Sarkaal Shabaab u qaabilsanaa dilalka weriyayaasha oo gacanta lagu dhigay

0
57

 

Kenya(Waaheen) War lagu kalsoon yahay oo laga helaayo dhanka Saraakiisha Ciidamada Dowlada Federaalka Somaliya, ayaa xaqiijinaya in gacanta lagu dhigay ninkii Maleeshiyada Alshabaab u qaabilsanaa dilalka Weriyayaasha ka howlgali jiray Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Ciidamada Nabad sugidda Dowlada, ayaa sheegay inay ku guuleysteen gacan ku dhigida Xasan Xanafi Xaaji oo ahaa horjoogihii Maleeshiyada Alshabaab u qaabilsanaa dilalka Weriyayaasha iyo shirqooladooda.

Wararku waxa ay sheegayaan in dadaalka lagu qabtay Xasan Xanafi ay iska kaashteen Laamaha Ammaanka Kenya iyo Somaliya oo muddo dheer ku howlanaa qabashada dhagar qabahaasi dilay dhowr weriyayaal caan ka ahaa Dalka.

Sirdoonka Dowlada Kenya oo ka macluumaad qaatay Hay’adda Sirdoonka Somalia, ayaa waxa ay Xanafi kusoo qabteen meel aan sidaa uga fogeyn Masjidka Al-Hidaaya ee magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

Sirdoonka ayaa waxa ay Xassan Xanafi gacanta ku dhigeen Saddexdii Bishaan aan ku jirno waxaana qabashadiisa wakhti ku bixiyay Weriyayaal ku sugan Magaalada Nairobi oo iyagu ka danqaday falalka gurcan oo uu geystay Xanafi.

Xassan Xanafi waxaa kamid ahaa weriyayaasha uu dhagarta u maleegay Mahad Axmed Cilmi, Cali Imaan Sharma’arke, Saciid Tahliil oo ka wada tirsanaa Idaacadii Horn Afrik.

Dhanka kale, waxa uu dil kaasi lamid ah u geystay Alle u naxariistee Sheekh Nuur Abkey oo ka tirsanaa Warbaahinta Qaranka.

Qabashada kuma aysan ekeyn Xassan Xanafi ee waxaa la socday Saddex kale oo iyaguna ka tirsanaa Maleeshiyada Alshabaab waxaana la filayaa in maalmaha soo socdo lagu soo wareejiyo Dowlada Federaalka Somalia oo gacan ka heleyso Laamaha Ammaanka Kenya.