Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 19aad Muddo-dhaafka muddo-dhaafka: Diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha

0
119

           Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 19aad

Muddo-dhaafka muddo-dhaafka: Diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha

“Maanta oy Gobaad,

Intay guri lahayd,

Sannad-guuradii,

Boqol gaw ah tahay,

Ninka Guud-haldhaa,

Gayaxeeda raba,

Galabtana mar kale,

In uu gaabsi iyo,

Gogol-dhaaf ku furo,

Go’ haddaan u riday,

Ma denbaan ka galay?”

 

Maansada Gar-naqsi, Gaarriye, 25/4/1983kii, Addis Ababa,

cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

9/8/2014ka, Hargeysa,

Qormada: 2aad

Doorashada Juun, 2015ka ma la qaban karaa?

Ilaaha taajirka ah ee ay had jeer tiisa noqoto waxba kuma aha. Waxaynu ka hadlaynaa waa tabaabushaha iyo tooggada aadamaha, gaar ahaan inteenna maanta joogta ee ay xilalkaasi saran yihiin. Haddaba innaga oo aan meel dheer uga soo wareegayn bal marka hore aan guud-mar kooban ku samaynno ilaa immika waxyaabaha qabsoomay ee doorashadaa la wada sugayo la xidhiidha.

Waxa diyaar ah Xeerkii Diiwaan-gelinta ee ku-suntanaa 37aad oo mar horena la adeegsaday. Xeerkan 37aad wuxu u baahan yahay in dib loo eego, gaar ahaan qodobbada la xidhiidha dadka Diiwaan-gelinta ku gabbood-fala tallaabooyinka sharciyeed ee laga qaadayo. Haddii markii hore Diiwaan-gelinta lagu saleeyay faraha, maanta waxa saldhig u noqonaya indhaha. Bishii Juun ayaa jitaabadaa la qaaday si buuxdana waa loogu guulaystay. Waa hawl kooban oo Golaha wakiilladu waqti yar oo aan sidaa u sii badnayn kaga soo bixi karayo.

Waxa inoo diyaar ah waayo-aragnimadii hodanka ahayd ee aynu ka kasbannay, Goob-joogayaashii ajnabiga ahaa oo war-bixin tifaf-tiran oo qoraal ah ka soo bixiyay Diiwaan-gelintaa hore. Waxa kale oo aynu aad iyo aad uga wada dheregsan nahay wixii aynu gef samaynay dal ahaan iyo dad ahaanba oo ay tahay in aynu maanta ka fogaanno. Addunyadu mar walba inaga caawin meyso Diiwaan-gelin aynu innagu mar kasta carqaladaynayno.

Waxay saddexda Xisbi-qaran iyo Komishanka Dooraashooyinku qoraal ku kala saxeexdeen in ay doorashooyinku waqtigooda ku qabsoomaan. Heshiiskaa taariikhiga ah xukuumadda Somalilandna waa ay ku raacday oo oggolaatay.

Innaga oo ku jirna bishan Ogos, 2014ka, suuro-gal ma tahay in aynu qabsanno doorashadii Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada bisha Juun 2015ka, haddii Eebbe idmo?

Waa amba-baxeenna maanta, qormadu meel ay inala martaba, idinkuna ha samir darraanina.

In qof la doortaa waa xil iyo gudshadii. In Gole la doortaana waa xil iyo gudashadii. Qof iyo Gole mid uu yahayba xeerar biraysan oo xalaal ah iyo qodobbo dastuuriya ayaa lagu doortaa. Qof iyo Gole mid uu yahayba waajibaad, xilal iyo muddo-xileed dastuuriya ayay leeyihiin oo ay gabbood-fal dastuuriya tahay in ay ku-xad-gudbaan.

Waa ayaan-darro haddii uu qofkan la dooranayaa u qaato in uu weligii meesha joogayao. Waa halkii Cabdillaahi Cabdi Shube e’: “Wax waliba way fasakhmaan.”

“Xil-dhibaan mar la doortay,

Haddii uu dirgan waayo,

Damco uun kursigiisa,

In uu daayinkii haysto,

Durba wuu fasakhmaa,

Oo danayste noqdaa,”

 

Doorashooyinku in ay qabsoomaan waa xil dastuuriya oo saaran hadba inta xilka dawladeed haysa. Waa hawl ka dhexeysa: Xukuumadda, Xisbiyada qaranka, Xeer-dejinta, Komishanka Doorashooyinka, dawladaha taageera dimuqraadiyadaynta Somaliland iyo intii kale ee ay adeegsadaanba. Waa xil si gaar ah u saaran shacbiga iyo saxaafadda oo ay tahay in ay si taxaddar leh had iyo jeer ku baraarugsanaadaan.

Doorashooyinku in ay qabsoomaan waa qasab. Amarka Ilaahay in ay ku qabsoomaan weeye. Waa in ay dedaalkeenna iyo xil-kasnimadeenna ku qabsoomaan. Ma aha cid kasta oo la doortaa in ay been ku dhaarato, kursiga ku fadhiisato, ka dibna loogu taag waayo xilligiinna waa uu dhammaaday e’ ka soo dega. Ma aha in ay sida mara-boobta ku dhegaan kuraasida oo ay ‘Aabbahay goblin miciinsadaan.’.

Awoodda iyo karaamada qarannimada

Waxaaba marka laga soo tago haddii ay Mabaadiida Guud ee Dastuurka Qaranka dhowri waayaan dadka la doortaa – Madaxweyne ilaa xildhibaanno – maxaa shacbiweynaha la dulmiyay ee xuquuqdoodii la duudsiyay laga sugaaya ama laga filan karaa? Xubinta 1aad, Qodobka 1aad, Faqradda 2aad ee Dastuurku waxay leedahay:

“Awoodda iyo karaamada qarannimada waxa leh shacbiga, wuxuuna u adeegsanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale.”

Hadda ha u qaadanina in uu yahay Qodob dastuuriya oo keliya. Xaasha! Waa Qodob gaashaaman oo ku jira Mabaadiida Guud. Weliba Faqradda 2aad ee Qodobka ugu horreeya Dastuurka. Muwaaddinka dhabta ahi wuu og yahay, dhawaan-xoolowga dhan-dahamada sedka moodayna cidi wax weydiin meyso. Muuwaaddin, yaan lagu dhaafin xuquuqdaada. Dalkan karaamadiisa iyo haybaddiisaba shacbiga ayaa iska leh, sidaa uu Dastuurku qeexayo, xinjir baana lahu qoray oo wax si fudud u tirmaya ma aha.

Ma Madaxweynahaa, ma ku-xigeenkaa, ma inta kale ee aad cod ku doorateen baa? Waa ay kuu adeegaan. Shacbigaa dirtay, iyaga ayay u shaqeeyaan. In ay innaga inoo sarakacaan weeye, ma aha in aynu innagu u saro-kacno oo weliba ka dhigno waxaanay ahayn. Ma aha in aynu ka dhigno awood wax kasta bixin karta. Xaasha! Awooddoodu waa ay xaddidan tahay oo xeer ayaa sar-jaraya.

Dastuurku miyaanu kaas ahayn? Xaggee naloogu durdurinayaa ee hadba ciidammo sheydaan oo aan la garanayn meel ay ka yimaaddeen saqaha dhexe la isugu soo dalbanayaa? Sow tan aynu mar labaadka dadkii la xasuuqay mar kale si sharaf leh u aasaynno? Durba miyaad illowdeen, waa halkii Ibraahin Gadhle e’.

(La soco berri haddii Eebbe idmo……………………………………..)