Askar ka tirsan Ciidanka Qaranka oo isku dilay dhul

0
95

Waxa Dhintay Askari ka tirsan Qaybta Naafada

Hargeysa (Waaheen) Dagaal sababay dhimashada hal askari ayaa shalay ka dhacay xero la sheegay inay ciidanku ku lahaayeen dhinaca barri ee Naasa-hablood, Dhulkaasi oo ay isku haystaan Askar ka tirsan Ciidanka oo Baloodhaystay.

War aanu ka helnay dhacdadan ayaa sheegaya Dhulka Ciidanku isku dileen inuu ka badan yahay haddii ay qaybsadaan, balse waxa soo dhex galay koox shicib ah oo la kala safa.

Askariga dhintay ayaa shalay isku dayay inuu dhisto qayb ka mid ah Dhulkaasi, hase yeeshee waxa soo weeraray kuwii kale, halkaas oo ay ku haleeshay Rasaastii ay ku rideen Dadka dilka geystay oo isugu jira Askar iyo Shicib ayaa qarkood la soo qabqabtay waxan socda baadhitaan.