Wasiirka Caafimaadka Somaliland iyo wasiir ku-xigeenka oo gaadhay Buuhoodle

0
115

Buuhoodle(Waaheen) Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed iyo Wasiir kuxigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cismaan Garaad soofe ayaa manta gaadhay magaaladda Buuhoodle.

garadaLabadan wasiir ayaa ka qayb galay Aaska Garaad C/laahi Garaad kaasoo shalay ku dhintay magaaladda Buuhoodle, maantana loogu sameeyey isla magaaladaasi Aas qaran oo ay ka soo qayb galeen dhamaan siyaasiyiinta Beesha uu ka soo jeeday.

Garaadka dhintay oo ay walaalo ahaayeen wasiir ku-xigeenka Amniga Somaliland Cismaan Garaad Soofe ayaa ahaa Garaadka ugu mudakarsan garaadada Gobolkaasi, waxaana si weyn manta looga dareemayey Buuhoodle Aaskiisa.

Wararka aanu ka helayno magaaladda Buuhoodle ayaa sheegaya inay isla magaaladaasi ku sugan yihiin kooxda Khaatumo, Kuwa Puntland iyo siyaasiyiinta Reer Somaliland, kuwaasoo ay dadka deegaanku ka mamnuuceen in ay ka hadlaan siyaasadaha maamulada ay ka tirsan yihiin.

Aaska Garaadka oo Duhurnimadii manta dhacay ayaa si weyn looga soo qayb galay, waxaana xabaasha looga akhriyey Alla barri iyo Duco iyagoo ilaahay u weydiiyey inuu Naxariistiisa Jano ka waraabiyo.