Curyaaminta Doorashooyinka Somaliland Waa Shirqool By Mukhtar Cilmi‏

0
58

 

Maqaalkaygan wuxuu taabanaya dhowr arimood,waxaa la yidhi (nin ka mid ah col duulaya ayaa abaanduulihii ciidanka weydiiyay meesha loo socdo, Abaanduulihii intuu yaabay ayuu ugu jawaabay meesha loo socdo nin ragi waa ogyahay doqonna loo sheegimaayo) !!, marka la eego xidhiidhka dhibaatooyinka wadanka ka dhacaya waxaa qof kasta oo caqli caafimaad qaba leh u cad in ujeedada ka dambaysa kelitalisnimada iyo doorasho la dagaalanka Madaxweyne Silaanyo ay tahay horjoogsiga geedi socoda dumuqradiyadeed iyo burburinta qaranimadda Somaliland, xukuumadda madaxweyne silaanyo waxa ka daacad ah curyaaminta joogtadda ah ee doorashooyinka soo socda,abaal ka dhac iyo xukun jacayl waa shirqool dhagareed oo loo maleegayo Somaliland si loo mijaxaabiyo amnigeeda dibna loogu celiyo fawdo iyo rabshado.

 

Iyado oo awalba ummaddii reer Somaliland ee dooratay silaanyo ka rajo dhigtay maanta xukuumaddiisan kana sii quusatayn markii uu burburiyay Xisbi kulmiye kana dhigay xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Somaliyeed si ay ugu hirgasho nidaam dikteternimo, bal day sidii siyaad barre ayuu guulwadayaal iyo dad masaakiin oo waxna ka ogayn dalka gurbajoog ah ku uruuriyeen shalay Hool ku yaal Hoteeladda Hargeysa , iyagoo ururiyo gurbajooga kumiye ee taagersan silaanyo khudbado ku dhisan munaafaqnimo iyo been ka arradan xishoodka iyo damiirka wanaagsan xagu maanta dalkeena marayo, khiyaali iyo waxqabad aan jirin ku waalatay xukuumaddan oo dadkii dhagaha iska xidhan markay maqalaan khudbadaha tv ga Qaranka!!.

 

Waa in la ogaadaa in Xirsi, muhanad, Ducaale, cukuse iyo dhawrka wasiir ee kale iyo xubo kooban ee ku jira golayaasha Qaranka ay halis ku yihiin nolosha iyo mustaqbalka qofkasta, qoyskasta iyo beelkasta ee Somaliland xabaalna u qodayaan geedi socodka iyo qaranimda Somaliland si fawdad loogu cesho, Kooxdan qaranimadda Somaliland u burburinaysa xukun jacel waxay u kala baxaan laba qaybood kuwaas oo

kala ah:

 

Qaybta kowaad burburintooddu waxay ku salaysan tahay nacayb gaar ahaaneed oo raba in Somaliland lagu cesho fawdo iyo Soomaaliya.

 

Qaybta labaadna ku salaysan yihiin ka rajo dhig inay dalka Somaliland ku noolaadaan mustaqbalka dembe ay ka galeen awgeed.

 

Marnaba kooxdan laguma xeeri karo qabiil ama beel waayo waxay khatar ku yihiin danta guud ee la wada leeyahay sidaas darteedna waa in si wadajir ah la iska wada badbaadiyaa maamulkan is kooxyeyey, haddii Silaanyo diido inuu doorasho galo June 2015 Somaliland is badbaadinta iyadda u adeegsan doonta Kacdoon shicibweyne.

 

Khadar2244@hotmail.com

 

Mukhtar Cilmi