NIN HADDUU GO’AANKIYO SHARCIGA, GAWRAC UGU JIIDO.. Khalid Cali Cilmi

0
87

 

 

Talada wanaagsan iyo ujeedada cad ayaa qofku ku meel mara, haddii kale wuxu noqonayaa qof isla saxan oo wakhti kasta isu haysta kii ka dhaqaaqayay “ laguma dhaamee dhaqaaq”. Dhaqaaqu wuxu u baahan yahay tilmaan iyo dabar, kaasi oo markasta ah kan ay bulshooyinku u samaystaan maamulka kala haga, ka toosan taageera, kan qaldana qabta.

 

Xukuumaduhu waxay bulshada ku ilaalisaa sharciga iyo qaynuunka Ummadda ka dhexeeya..

 

Kan cagta laga gujiyay afkana laga beelyay ee kolba dhinac u ordaya aan la fahmi karin ujeedadiisa ayaa ah kan u baahan silsilad iyo dabar sharci.

 

Xisbiyada Mucaaridka ayaa isu rogay kuwo ay isteerinka u hayaan kooxda madasha.  Madasha oo iyadu ah koox aan sharci ahayn oo aan ku jirin Golayaasha qaranka ayaa mar kasta waxay si fudud dibin ugu ridaa xisbiyda Mucaaridka.

 

Waxay soo hordhigaan go’aano iyo arrimo ka hor imanaya dastuurka dalka, oo ah ka axsaabtu ku dhisan tahay.

Madashu way ogtahay in aany ahayn urur sharci ah oo aan soo saari Karin go’aano iyo seex midna.

 

Xisbiyada oo ah kuwo tayadood liidati ayaa iyaguna taageersanaya madasha.

Mucaaridku waxay ka faa’idaysanyaan arrimaha ilaalinta xasaanadooda. Taasi oo ay ku ganaynaa madasha, aan maal iyo magic mooyee wax kale rabin.

Go’aan kasta oo ay madshu keento iyagun way la qaataan. Marka ay wada sexeeyaan hawlo anu dsiroorku ogalyn, xagee ayay madashu ka socotaa marka hore ?

Maxasye kaga duwan tahay dadka faraha badan ee Somalilansd.?  Waa qorshe iyo go;aamo ay madashu soo diyaariso. Maalintii ugu danbaysay waad maqlaysan sida ay isu khialafasnayanee Cirro iyo Faysal oo sharci daro ku sheegay golaasha.

Mucaaridka waxa istidhaa madasha aan sharciga ahayn.

 

Nin hadduu go’aankiyo sharciga, gawrac ugu jiido

Hadba goondhabaaliyo hadduu, Gooddi-furan keeno

Wa bilaahi tawfiiq