Dagaal ka dhacay Balayga Diiriye Guuleed ee Duleedka Burco oo sababay dhaawaca saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka iyo Booliiska

0
107

Burco(Waaheen) Dagaal ka dhacay saaka balayga Diiriye Guuleed ee Duleedka Burco ayeyku dhaawacmeen Abaanduullaha Guutadda 12aad ee Ciidanka Qaranka Mr: Kayd iyo Taliyaha Booliiska Dawlada Hoose ee Burco Cismaan Qoorwaa.

logoDagaalka saaka ka dhacay Balayga Diiriye Guueed oo ay soo qaadeen Beesha Cabdalla Arab ayaa dhinacooda lagaga dhaawacay hal qof, halka mid kalena Ciidanku gacanta ku dhigeen.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in deegaanka lagu muransanyahay xaalad Colaadeed ka bilaabantay, isla markaana Dagaalku ka socdo, inkasta ooaan wali khasaare kale la soo sheegin.

Dagaalka dhacay ayaa ka dhashay  markii ay Xukuumaddu aastay Barkado ay deegaanka Baliga Diiriye Guuleed ay ka bineeyeen Beesha Cabdalla Arab oo degta, kuwaasoo lagu aasay go’aan ka soo baxay Guddi wasiiro ah oo ay Xukuumadda Somaliland u saartay, kadib markii laba Beelood oo wada dega khilaaf ku dhex maray.

Beesha Cabdalla Arab ayaa si toos ah u diiday go’aankii ay wasiiraddu ka soo saareen balayga Diiriye Guuleed, waxaanay ku hanjabeen in aanay aqbalayn in barkadahooda la Aaso.