Jaamacadda Hargeysa oo laga eryey Hormoodadii labada Kuliyadood ee Sayniska iyo Ganacsiga

0
66

Waxa lagu Eryey markii Hanti-dhawrku cadeeyeen inaanay jirin Eedo musuq maasuq oo ay ujeediyeen maamulka Jaamacadda
Waxa Digniin culus la siiyey Saddexa Hormood oo kale oo la safnaa labada la Eryey
Hargeysa(Waaheen) Guddida sare ee Jaamacadda Hargeysa ayaa shalay shaqadii ka fadhiisiisay Hormoodada Kuliyadaha Sayniska iyo Bussines-ka, halka ay Hormoodada Laba Kuliyadood oo kala aha Sharciga iyo Imtixaanaadkana siiyey Digniino.
Go’aankan oo ay Guddida sare ee Jaamacadda (Board-ka) Hargeysa shalay qaadatay ayaa ka dhashay kadib markii koox Baadhayaal (Audit) ay ku waayeen Maamulka Eedo musuq maasuq oo ay si wadajir ah ugu soo Oogeen.
Hogaanka sare ee Jaamacadda Hargeysa oo fadhiistay markii Natiijada Baadhayaashu soo dhamaatay ayaa soo saaray go’aankan ay xilka kaga qaadeen Hormoodadii Kuliyada Sayniska  Axmed Maxamed Cadaad iyo Ganacsciga Keyse Cali Geedi ee Jaamacadda Hargeysa.
Sidoo kale, waxay Digniin kama danbays ah ujeediyeen Hormoodka Kuliyada Sahrciga iyo Ku-xigeenkiisa iyo Hormoodka qaybta Imtixaanaadka Jaamacadda Hargeysa.
Ilo wareedyo u dhuun daloola talaabadan Hogaanka Sare ee Jaamacadda Hargeysa ku talaabsadeen ayaa sheegaya in hore labada Hormood ee la Eryey u haysteen Digniino looga jeediyey falal ay hore ugula kaceen maamulka Jaamacadda, taasoo ay ka joogsan waayeen.
Jaamacadda Hargeysa ayaa ku jirta Fasax sanadeedkii caadiga ahaa