Xisbiga UCID  Raali-gelin Ha Ka Bixiyo Fadeexaddii Ka Raacday Shirkad Muwaadin Oo ay Bartilmaameedsadeen

0
41

Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa isu bedalay miidaan ay ku hafto-baxaan siyaasiyiinta layliga ah, waxaana si joogto ah magaca xisbiga loogu soo saaraa war-saxaafadeedyo qayrul masuulnimo ka muuqato oo ay saxaafadda ku baahiyaan. Waxa u dambeeyay mid uu Arbacadii soo saaray Xoghayaha warfaafinta UCID Yuusuf Kayse, kaasi oo sheegay in shirkad gaar loo leeyahay uu Wasiirka macdantu sifo xaaraan ah ugu xalaaleeyay inay gurrato macdanta dalka oo ay dibadda u waaridayso.

War-saxaafadeedkaasi waxa uu dibada soo dhigay khibrad yarida iyo aqoon darrada baahsan ee haysata masuuliyiinta xisbigaasi, waxay sheegeen in aanay shirkad gaar loo leeyahay oo aanay magacaabin digreeto Wasiir lagu siiyay inay dibada u dhoofiso macdan xadigeedu badan yahay. Eedahaas faaruqa ah waxa jawaab adag ka bixisay wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo qodob-qodob uga jawaabtay qoraalkii ay soo macmaleen kooxaha doonaya inay magaca xisbigaas qaran ku dilaalaan wasaaradaha fulinaya adeegyadda bulshadda ee xukuumadda Somaliland u igmatay.

 

“Waxaa ay UCID  ka been abuureen magaca shirkadda oo ay ku  tilmaameen shirkad aan jirin balse waa shirkadda  Somaliland Gemstones Mineral Co. waxaa iska leh nin Muwaadin ah Kaas oo Dalka ku soo kordhiyey Fursadda Camal ,waxaanu  la mid yahay dadka Somalilanderka ah ee Xadiga Macdaneed ee ay helaan la soo mara wasaaradda si loogu cashuuro ogalaanshana loo siiyo,”ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedkii ay wasaaradda kaga fal-celisay qoraalkaas xiqdigu  hal-beegga u ahaa.
Waxaa ninka UCID u hadleyay tibaaxay in Wasiirku Awood iyo Amar ku siiyey ,Maayarka Gobalka Saaxil iyo Badhsaabka ,warqadan Waxaa ku Xardhan inay ku socoto Kastamka Berbera Ogaanshana loo raaciyey Maayarka iyo Badhasaabka ,aqoonla`aanta Haysta cida matalaysa xisbigu waa wax la’la yaabo,”ayuu raaciyay war-saxaafadeedka Macdanta oo fadeexad ku noqday xisbiga UCID marka la eego siiqadda iyo hanaanka cad ee ay uga jawaab celiyeen maqaal qarbooshkaas uu soo qoray Murrashaxa madaxweynaha xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, oo ku liin-baxay saaxadda siyaasadda isagoo aan socod-baranba.

 

Qoraalka eedaha xisbiga UCID waxay  lahaayeen sumadii Jamaal Cali Xuseen uu ku salayn jiray naqdigiisa, waxaanu ka dhigan yahay “Ninkii dhuumanay ee dhabarku muuqday” waxba Jamaaloow kolba maqaal xajiin leh war-saxaafadeed xisbi ha ku sheegin oo kolba nin dhalinyaro ah ha ku qorine’ waxa wanaagsan inaad adigu miidaanka soo istaagto oo aad ku hadasho arragtidaada si dadweynaha marka hore coloosha kaa jaray ay candhuuftooda dib kaa sii liqaan.

Waxa la gudboon xisbiga UCID inay raali-gelin ka bixiyaan shirkadda ninka muwaadinka ah ee cashuur bixiyaha ahi leeyahay  ee ay iska cambaareeyeen. Waxase xisbigaasi ay oogta ka cadeeyeen inay ka soo horjeedaan in shaqo abuur iyo camal loo sameeyo muwaadiniinta dalka si looga baxo dhaqaale xumada ka jrta dalka.

 

Sidaan la socono waxa labaatankii sanadood ee hore wasaaradda macdantu ay ahayd mid fadhiid ah oo aad u taab-gaaban hase yeeshee Wasiir Xuseen Cabdi Ducaalle uu nooleeyay isla markaana uu bayaamiyay inaynu ka midho dhalin karno inay Somaliland khayraadkeeda dihin la soo bixi karto. Waxaynu ognahay in afartii sanadood ee Wasiirka macdantu xafiiska fadhiyay uu dalka uga soo xareeyay cashuur dhan 4 Milyan oo Dollar iyadoo labaatankii sanadood ee ka horeeyay xukuumadda Siilaanyo waxa macdanta laga cashuur lacag lagu qadaray 150 kun oo dollar oo kaliya.

 

Ugu dambayn waxaan qoraalkaygan ku soo khatimayaa dadku way kala ogyihiin ninkii u shaqaynaya iyo kii u tafo-xaytan inuu kala dhantaalo dedaaladda lagu doonayo in dalalka lagaga samato-bixiyo dhaqaale la’aanta ka jirta dalka.

Ismaaciil Xayd

Hargeysa/Somaliland