Dalka Sucuudiga oo Somaliland ku soo celiyey laba Markab oo Lo’ah

0
113

Berbera(Waaheen) Dalka Sucuudi Arabiya ayaa labadii toddobaad ee u danbeeyey ku soo celiyey Somaliland laba Markab oo ay saarnaayeen Lo’ ka dhooftay dekedda Berbera isla markaana martay Maxjarka.
Dawladda Sucuudigu waxay toddobaadkii hore soo celisay kun iyo boqol Nee foo Lo’ ah, halka ay  doraad ka soo celisay Markab kale oo siday toddoba boqol oo Nee foo Lo’ ah.
Si rasmi ah Xukuumadda Somaliland wali ugamay hadal soo celinta Xoolahan iyo waxa sababay, hase yeeshee sida ay wararka hordhaca ahi sheegayaan in ay la xidhiidho dhinaca Baadhista Maxjarka oo aanay u marin sidii la rabay.
Dalka Sucuudiga ayaa hore usoo celiyey dhawr Markab oo siday Geel, kuwaas oo laga helay xanuuno sababay in lagu soo celiyo.
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa lagu dhaliilaa inaanay si haboon u maamulin Xoolaha Dalka ka dhoofaya oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha, sababta ugu badana waxa lagu sheegaa dhakhaatiirtii xirfada fog u lahayd oo wasaaraddu ka fogaysay xayndaabka Maxjarada.