Dharaaro Xusuustood Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 30aad

0
94

Dharaaro Xusuustood

Prof. Maxamed Siciid Gees – Qeybtii 30aad

“Those who cannot remember the past are doomed to repeat it”

George Santayana

 

“Kuwa xusuusan kari waaya waayihii soo maray waa ku inkaaran yihiin inay dib ugu celiyaan”

George Santayana

 

“Ma raadkaan dorraad dhigaan

Dib ugu soo laabtay”

Maxamuud Ismaaciil Qaasim

 

George Santayana waxa uu ahaa faylasuuf u dhasay dalka Isbeyn (Spain). Waxa uu cilmiga falsafadda ka dhigi jiray Jaamacadda Maraykanka ah ee caanka ah ee Harvard. Hadal-hayskan caanka noqday ee la soo xigto isaga ayaa leh. “Those who can not remember the past, are doomed to repeat it” ama “Kuwa xusuusan kari waaya, waayihii soo maray, waxay ku inkaaran yihiin inay dib ugu noqdaan.

Golihii Wakiillada ee beeluhu soo xusheen ee hawlgalay bishii Mey sannadkii 1997, waxa muddada xilku kaga ekayd Mey 2002. Biishii Abriil ayaa Marxuun Cigaal loo qaaday Dalka Koonfur Afrika arrimo caafimaad dartood, iyada oo wax go’an ah laga gaadhin xilligii Golaha oo dhammaanayo.

Golaha Guurtida ayaa sannad koradhsiimo ah u ansixiyey, sida uu dhigayo Qodobka 42aad ee Dastuurku. Waxay arrintaas ku tallaabsadeen iyaga oo aan codsi ka hayn Madaxweynaha. Yuusuf Garaad oo aan ballansanayn, ayaa ila soo xidhiidhay, aniga oo qolkii cusbitaalka la jooga Marxuun Cigaal oo ay weheliso Marwo Kaltuun Xaaji Daahir. Waxa kale oo qolka ku sugnaa Dr. Cali Qaadi, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Marxuun Cabdiraxmaan Ducaale iyo Dr. Iqbaal oo ahaa Wakiil Somaliland ee Konfur Afrika, haddana waddankiisa safiir uga ah dalka Ereteriya.

Waxan isku xidhay Yuusuf Garaad iyo Marxuun Cigaal. Waraysiga oo dheeraa, waxa Yuusuf ugu dembayntii weydiiyey, in wax fariin ah oo uu u diraya Marxuun Cigaal dadweynaha Somaliland. Marxuun Cigaal waxa uu yidhi “Waxan maqlayaa Golaha Wakiillada ayaa muddadii loo kordhiyey, arrintaasi waxba kama jiraan…” Waraysigaasi waxa uu ahaa Habeenkii Arbacadu soo gelaysay ee bishu ahayd 1-dii Mey.

Markii aan huteelkii ku laabtay ayaa Yuusuf Garaad ila soo xidhiidhay oo yidhi; “Ma sii daayaa warka Madaxweyne Cigaal ee ku saabsan kordhinta muddada Golaha Wakiillada ee Guurtidu ansixisay?” Waxan u sheegay inuu ka gooyo qaybtaasi waraysiga, waa laga qurux badan yahay inaanu ku xidhiidhino BBC-iida, marka aan waddankii ku noqonno ayaan u dhiganaynaa arrintaas. Marxuun Cigaal waa kii Allaystay bishii May saddexdeedii, Marxuunku ma rabin in wax la kordhiyo, waxa uu rabay in Goluhu iska kala huleelo marka waqtigoodu dhammaado, oo deeto doorashu la qabto. Tii Illaahay ayaa timi oo sidaas ayey ku hirgashay mudda kordhintii Golaha Wakiillada ee ugu horreysay, dabadeed waxay noqotay tusbax la furay.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa marku mucaaridka ahaa, had iyo jeer marka muddada Madaxweynihii hore ee Rayaale loo kordhiyo odhan jiray “Miyaanay xad lahayn muddo kordhintu ma la wadayaa uun, imisa goor ayaa kordhinayaa?” Bal aan waayaha dhawrno mugga oo uu isagii kursiga fadhiyo waxa uu yeelo! Bishii Mey 2003 ayey muddadii haddana ku dhamaatay. Mar labaad ayaa Golaha Guurtidu u kordhisay laba sano oo kale oo ku ekeyd Mey 2005.

 

Sannadkii 2005 aniga oo xukuumaddiin Rayaale la iga ruqseeyey oo markan ah Agaasimaha Fulinta Akaademiyada Nabadda iyo Horumarinta, ayaa mar kale hawshii Goluhu Wakiilladu ii soo gashay. Marxuun Axmed Maxamed Adan (Qaybe) oo ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo aabbahay Siciid Maxamed Gees ay macruuf weyn ahaayeen, soona wada shaqeeyeeyn muddo dheer, aniga aanu muddo wada shaqaynay, ayaan ku martiqaaday inuu nagu soo booqdo xafiiska Akaadamiyada. Waa uu ajiibay oo noo yimi oo dhexfadhiistay hawl-wadeennadii Akaademiga.

Marxuun Axmed Maxamed Adan (Qaybe waxa uu fadhigaa noogu sheegay in ilaa hadda aanu jirin Xeerkii Doorashada ee Golaha Wakiilladu, wax mashruuc sharci ah oo arrintaas ku saabsanna aanu ka haynin xukuumadda, Guddigii Golaha ee xeerka u xilsaarnaydna, waxba ma soo wadaan, inkasta oo loo diray kharashkiina la siiyey.

Waxa aan u sheegnay in haddii uu codsi nagu weydiisto khabiir la sameeya Xeerka aanu hawshaas gacan ka siin karno. Sidaas ayuu ku yimi Rubin Samora oo caan ku noqday Soomaaliland. Kharashkiisa waxa bixinayey oo noo soo diray Safaaradda dalka Britain ee Addis Ababa uga wakiil ahayd. Markii Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtiduba ay cod saddexdii meeloodba ay laba meelood (2/3) ku ansixiyeey Xeer Doorasho oo ka dhigayaa doorashada mid aan la qaban karin, ayaa Safiirka Britain ku wargelinay, maadaama ay hawsha ku jireen oo kharashka khabiirka ay bixinayeen, waxa uu la kulmay Madaxweyne Daahir Rayaale oo ku adkeeyey in qabsoonto doorashadu. Sidaas ayuu ku dhiiraday Mudane Daahir Rayaale oo Maxkamadda Sare la tiigsaday xaajadii. Go’aankaas maxkamadda oo doorashadii in la qabto suurtageliyey.

Ilaa markii loo gudbay nidaamka axsaabta badan, waxa laga sanqadhiyey waxa laga yeelayo degmooyinka bariga Somaliland ee maamulku gaadhin. Doorashadii dawladaha Hoose dhibi ma jirin, oo intii laga qaban karayey ayaaa laga qabtay doorashadii, kuwii kalena sidii hore ayaa loo magcaabay Guddoomiye iyo ku-xigeen. Dastuurka ayaa sidaas dhigaya.

Doorshadii Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa isna dhibaato looma arag, oo intii laga codeeyey ayuunbaa lagu dhaqmay. Waxa dhibto timid markii loo gudbay Golaha Wakiillada. Xildhibaannada Golaha waxa soo dooranaya saddexda xisbi oo ku tartamaya doorashada. Sidee laga yeelaa degmmoyinka aan doorasho ka dhacayn xildhibaanadooda? Madax-dhaqameed ma magcaabi karto, dawladi ma magcaabi karto, maxaa la yeelaa ? Arrintaas ayaa turunturo ku noqotay doorashadii oo Madaxweyne Rayaale ka maagay.

Waxannu arrintaas kaga shir saddex qof oo ay saamayso oo kala ahaa Marxuun Qaybe oo ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Axmed Xaaji Cali oo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo aniga oo aan xil qaran hayn hase yeeshee Akaademiyada madax ka ah. Saddexdayadu waxa aanu ka soo jeednaa degmooyinka bari. Waxa aannu isku daynay inaannu helno qaab loo furdaamiyo arrinta oo doorasho ku qabsoonto.

Habeenkii dambe ayaa wax igu soo dhacday habka loo bixiyey is-xambaarkaas. kaas oo ahaa, in tiro loo reebo degmooyinka Gobalka ee aanay ka dhacayn doorsho. Xisbiyado ay liis keen magacyada uga soo baxaya degmooyinkaas, dabadeed lagu kal qaybsado sidaa loogu kala guulaysto degmooyinka Gobalka ee ay doorashadu ka dhacday.

Sidaas ayaa loo helayaa xildhibaanno xisbyiin ah oo Golaha soo wada gala, waxase muuqata dadkii degaanku inaanay soo dooran. Habkii waxa lagu magcaabay is-xambaarka. Waxa uu arrintii Axmed Xaashi Cali u gudbiyey Mudane Daahir Rayaale oo aqbalay in lagu daro Xeerka Doorashada Golaha Wakiillada, taas oo u fuliyey Marxuun qaybe.

Xubnaha ku soo baxay habkan is-xambaarku, war iyo wacaal kama hayaan cidda dhalisay fikraddan iyo cidda ka hawl gashay siddii ay u hirgeli lahayd. Bal aan dhawrno sida markan looga dabaasho!