Munaasibad lagu qabtay Xarunta Midawga Africa ee Ethiopia oo ay Khudbado ka Jeediyeen Muuse Biixi iyo Ciro.

0
130

 

ciro iyo MuuseAddis Ababa (Waaheen)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI iyo dhiggiisa xisbal-xaakimka talada haya ee KULMIYE – Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbado miisaan leh oo isugu jira garnaqsi ku saabsan qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland iyo dalabyo culus ka jeediyey kulan ka dhacay xarunta Midowga Afrika ee caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa shalay.

Kulanka lagu qabtay xarunta Midowga Afrika oo ahaa munaasibad loo sameeyey qallinjebinta arday ka kala socday dalal kala duwan oo Afrikaan ah oo dhammaystay faracyada jaamacadda New Generation ee Addis Ababa iyo Hargeysa, waxa ka qaybalay masuuliyiinta ilaa 23 dal oo Afrikaan ah iyo diblumaasiyiin kale, ayaa hoggaamiyayaasha labada xisbi ee Somaliland oo si rasmi ah loogu casuumay khudbadaha madaxdu ka jeediyeen halkaasi, waxa ay kaga warrameen qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland iyo sida caalamku dhegaha uga furaystay inuu tixgeliyo rabitaanka ummadda reer Somaliland, iyagoo sidoo kalena madaxda ka qaybgalay munaasibaddaas u gudbiyey farriimo kala duwan oo ku saabsan ixtiraamka xaqa aayo-ka-tashiga iyo maalgashiga khayraadka dihin ee dalka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa madaxda Afrikaanka iyo diblumaasiyiinta caalamka ee madasha fadhiyey u bandhigay sidii ay ku timi qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland iyo sida caalamku muddo 23 sannadood ah isaga dhegomarinayo rabitaanka shacabka dalkiisa.

“Waxa farxad noo ah in aannu idin kala soo qaybgalno xafladdan lagu qabannayo xarunta Midowga Afrika oo ah meesha laga soo saaro go’aamada dalalka Afrika 1963. Haseeyeeshee, nasiib-darro aanaan xubin ka ahayn dalalka Midowga Afrika, balse waxaannu rajaynaynaa si dhakhso ah in sannadkan soo socda aannu ka mid noqdo,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

“Somaliland iyo Itoobiya waxa ka dhexeeya xidhiidh qoto dheer oo khuseeya dhinacyada nabadgalyada, dhaqaalaha, ganacsiga iyo siyaasadda, waxa uu soo taxnaa muddo 23 sannadood ah oo Somaliland madaxbannaanideeda haysatay, waxaanna hirgelinta xidhiidhkaas qotada dheer ee u dhexeeya labada ka soo shaqeeyey afar madaxweyne oo u kala dambeeyey talada Somaliland iyo Ra’iisal-wasaarihii geeriyooday ee dalka Itoobiya Meles Zanawi oo jidkii uu jeexay aannu maantana ku wada shaqaynayno Ra’iisal-wasaaraha hadda ee Itoobiya.” Sidaana waxa yidhi Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ah madaxda Afrikaanka ah ee fursadda loo siiyey inay ka hadlaan munaasibaddaas wejiyada badan kulmisay, isagoo sharraxaad ka bixinayey heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray xidhiidhka saaxiibtinimo ee u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Itoobiya.

Waxa kale oo Guddoomiye Muuse baaq garnaqsi ah u diray dalalka xubnaha ka ah ururka Midowga Afrika oo uu ka dalbay inay ixtiraamaan xaqa aayo-ka-tashiga ummadda Somaliland, “Somaliland maaha gooni-u-goosato, balse waxay ku dhaqmaysaa axdiga Midowga Afrika ee ku salaysan xuduudihii gumaystuhu kaga tagay dhawr iyo lixdan sanno ka hor, sidaasi darteedna waxaannu ugu baaqaynaa dalalka Afrika inay ixtiraamaan qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland iyo rabitaanka shacabkayaga.”

Sidoo kale, waxa uu dawladda Itoobiya ka codsaday inay ka faa’iidaysato isticmaalka dekedaha iyo maalgashiga khayraadka ku duuggan badda Somaliland oo dhererkoodu gaadhayo 700KM.

Waxa kale oo munaasibaddaasi ka hadlay masuuliyiin tiro badan oo ka kala socda Afrika iyo caalamka.