Guddida Wasiiradda ah ee Miisaaniyadda oo Booqday Wajaale

0
96

 

Waxay kulamo la yeesheen ganacsatada waaweyn ee Wajaale

Wajaale(Waaheen) Guddida Dajinta Miisaaniyadda Somaliland ayaa shalay Kormeer ku tagtay magaaladda Wajaale halkaas oo ay waraysi iyo warbixino ku kala qaateen Ganacsatada waaweyn ee magaaladaasi.

War-saxaafadeed kooban oo wasaaradda Maaliyaddu ka soo saartay booqashada Guddida Heer wasiir ee Miisaaniyad sanadeedka 2015-ka ayaa u dhignayd sidan:-

Waxa saaka oo taariikhdu tahay 19/08/2014 kormeer ku tegey magaalo ganacsiyeedka somaliland ee wajaale Gudida siyaasada miisaaniyada qaranka oo kala ahaa wasiirka wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Wasiirka Hawlaha Guud  iyo gudoomiyaha Rugta ganacsiga. weftigaas waxa hogaaminayey wasiirka wasaaarada maaliyada ahna gudoomiyaha gudida miisaaniyada qaranka C/casiis Maxamed Samaale. kormeerkaasi waxa uu ku saabsanaa xogogaal u noqoshada dhaqdhaqaaqa ganacsi ee degmada wajaale maadaama ay tahay goobta halbowlaha u ah ganacsiga somaliland, sidoo kale waxay wasiiradu dhex mareen suuqa weyn ee magaalada halkaas oo ay indha indheeyeen ganacsiga ka socda waxaanay su’aalo la xidhiidha dhaqdhaqaaqa ganacsiga weydiiyeen ganacsatada meheradaha haysta. gabagabadii waxay weftigu kulan aad u dheer oo qaatay dhawr saacadood la qaateen ganacsatada degmada Tog-wajaale kaas oo lagu qabtay Hotel Geela, waxaana goobtaas ka hadlay ganacsato dhawr ah oo uu ku jiro gudoomiyaha ganacsatada wajaale mudane Maxamuud Jaamac Qalinle.Waxa dhinaca weftigana ka hadlay wasiirka maaliyada, wasiirka wasaarada duulista, wasiirka wasaarda hawlaha guud iyo guryeynta iyo gudoomiyaha rugta ganacsiga mudane Maxamed Shugri. waxa kale oo kulankaas goobjoog ka ahaa gudoomiye ku-xigeenka gobolka Gebilay Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case) iyo sidoo kale dhamaan masuuliyiinta degmada wajaale oo uu ku jiro duqa degmada wajaale mudane Xaashi Maxamuud Cabdi. weftigu waxay markii danbe kormeer ku tageen kastamka Kalabeydh ee lagu cashuuro qaadka ahna goobta labaad ee dakhli ee wasaarada maaliyada.