Qorshihii Ingiriiska ee Gaalaysiinta Somaliland: 1884 ilaa 1910 W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
84

Qorshihii Ingiriiska ee Gaalaysiinta Somaliland: 1884 ilaa 1910

 W/Q: Cali Cabdi Coomay

 

Dugsiyadii Gaalaysiinta ee Dhaymoole iyo Berbera

Markii uu ingiriisku qabsaday Somaliland, heshiisna la saxeexday odayaashii reer Somaliland, sannadihii 1884 ilaa 1886-kii ayuu bilaabay qorshe waxbarasho oo lagu gaalaysiinayo shacabka reer Somaliland ee ku sugan magaalooyinka xeebaha ku yaallay. Gaar ahaan Berber iyo nawaaxigeeda. Gumaystaha ingiriiska waxa ka go’nayd inuu bulshada reer Somaliland ku yeesho dad kiristaan ah. Si arritnaasi ugu hirgasho wuxuu bilaabay waxbarasho ku hoos jirto gaalaysiin.

Ingiriisku wuxuu magaalada Berbera keenay koox baadariyaal ah oo aaminsan mad-hadta Kootaliga. Wakhtigan ay yimaadeen Berber Baadariyaashu waxay ahayd wakhti ay dhacday abaar ba’an oo saamayn weyn ku yeelatay shacabkii degnaa Berber iyo nawaaxigeeda. Baadariyadii oo ka faa’idaysanaya fursada abaarta, ayaa ugu baaqay shacabkii reer Berbera inay bilaabeen waxbarasho, hoy iyo cunto wada socota. Taasina waxay keentay inay helaan caruuur tiro badan, oo ku dayacnayd xaafadaha iyo suuqyada magaalada. Waxay Berber ka fureen dugsi iyo guryo ay galaan. Guryaha waxay ka dhexdhiseen kiniisad.

Markay caruurtii in muddo ah barayeen diinta kiristaan si qarsoodki ah ayey Berberi ku kululaatay waxay u guureen Dhamoole oo ahayd meel qabow, oo buuro hoosteed ah. Dhaymoole waxay 30 kiilomitir koonfur kaga beegan tahay magaalada Berber. Dhaymoole waxay Baadariyadu ka dhisteen guro, dugsiyo iyo kiniisad. Waxay halkaasi toos uga sii wadeen waxbarashadii gaalaysiintu hoosta kaga jirtay.

 

 Ardaydii Dugsiyada dhiganaysay  iyo sida magacoodii looga bedelay.

  • Cawil Xaaji C/laahi, oo magaciisa loo bedelay “Anthony James”, balse markii dambe soomaalidu ugu yeedhi jirtay C/laahi James.
  • Faarax Jaamac oo magaciisa loo bedelay “Francis George”, balse markii dambe soomaalidu ugu yeedhi jirtay Faarax George.
  • Axmed Sh. Cumar oo magaciisa loo bedelay”Arthur Clement”, balse markii dambe soomaalidu ugu yeedhi jirtay Axmed Arthur.
  • Cabdi Yuusuf oo magaciisa loo bedelay” Antoni John”, balse markii dambe soomaalidu ugu yeedhi Cabdi John.
  • Cumar Dayib oo magaciisa loo bedelay “Joe Bell”, balse markii dambe soomaalidu ugu yeedhi Cumar Bell.
  • Suuban Kaahin oo magaceeda loo bedelay “ Susan Keif”, balse soomaalidu ugu yeedhi jirtay Suuban Keef.
  • Kaaha Cadarre oo magaceed loo bedelay “ Kiat Murre” ,balse soomaalidu ugu yeedhi jirtay Kaaha Moore.

Ardaydan waxa lag dhaadhiciyey diinta kiristaanka, gaar ahaan mad-habta kootaliga. Intooda badani markii dambe way muslimeen, balse qaar ka mid ah waa lagu kari waayey, waxayn noqdeen wax la laayo iyo kuwo la takooro oo faquuq u dhinta.

Qaabkii  lagu ogaaday inay gaalo noqdeen?

Ardaydan ayaa mararka qaarkood soo booqan jiray qoysaskooda. Ka dib waxay ka sheekayn jireen waxay bartaan iyo waxay ku sameeyaan dugsiga Dhaymoole. Ka dib waxa lagu arkay iyagoo nacaya Salaada iyo islaanimada. Kaga hablaha waxa markii ugu horaysay la arkay hablo timaha tidcan oo qaawiyey madaxa, oo xidhan dhar gaagaaban. Arrintaasi ayaa sas qaadsiisay shacabkii reer Berber. Shacabkii reer Berbera ayaa ku baraarugay khatarta ku soo fool leh caruurtan la gaalaysiinayo.

Warkii ahaa in caruurta laga dhigayo gaalo ayaa gaadhay guud ahaan magaalada Berbera. Shacabkii reer Berbera oo caan ku ahaa in gaalada laga digtoonaado, ayaa la shiray odayaashii. Kulano dhawr ah ka dib waxay go’aan ku gaadheen in la weerar toos ah lgu qaado dugsigii Dhaymoole. Intii aan weerarka la qaadin, waxa magaalada ku sugnaa Sayid Maxamed Cabdille Xasan, oo ka soo noqday xajka. Sayidka oo madaxa ku xidhan duubiga cad oo wata mad-habta Saalixiyada, ayaa booqasho ku tegay dugsigii Dhaymoole. Wuxuu iska dhigay waalid soo booqday caruurtiisa. Ka dib waxa u suurtagashay inuu gudaha u galo dugsigii. Wuxuu su’aalo weydiiyey qaar ka mid ah ardaydii.

Sida magacooda iyo inay sheegaan nebi Maxamed (NNKH) ciduu yahay. Sayidka waxa meesha kala kulmay caruur laga bedelay magacii, diintiina laga saaray, isagoo madaxa ruxaya, ayuu ka soo baxay dugsigii Dhaymoole. Taariikhdaha qaarkood waxay sheegayaan inuu sayidku halkaasi ku go’aansaday inuu jihaad ku qaado gaalada caruurta diinta ka saaraya.

Dagaalkii lagu qaaday Dugsigii Dhaymoole iyo Xidhitaankiisii

Shacabkii reer Berber oo la soo tashaday odayaashoodii ayaa weerar ku qaaday dugsigii Dhaymoole, waxaana goobtii ka dhacay dagaal culus. Baadariyada waxa diyaacayey ardaydii wax ka baranaysay dugisga. Ardaydani waxay u badnaayeen dhalinyaro firfircoon, oo dagaalka si weyn uga qaybgashay. Dagaalkii waxa qudha lagaga jaray lix baadari iyo afar ka mid ah ardaydii.

Magacyada Baadariyadii lagu Khaarajiyay weerarka

  • Bob Adriane
  • Bob Avent
  • Bob Eliot
  • Bob Garlen
  • Bob Ramond
  • Bob Albaric

Intaasi ka dib waxa u soo gurmay ciidamo boolis ah, oo ingiriisku soo diray, kana yimid Berber. Saddex Baadari oo dhaawac ah iyo kuwii noolaa ayaa loo qaaday dhinacaa iyo magaalada Berbera. Markii dambena waxa loo sii talaabiyey dhinacaa iyo Jabuuti. Markii arrintaasi dhacday, ayuu ingiriisku xaalada dejiyey soona dhexgalay. Dadkiina wuxuu u sheegay inuu dugsigan xidhayo, macalimiintana ka qaaday dhaymoole. Shacabkii reer Berbera waxay ku guulaysteen inay xidhaan dugsigii dhaymoole sannadkii 1910-kii.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

 

Tix-Raac:

Wasaaraddii Waxbarashad Soomaaliya…………..keyd

Protectorate office…………………………………. Unpublished Paper

Geedi-Nololeedkii Yuusuf X. Adam……………Foosiya Yuusuf X. Adam