Ina Galeydh: Waayeel Saaqiday! from PM to War Lord

0
38

Ina Galeydh: Waayeel Saaqiday! from PM to War Lord

Darajada waxbarasho ee Ph.D iyo waayuhuba waxba uma tarrin oday Ina Galeydh. Wuxu isu caleemo saaray dagaal ooge cusub. Wuxu ku baaqay oo hurinayaa colaad. Waxayse talo joogtaa dadka uu xaabada dabka ka dhigayaa in ay ka fiirsadaan oo wax iska waydiiyaan fikirkiisa habowsan.

Culuumta jaamacadaha laga barto iyo waayo aragnimada sooyaalka aduunyada laga dhaxlaaba  waa adeeg(tool) kaba garaadka bani’aadamka oo uu  adeegsado. Waxa  ka horeeya oo ka mudan garaadka Ilaahiga ah ee uu Eebaheen ku maneysto qofba inta uu doono. Garaadkaas ayaa wuxu adeegsadaa cilmiga uu ka barto jaamacadaha iyo wixii waayaha aduunka  ah ee uu goobjoog u ahaa ama uu maqlay  loo wariyo. Haddii uu garaadkaasu yahay mid aan waafi aheyn oo itaal darran oo garasho yar waxa badan u tari maayaan cilmiga uu barto iyo waayaha aduunkuba. Sidaa waxa aad ugu  eeg Dr.Cali Khalif Galeydh.

Dr. Cali Khaleyf waa nin ku saaqiday in uu ka faa’iideysto cilmiga la sheegay in uu ka gaadhay heerarka ugu sareeya(Ph.D ). Cali  Khalif waxa kale oo aan waxba u tarrin waayaha aduunka. Saaqidnimadaasu waa ta maanta keentay in uu  la shir yimaad  dagaal oogenimo gayigan  laga nacay oo lagasoo gudbay.

Cali Khaliif isagoo mansabyada ugu sareeya kasoo qabtay dawladihii ka jiray Somaliyadii hore iyo kuwan danbe ee aduunyadu usoo dhoob-dhoobto Somalia ayuu hadana u dhaqmaa sidii nin raad barad ku ah siyaasadda Somalia.

Ina Galeydh wuxu isu caleemo saaray dagaal ooge cusub oo  madax ka noqday  kooxda Khaatumo-Seeg ee majarahabowsan , ee kaymaha Nugaaleed dibjirka ku ah. Ina Galeydh kolka  cilmigiisa, waayo aragtinimadiisa, iyo cimrigiisaba la eego lagama fileyn maanta nin dadkiisa u horseeda oo ugu baaqa colaad aan Eebaheen  badin. Waxa lagu ogaa ninka heerkiisaas oo kale ah nabad ka shaqeyn , wanaag iyo isusoo dhoweyn.

Ina Galeydh been ayuu u sheegayaa tolkii.

Dhulbahante iyo dhulkooda toona Somaliland ma gumeysato sida uu inbadan ku nuuxnuuxsaday ee sawirka khaldan uga bixiyo. Somaliland sheegashadeeda waxa ay u sibirsaareysaa xuduudada rasmiga ah ee dawladihii gumeysiga ahaa u kala jeexeen aduunyada. Ama jeclow ama diid, xuduudahaas ayaa rasmiya cid tirtiri kartaana ma jirto. ·

Cali Khalif wuxu inbadan ku celceliyaa xuduudahaasu nama khuseeyaan oo wax cilaaqaad ah lamaanaan laheyn dawladihii sameeyey.Haddii ay sidaasu run tahay maxay ku dhacday in shaqaalihii u shaqeyn jiray Boqortooyadii Britain ee wadanka xukumi  jirtay ay beeshiisu saami weyn ku yeeshaan oo ay ka badsadaan kuwa badan oo iyagu heshiiskaas la galay UK? Muxuu isaga laftigiisu wax ugu bartay dugsiyadii uu nidaamkaasu gacanta ku hayey? Miyey diidaan oo yidhaahdaan : “Ingiriis anagu adiga iyo shuqulkaaba waanu diidanahay?”

Mida kale waxa uu been ka sheegaa  oo yidhaa:”anagu heshiis lamaanaan gallin UK oo waanu diidaneyn”. Runtu waxa ay tahay in reerkiisa sida reero kale oo Somaliland ahaaba Ingiriisku u iman, sobobtuna ay aheyd Ingiriisku in uu waagaa danenayey uun reeraha ka agdhow xeebaha Somaliland. Miyaanay jirrin reero badan oo kale oo reer Somaliland ah, oo xataa kuwo Isaaq ahii ku jiraan,  oo aan lala gallin heshiiskaas? Maxay iyana u odhan waayeen anagu Somaliland kuma jirno? ·

In Galeydh waa been oo wanaag uma wado beeshiisa. Hadii ay run ka tahay waxa jirtay mar uu intan maanta uu le’egyahay  awood iyo arrinba roona oo xataa uu gaadhay raysalwasaare in uu noqdo.Waa su’aale muxuu u qabtay tolkii uu maanta ku beerlaxawsanayo  waxbaan idiin qabanayaa?

Gunaanad

Waxan u sheegaynaa dadka uu doonayo Ina Galeydh in uu dagaal galiyo bal in ay isweydiiyaan:

Ina Galeydh shalay ma dhallane muxuu u qabtay?

Waqtiyo badan oo uu ka awood iyo itaal roonaabaa jirtaye muxuu waqtigaa isugu hawli waayey arrimahan uu maanata oo cidla joogo uu la shir yimi?

Muxuu goobjoog iyo saxeexaba uga ahaa shirkii lagu go’aamiyey lasoo noqoshada xornimada Somaliland ee Burco iyo kii jirridaha loogu adkeeyey ee Borama.

Wuxu yidhaahdaa :”danbaa I tidhi oo dadkaan badbaadinayey”.Waa su’aale Somaliland ma maalintaasbey ka xoog badneyd maanata oo ay 24 jirsatay oo dawlad isqaadatay oo mudakartay noqotay?

Markii uu Raysalwasaaraha ahaa ee awooda sare lahaa muxuu usoo dhicin waayey ee uu xoreyn waayey dalkan iyo dhulkan maanta uu leeyahay waan xoreynayaa?

 Allaa Mahad Leh