KA QAYBGALKA SIYAASADDA EE BEELAHA LAGA TIRADA BADAN YAHAY WAA IN AY HELAAN TIRO GO’AN OO KURAAS U GAAR AH (QUOTA SEATS)

0
229

KA QAYBGALKA SIYAASADDA EE BEELAHA LAGA TIRADA BADAN YAHAY WAA IN AY HELAAN TIRO GO’AN OO KURAAS U GAAR AH (QUOTA SEATS)

 

nbhhuWaa maqaal si xidhiidh ah ugu soo baxa saxaafadda madaxa-banaan oo ku Saabsan xaquuqda ula sinnaanta iyo ka qaybgalka horumarka iyo siyaasadda Dalka ee beelaha la hayb-sooco, waxa soo diyaariyey Ururka Codka Haweenka Beelaha la Hayb-Sooco (VOSOMWO), waxaana taageeray NED.

 

Hargeisa()Ururka codka haweenka beelaha la hayb sooco ee “Voice of Somaliland Minority Women Organization” VOSOMWO oo la aasaasay 2004. Waa urur horumarineed waddani ah, sharciyaysan oo ay aasaaseen hablo muwaadiniin ah oo ka soo jeeda beelaha la hayb sooco, kuwaasoo iskood isu abaabulay, una kacay si ay ugu adeegaan hurumarinta iyo xuquuqda dadka laga tirada badan yahay. Ururku muddada uu jiray wuxuu adeegyo horumarineed oo badan ayuu hore ugu fidiyay bulshada uu u adeego, runtiina guulo wax-ku-ool ah ayuu ka gaadhay dadaalkiisa, waxaannu daraasado cilmi ah ku sameeyay dibaatada takoorka, tacadiga xuquuqal-insaanka, waayaha iyo duruufaha qallafsan ee ku xeeran nolosha dadka ka soo jeeda beelaha la hayb sooco ee ku nool dalkan Soomaaliland.

 

Dadka la hayb-soocaa waxay xaq u leeyihiin inay ka mid ahaadaan kana qaybgalaan samaynta iyo hirgelinta siyaasadaha horumarinta dalkooda iyo dhismaha xukuumadda ee markastaba dalka ka jirta, marka loo eego xuquuuqda sinnaanta dadka ee diinteenna wanaagsan ee islaamka ah ina farayso, xeeraraka dalka ee la jaan-qaadaya dimoqraadiyadda iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha, ayaa waxaa lagama maarmaan ah in xuquuqda dadka la hayb-sooco ee Somaliland ku nooli ay la jaanqaaaddo geeddi-socodka horumarka iyo daryeelka xuquuqda muwaadininta.

 

Dadaalka dadka la hayb-soocaa ugu jiraan gaadhitaanka inay dhinac walba ula sinaadaan bulsho-waynta Somaliland ee ka mid ka yihiin oo ay ula wadaagaan dimoqraadiyadda horumarka iyo xuquuqda guud ahaaneed waxa fure u ah ka qaybgalka siyaasadda iyo talada dalkooda. Sidaa darteed, waxaan u soo jeedinaynaa xisbiyada siyaasiga ah ee ka jira dalka in ay u arkaan waxa lagama maarmaan ah in dadka la hayb-sooco ay ku jiraan talada dalka oo u oggolaadaan Tiro go’an oo kuraas u gaar ah (Quota seats) codad iyagu ka tirsan oo qeexa arrimaha iyaga gaarka u ah, xalna loogu helo, taasoo noqonaysa dimuqraadiyadda wada-tashiga ku dhisan ee laga wada qayb qaadanayo.

 

Haddii aan dib u yara milicsanno, Doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee ka qabsoomay somaliland sannadkii 2012  taas oo ahayd doorashadii 4aad ama tii ugu danbeeysay ee ay u dareeraan bulsho-weynta ku dhaqan somaliland. Doorashadii ugu dambaysay ee golaha deegaanku waxay dhaxalsiisey beelaha laga tirada badan yahay , in ay ku waayan xaquuqdii ka qaybgalka siyaasadda ay dalka ku lahaayeen. musharxiinta Beelaha la haybsooco ee u sharaxnaa doorashooyinka golayaasha deegaanka Somaliland ee ugana sharaxnaa heer gobal iyo heer degmo waxa ay dhab ahaantii ahayd tiradii ugu badnayd ee isu soo sharaxda doorashooyinka golayaasha deegaanka ilaa intii inta hanaanka dimoqraadiga ee doorashada ka hanaqaaday dalka.

Waxa markii ugu horaysay isa soo sharaxay tiro ahaan 27 musharax oo ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay taasina ay ku tusayso ku baraarugsanaanta beelahan ee dhinaca siyaasada, tani badalkeeda waxa guul darro ah in ay gabi ahaanba musharixiintaasi soo bixiwaayaan walibana  ku darsamo xildhibanik kali ahaa ee beelahan gabi ahaanba golayaashii degaanka ee hore kaga jiray oo ku jiray golahii degaanka ee degmada Boorama ay ku waayaan doorshadii ugu dambaysay ee dalka ka dhacday sanadkii hore 2012, taasi ayaa waxa ay si cad kuu tusaysaa in musharixiinta beelahan laga tirade badan yahay aanay marnaba doorasho toos ah ooh al qof iyo hal cod ah aanay ku soo bixi Karin siday doonto ha u dhacdee. Taas oo dadyowga laga tirade badan yahay ka dhigtay qaar aan soo bixi karayn, sidaas aawadeed looga bahan yahay xukumadda in la siiyo kooto si ay uga qayb-galaan talada qaranka , xukumaduna uga bahan tahay hiil-qaran.

 

Waxaa rajo wayn u ah dhamaan beelaha laga tirada badan yahay loona baahan yahay in la taageero sidii ay tiro go’an oo kuraas ah (Quota) loo xidho ay u heli lahaayeen, sidaasi aawadeed waxa aan soo dhawaynaynaa dadaalkii madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudean e Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee ku aadan taageeradiisa sida ugu suurtogalsan ee dadkaasi uga qaybgeli karaan hogaanka siyaasadda ee dalka, waxaan taageeraynaa hadalkii madaxwaynaha sida uu ku sheegay qudbad sanadeedkii uu ka jeediyay golayaasha qaranka hortooda ee uu ku dalbaday inuu mar kale dib u soo celinayo xeerkii KOOTADA ee beelaha laga tirada badan yahay, iyada oo la ogaa in ay gabi ahaanba ka maqnaayeen golayaasha qaranka mudanayaal matala dadka laga tirada badan yahay”. waxayna u arki doonaa hiil qaran ,horumar laga sameeyay sinnaanta ,cadaaladda u ah dastuurka & xeerarka ku dhisan hanaanka dimuqraadiyeed ,waxaan layiska indho tiri Karin maanta in dadyowga laga tirada badan yahay ayna lahayn cidii u mateli lahayd kuraasta golayaasha deegaanka jamhuuriyadda somaliland oo ay ka maqan yihiin dhammaan ,taasna waa ayaan daro .wax u dhimaysa habsami u socodka dawladnimo iyo nidaamka diimuqraadiyadeed .waxaan markale cod-dheer uga sheegayaa labada gole ,ma jirto cid ay xuquuqdeedu ka maqan tahay oo aan ahayn beelaha laga tirade badan yahay ,sidaas daraadeed waa .inay dadkaas xuquuqdooda siyaasadeed maqan-tahay  u raadiyaan si kastaa oo ay ugu raadin karaan dulmina ayna ka gelin si ay uga fogaadaan dulmiga iyo cadaalada darada ku aaddan dadka laga tirada bdan yahay.

 

Ugu dambayntii waxay noqon doontaa talaabadii labaad ee xukumadda uu hogaaminayo Mudane Axmed Maxamed maxamuud siilaanyo ay qaado dhinaca xeerarka ee ay ku dhiirgaliso in dadka laga tirada badan yahay ay si firfircoon uga qayb-galaan siyaasadda Dalka. Anagoo ah ururka codka haweenka laga tirade badan yahay ee somaliland, waxaan uga mahad naqaynaa madaxwaynha somaliland dadaalka iyo teegeerada uu sida cad ugu badheedhay in la suurto heliyo sidii ay dadka la haynsooco iyo haweenkuba uga qaybgeli lahaayeen siyaasadda dalka, sidoo kale waxaan ogaanay ka dib daraasad baadhitaan oo aanu samaynay ,horana u cadaynay in aanay marnaba soo bixi-karin,guntii iyo gunaadadkii  Ugu danbeyntii hirgelinta iyo aasaaska Xeerka saamiga beelaha laga tirada badan yahay & haweenka ee ka qayg-galka siyaasadda waxay dan u tahay oo bulshada reer Somaliland ,waxaan ka codsanaynaa labada aqal waa guurtida iyo golaha wakiiladda inay si deg-dega ah u ansixiyaan maadama aanu jirin qodobsi toos ah uga horiminaya xeerkan kootada ,laakiin  qodobadii ay soo jeediyeen xildhibaanada golaha wakiiladu ee ay leeyihiin ma waafaqsan dastuurka ,iyagan waxaa aan leeyahay xeerkan waafajiya xeerarka iyo dastuurka dalka u yaala.

 

Allaa Mahad leh

Nimco Iid Salaan – VOSOMWO – Hargeisa