Somaliland Waxa Lagu Badbaadin Karaa By Mukhtar Cilmi‏

0
108

marka la eego marxaladdan ay somaliland marayso ayaa ah mid culus oo wajiyo fara badan leh,somaliland oo mudadii ay jirtay la saaxiib ahayd dalalka jaarka iyo kuwa caalamka ayaa hada waxay u muuqataa siyaasadda xumida xukuumadda silaanyo inay go’doon siyaasadeed sii gelayso, kadib markii dalalka itoobiya iyo jabuuti xidheen xadkii aynu la lahayn oo ay diideen inay dadkeenu u safraan dalalkaasi,iyadoo aysan shacabweynaha somaliland haysan wax aqoonsi ah oo ay kaga maarmi karaan xidhashayda xadka ee dalalka jaarka ah,waxayna cawaaqib xun ku yeelatay safaradii shacabka somaliland ku tegi jireen wadamadaas ,marka horeba baahi weyni u qabtay oo waxay dadka reer somaliland had iyo goor u baahan yihiin oo ay u tagaan dalalka itoobiya iyo jabuuti arimo la xidhiidha xaga caafimaadka ,waxbarasho iyo safaro kale oo muhiim ah.


waxa kale oo somaliland kaga daran xitaa wadamada waaweyn ee caalamka sida midawga yurub,maraykanka iyo uk oo iyaguna xidhiidhii somaliland la lahayd uu meesha ka baxay siyaasadda xumida xukuumadda silaanyo awgeed iyo wasiirka arr. Dibadda ee daciifka ah, beeshii caalamku waxay war isku mid ah oo ay si deg deg ah ugu sheegeen inay ciidamadda somaliland ka soo baxaan taleex waagi la galay,warkaasi oo si wada jir ah u soo saareen maraykanka,midawga yurub iyo ingiriiska,waxaanad garan kartaa heerka xidhiidhkii somaliland iyo wadamadaas oo marayo oo aano u xidhanahay xukuumadd albaab walba laga xidhay !! .


somaliland iyado maanta la og yahay heerka shaqo la’aanta ka jirta iyo sixir barabarka naafeeyey danyarta shacabweynaha ,musuq maasuqa hadheeyey hayadihii dawladda,qabyaaladii oo faraha ka baxday, eexdii oo noqotya wax lagu faano,boobka hantida umadda oo la cadaystay iyo maamul xumo wadanka la soo daristay !!, marka waxaasi oo dhan la isku daro maanta shicibku ma qaadi karayo waxaasi oo dhibaata ah, ee waa in dalka iyo dadkaba la badbaadiyo, hadaba iyado mudo sanad ahi ka hadhay doorashadii su’aashu waxa weeye ma lagu sii jiri karaa sanad danbe oo jaahwareer siyaasadeed iyo mid dhaqaale ah oo umaddu dugsato??!.


Ila maaha, waxaana ugu muhiimsan waxaa weeyi in la qabto doorasho wakhtigeedii laga soo hormariyo si loo badbaadiyo somaliland oo aduunyadii arimo kala duwan oo fool xun ku eedeynayso manta ?si qodobkaasi oo u hirgali lahaa waa in xisbiyadda mucaaradka iyo bulshaweynta somailand ay si wada jir ah logo dhawaaqo doorasho deg deg ah ,waxana aan ku soo gaba gabaynayaa Silaanyo oo 5 sano oo danbe la doortaa waa mid Somaliland mustaqbal keeda ka dhigaysa in uu god madaw ku dhaco !!, waxa la inaga rabaa in aynu ka fiirsano in mar kale codkiina isaga khasaarisaan oo dooraataan hogaamiye hagi kara aayaha Somaliland.



Khadar2244@hotmail.com


Mukhtar Cilmi