Xoghayaha Guud in xeerka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay Golaha Wasiirradu ansixiyeen, loona gudbiyey Golaha Wakiillada, laguna dhamayn doono muddo saddex toddobaad ah.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaa dhinaca kale Ergayga Qaramada Midoobay kala hadlay sidii khilaafka dhinaca xaduudaha ee u dhexeeya Somaliland iyo dalalka jaarka loogu dhammayn lahaa sida ugu wanaagsan oo ah wadahadal, isagoo xusay inay taageersan yihiin wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo ilaa hadda arrimaha heshiiska laga qaaday yahay maamulka hawada sare, kaasoo xilligan u muuqda in Soomaaliya ka baxday heshiiskaas, sidaa darteedna loo baahan yahay hirgelinta heshiiskaas, isla markaana muhiim tahay in la ballaadhiyo dalalka ka qaybgala amma goob-joogga ka noqonaya miiska wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Xubnaha Shirguddoonka Wakiillada iyo weftiga Qaramada Midoobay

Xubnaha Shirguddoonka Wakiillada iyo weftiga Qaramada Midoobay

Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Md. Cali Yuusuf Axmed oo isna hadal ka jeediyey kulankaas, ayaa ka xog-warramay qaddiyadda Somaliland iyo sida ay lama taabtaanka u tahay, waxaannu sheegay in waxyaabaha keenay in Somaliland noqoto dal nabadgelyo ah oo xasilloon sabab u tahay xorriyadda buuxda ee ay haysto, kana madaxbannaan Soomaaliya, isagoo tibaaxay in arrimaha dhaliyey in Somaliland dib ula soo noqoto madaxbannaanideedu yihiin khasaare iyo xasuuq baahsan oo ay kala kulmeen midowgii Soomaaliya sannadkii 1960-kii.

“Waxa jira waddamo si nabadgelyo ah u kala go’ay sida dalkii la odhan jiray Checkslovakia (qaaradda Yurub) oo hadda noqday Check Republic iyo Slovakia, sida la arkayna ay hadda ka wanaagsanaadeen markii laysku jiray,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenku, isagoo caddeeyey in aanay suurtogal ahayn in dadkii isku qoomiyad ahba hal dal yeeshaan.

Madaxa Hawlgalka Qarammada Midoobay ee Somalia/Somaliland Mr. Nicholas Kay, ayaa isna kulankaas uu saddexda xubnood ee shirguddoonka Golaha Wakiillada (guddoomiye Cirro iyo labada ku-xigeen – Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Md. Cali Yuusuf) la yeeshay ka sheegay in xafiiskiisu leeyahay laba qaybood oo kala ah; qaybta siyaasadda iyo qayb bini’aadamnimo, isagoo xaqiijiyey in aanay qaybta siyaasaddu ka shaqayn Somaliland, balse hay’adaha UN-ku Somaliland joogeen muddo aad u dheer, isla markaana Somaliland kala shaqaynaysay arrimaha bini’aadamnimada.

Waxa uu intaa ku daray in UNSOM leedahay qaybo faa’iido u yeelan kara Somaliland oo ay doonayaan inay kala shaqeeyaan sida; arrimaha Gender-ka (jinsiyadda), saxaafadda, arrimaha bani’aadamnimada, dismaha hay’adaha dawladeed, nabadgelyada, caddaaladda iyo booliska, isagoo  Nicolas Kay ku amaanay Somaliland nidaamka dimuquraadiyadeed ee ka jira, kaas oo uu sheegay inuu tusaale u yahay waddamo badan oo ay Soomaaliya ku jirto.

Geesta Kale, Ergayga Xoghayaha Guud, waxa uu kulan la yeeshay shirguddoonka Golaha Guurtida Somaliland oo ay ka wadahadleen arrimo la xidhiidha dhinacyada nabadgelyada iyo doorka guurtidu ku leedahay haykalka dawladnimo, waxayna shirguddoonka guurtidu uga sheekeeyeen ergayga taariikhda dib-u-heshiisiinta Somaliland iyo qaabka loo suurtogeliyey xasilloonida iyo amniga dalka ka jira.