Alshabaab oo Dil ku fulisay Sarkaal ka tirsanaa iyo Gabadh Yar

0
89

Baraawe(Waaheen) Warka ka soo baxaya Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegaya in Hoggaamiyaha Alshabaab Axmed Cabdi Godane uu amar ku bixiyay in Xabsiga lagu dhex dilo Sarkaal isaga kasoo horjeestay.
Wararku waxa ay inoo xaqiijinayaa in Sarkaal lagu magacaabo Bashiir oo muddo ku xidhnaa Saldhiga weyn ee Degmada Baraawe lagu dilay gudaha xabsiga, xilli la sheegay in laga ballan qaaday in lasii daayo.
Sidoo kale, ujeedada dilka Sarkaalkaan ayaan la ogeyn, balse warar hoose oo laga heleyo Degmadaasi ayaa sheegaya in Sarkaalka loo heysto amar diido, isagoo looga shakisan yahay inuu ku lug leeyahay fashilinta Howlgalo ay fulin lahaayen Alshabaab oo iyaga kusoo laabtay.
Sarkaalka ayaa waxa uu xidhnaa muddo, waxaana baadi goob loogu jiray dhowr bil, balse waxaa iminka Meydkiisa lagu arkay Degmada Baraawe.
Dilka Sarkaalka ayaa waxa uu daba socdaa dilal kala duwan oo uu Hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane horay ugu geystay Saraakiil cadaan iyo Soomaali u badnaa kuwaas oo ay ku kala Tageen Dhanka Figrada.
Dhinaac kale, Kooxda Alshabaab waxay meel fagaare ah ku toogatay gabadh yar oo da’deeda lagu sheegay 13 jir, taasoo ay ku eedeeyeen inay u basaasaysay Itoobiya.
Aabaha dhalay gabadhaas yar ayaa toogashada lagu fuliyey Inantiisa ku tilmaamay mid ay Alshabaab ka been abuuratay, isagoo sheegay Inantiisu inay kaalmaynaysay walaasheed oo xaas ahayd, isagoo tilmaamay in aanay aqoonba u lahayn basaasnimo.