Ogaal la’aanta khayraadka badda(kalluunka)

0
346

 

hordhac10518642_706698846033848_2727665594995151844_n

Kalluunka waxa laga helaa biyaha baddaha, wabiyadda iyo harooyinka  kaasi oo bini’aadamku uga fa’iidaysto siyaabo kala duwan hadday tahay cunto, caafimaad, nafaqo, iyo dhaqaaleba. Waxa kale oo aynu iyanna oggnahay sida muuqata  in kalluunku  ka qiimo baddan yahay afaartaa aynu soo sheegnay  waayo waa khayraad irrmaan oo abuura shaqooyin. Bulshooyin baddan ayaa tiirkood nololeed udub dhexaad u yahay soo saarista kalluunku.

Sida guud kalluunka waxaa loo qaybiyaa laba nooc kuwaas oo kala ah kalluunka caadiga u tarma. Kan caadiga u tarmaa ayaa qaybi deegaan tahay halka qaybo kalena ay xili isbedelka yimaaddaan  iyo ka lagu beero, taasi oo keentay markii ay kala bateen bahidii dadka iyo yarraanshaha kalluunki dabiiciga.

Haddaba cunista kalluunka bulshda adduunku aad ayay ugu kala duwan yiihin sida cunistiisa, xaga diinta ,dhaqanka iyo helitaanka ama waayitaankaba.

Alle (SWT) wax uu kitaabka quraanka inoogu cadeeyay in noollaha ku jirra badda uu xallaal inoo yahay “Eebe waa kan idiin sakhiray badda inaad ka cuntaan hilib cusub (kalluun)” (An-Naxl 16:14).

waddamada leh baddaha intooda badan way ka ka faa’idaysteen iyago oo u maamulaya  sida ugu wannaagsan, waxa kale oo ay darreensan  yihiin tiirka uu noloshooda ka yahay, halka waddamada baddaha leh ee aan ka faaidaysan khayraadka kala duwan ee ku jira baddahooda ay Somaliland kaalmaha hore kaga jirta marxalado baddan oo jira awgood inagoo qormadan kooban kaga boggan doona aynu marka hore si faahfaahsan uga jawaabno su’aalahan. Waa maxay kalluun?.   Caqabado nooce ah ayaa hortaagan ? sidee looga gudbi karo?

Kalluun:kalluunka ama malaay  waa magaca guud  ee loo yaaqaano Noolaha intooda baddan ku jira biyaha waxaanu ka mid yahay xayawaanka dhiiga qabow ee laf-dhabarlayda ah.

Somaliland iyo kalluunkeeda

Somaliland waxay leedahay xeeb dhararkeedu tahay 850km ceelayo ilaa lowyacado ee bada cas iyada oo ay ku jiraan kalluun kala duwaan, shidaal iyo macdan aad u tiro baddan. Intaynaan u gudbin dhibaatoyinka jira iyo sida looga gudbi karo ka hor  bal aynu wax yar ka ogaano noocyada kalluunka Somaliland  iyo faaidoyinka caafimaad .

Noocyadda kalluunka ee ku jira badda cas waxaa lagu qiyaasaa ku dhowaad ilaa 1200 oo nooc, waxa u gaar ah oo laga hellaa 10% nooc oo aan callamka laga hellin(http://en.wikipedia.org/wiki/Red_Sea#cite_note-21)

Magacyada cilmiyaysan(scientific name) ee loo bixiyo kalluunka waxaay ka yimaaddaan nidaam taxan oo laysku raac-raaciyo  koox koox, waxaana loo yaqaana abla ablayn, iyadoo mallinba maalinta ka danbaysa la sii horrumariyo.abla-ablaynu waxay sahashaa dib u tixraaca sinjiga  noolaha  haddaba soomaalidda dhereran xeebaha ayaa ah kuwo noocyadda kalluunka u bixiya magac, kaas oo noqda astaan ,calaamad ama midabka kalluunku leeyahay.

Waxa  aynu ka soo qaadanaynaa, qayb kamid ah magacyadda kalluunka ee xeebaha Somaliland  , Caruusa, Fanaani, Saynuud, sanaani, Aaylub, Bari-xume, Sabadin, Shirib, Ganberi, Bacoo, Shilinbis, khashaar, Libaax, kalbulbaxar, Carabiqud, Mushnuus, Kumal, Caruusa Siisaan, Xilwa, Sakhlad, Caqaam, Cawrad, Ximaari, Faras, Shoox, Subulqaad,  shirwo, saynub, sinagub, Booraad, Qardabo, Nimiraani, Abuseef.

Kallunkasi ayaa ah kuwo kala qiimo iyo waxtar kala duwan leh tusaale  nooca loo yaqaano Fanaani oo laga helo baddeena ayaa  laga sameeyo khadka qallimaanta wax lagu qorro (cali shabeele).

Kalluunka loo iib gayn karro sayladda caalamka aynu iyagana wax yar ka ogaano Caydi (sardine), Shirwo, Taraaqad, Tabadin, Sucbaan, Gacoorre (catfish), Gaxaash(emperor), Labagardhle (goatfish), Qawqab(shrimp).

Aargoosatada (lobster), noocan ayaa wuxuu ka mid yihiin kalluunada ugu qaalisan sayladaha caalamka kaasi oo qiimaha 1kg uu yahay dubai 25$ halka Asia bari uu yahay 35$ . Haddaba xeebaheena Somaliland waxa lagu qiyaasaa sanadkii in laga soo saari karo aargoosato dhan 300 tone taasi oo hadii suuq loo abuuro  runtii sare u qaadaysa koboca dhaqaalaha dalka madama oo waxaynu dhoofino 1/4 ka yahay wxaynu soo-dejisano (import).

Faa’iidoyinka caafimaad:

Cunida  kalluunku waxaa laga hellaa vitamin D, oo inta baddan jidhkeenu aad ugu baahan yahay darraasad kala duwan oo la sameeyay ayaa waxa lagu ogaaday in madada Omega-3 fatty acid laga sameeyo saliida kallunka,taas oo kalluunka cunistiisuna yarraysa 50% khatarta cancerka  xannuunada sida macaanka, dhiigkarka, wadne xannuunka, dhiig-yaraanta.Wuxuu kor u qaadaa aragtida indhaha, waxa kaloo uu ka qayb qaataa koboca maskaxeed ee biniaadamka.

“Nin saboola iyo maalqabeenba, waa sadho dhextaallaaye

Waxse loo simay waa kalluun, sabi uun baa mooge

Waxa uu nafaqo siinayaa, jiidh solmoo tagee

Badda saylac saaxiyo berbera, tan iyo seyhaaba

Waxa sare iyo hoos ku jira, waa sareedada’e

Somaali baan Garran intay, sillic ku noolayde”Abwaan Cali maax

Dhibaatooyinka: Carqaladdaha Hor Taagan Kalluunka

Halbeega lagu cabiro kartida ummadeed ayaa wuxuu yahay awooda wax soosaar ee dalkooda. haddaba Marka aad arragto xeebaha dalkeena ayaa ah kuwo ay ka muuqdaan dayacnaan iyo daryeelka kalluunka oo aad u liita taasi waxay fadhiid ka dhigtay hiigsiga horumarineed ee tartanka waxsoosaar ee kalluumka. Waxaynu  aragnaa  Kallumaysatada adduunka oo fulinaya howl-galo baddan iyaga oo  ka kalluumaysanaya goobo ka durugsan deegankooda ilaa ay yimaadaan xeebaha Somaliland, waxay intaa u kuurgalayaan sidii ay u dabooli lahayeen baahida bulshad u qabto sidii ay u heli lahayd kalluun daray ah, Dhinnaca bulshadooda ayaa iyaguna ka howl yarraysan diyaarna ula ah inay lacago dheerraad ah ku bixiyaan sidii ay u heli lahaayeen kalluun.. waxa aynu  aaminsan nahay  in aynaan dhaqan u lahay jilaabashadda kalluunka lakin cuna.taasna waxa sii xoojiyay qaabab kal duwan. soomaalidu waa dad ka faana iskuna caaya kalluunka (Richard,1856).

  • Waxa adag sidii kalluunka lagu soo gaadhsiin lahaa magaaloyinka waawayn sababtoo ah wadooyinka oo aan dhisnayn, korantadda oo qaali ah ama aan wali gaadhin, qalabka gadiidka kalluumaysi oo aan laga hellin dalka.
  • Kaluumaysiga sharcidarada ah:  Ciidamadda illaalada xeebaha oo aan awood buuxda u lahayn inay xakameeyaan kalluumaysiga tuugadda ah. shirkadaha sida sharcidarada u kallumaysta ee loo yaqaano Illegal, Unreported and Unregulated (IUU).  Ayaa dhibaatooyin ku haya khayraadka kallunkeena sidoo kalle xaaluf iyo nabaad-guur darrana u gaysta noolaha iyo dhirtaba, iyaga oo si isdaba joog ah ugu soo noqnoqda, taa waxaa sabbab u ah gannaaxa ciqaabta laga qaaddo marka ay qabtaan ciidamada illaalada xeebuhu oo aad u yar awgeed. Bal aynu eegno waddamo ka mid ah qarraada Africa sidii ay kaga hor tageen aafadaa qarran. Tansaaniya March 2009 waxay xidheen doon ay ka qabteen meel u jirta 100 miles xeebta Tanzania taasi oo siday 70 tonne oo kallun ah oo u dhiganta lacag dhan 900,000$ wakhtigaa wixii ka danbeeyay waxay ku wargaliyeen cidii lagu qabto sharcidaro iyagoo u kalluumaysanaya in ay ku xukumi doonan 20$millon ama xadhig u dhigma lacagtaasi (stop illegal fishing 2008).
  • Waxaa iyana ka sii daran Suntan sida qarsoodiga ah lagu soo qubo xeebaha geeska Africa: Sunta nooca loo yaqaano Toxin iyo wasakhda hadhaaga Nuclear oo si qarsoodi ah lagu soo qubo xeebaha dhulka Soomaalidda, ayaa waxay cidhib tiraysaa dhirta uu ugxanta dhigto  kalluunka deegaanka ah. kharashaadka oo ka yarraanaya owgeed, bal u fiirso suntaasi marka si amaana loogu aasayo dalalka yurub ayaa lacagta  ku baxaa 1tone tahay 250$,  halka xeebaha Soomalilan iyo Soomaaliya ay ku kacayso soo qaadista iyo daadinta 1 tone 2.5$.(Un report,2005)

“Qubadii boob lagu casee

Maraakiib booliyaa

Baroosinka laygu xidhay

Baddaa ooydoo na tidhi

Baaruud nugliyeerahiyo

Hadhaaga is biirsadiyo

Beley igu aasayaan” Abwaan Ahmed Aw-geedi waxa uu kaga faaloonayaa maansadan la yidhaahdo “Tawaawac Baddeed” ka dib markii uu dadku khayraadkii badda la soo baxi waayay kana faa’iidaysan waayay manaafacaadkeeda ee shisheeyuhu ku takrifalo.

Qorshe sanadeedka 5 sano ee ay dawladdu ugu talo gashay horumarinta  qaybta khayraadka iyo khayraadka bada ayaa wuxuu dhan yahay 5.8$ million  (Somaliland dev plan 2011-2016)  qarashkan oo marka loo eego baaxada iyo baahida horumarineed aanay marnaba  is daboooli-karin ama buxin karin baahida horumarineed ee kalluunka. Inaga oo dareensan culayska, masuuliyada iyo howsha u taala wasaarradaha qaabilsan hawshan.

“Waxaanu siinaynaa qalabka iyo xirfad ay ku shaqaystaan cidii rabta in ay badda ka kalluumaystaan ”wasiirka wasaarrada kalluumaysiga,Cali Buureed”.

Sida xal loo heli karo

Dhibaatoyinkaa kor ku xusan waxaynu kaga gudbi karnaa inaga oo dhinnac uga soo wada jeedsana dhammaan qaybaha bulshada ganacsatada iyo dawladda sidii aynu u soo saari lahayn kaydkaa kalluunka ee 23 sanno ku duugnaa badda.

Hadaba Habka ugu macquulsan ee dadka looga dhaadhicin karo in ay cunaan, ka ganacsadaan, ilaashaddaan kalluunkooda waa in la kulmiyo dadka aqoonta u leh cilmiga nafsiga (psychology) iyo aqoonyahanada ku xeel dheer kaluumaysiga iyo baddaha oo lagu dabaqay diinteena islaamka si ay u dhiiri-galiyaan sidii ay dadkeenu kalluunkoodda u soo saaran lahayeen, habkani waa ka ugu suurtogalsan ee wax baddan ka badali karra xaalada imika jirta.

Waa masuuliyad ina wada saaaran dhamaanteen inkasta oo la kala muddan yahay masuuliyada ugu wayni waxay saarran tahay wasaarrada  kalluumaysiga iyo khayraadka badda iyo kuwa ka qayb qaata  horumarinta khayraadka kalluunka dalka sida, wasaarrada madaxtooyadda (wadooyinka). Wadooyinku waxay ka qayb qaataan horrumarinta dhaqaalaha dalka waxay si xoogan uga qayb qaadanaysaa isu socodka gadidka taasi oo inaga caawinaysaa in kallunka laga soo qaado magaallo xeebedyadda si uu u soo gaadho suuqyada ama goobaha loogu talo galay isaga oo daray ah.

Waxa loo baahan yahay sidii loo heli lahaa qalab casriya oo loo isticmaalo jilaabashadda kalluunka iyo bad-mareenimadaba. Isku xidhka iyo wada xidhidhka Maanta dhamaan bulsho waynta addunka dacaladeeda ku nool waxa ay ku wadda xidhiidhaan isgaadhsiin kuwaas oo u sahlaya arrimaha  ay baahida u qabaan si ay ula soconaan isbedelka iyo dhaqdhaqa suuqyada. Waxa muhiim ah Kaluumaysataddu  ina ay hubiyaan suuqyada ku xidhan iyo macamisha ay kasban karraan dal iyo dibaddaba   si ay hubaal u noqoto hadafkooda wax soo saar ee kallunka.

Waxa kale oo baahi xoogan loo qabbaa in la hellaa nidaam qorshe iyo waxqabadka ku aaddan  horrumarinta khayraadka aadamaha (HRD) oo loo xilsaaro hayado madaxbanaan  si loo gaadho himiladeena iyaga oo ka duulaya dhisidda iyo kobcinta kartidda dadka xeebaha degen sida horumarinta aqoonta , xirfaddaha iyo habdhaqanka siyaasadeed ee kalluumeysiga iyo sharciyadiisa, hagaajinta soo qaadista kallunka, hubinta tayada iyo horumarinta wax soo saar, dhisida shirkaddo awood u leh maamulka kallunka, suuq-geynta iyo ganacsiga, xoojinta awoodda horumarinta iyo maareynta macluumaadka iyo xogta kallunka, samaynta awoodda horumarineed ee Khayraadka Aadanaha, xoojinta iyo kordhinta shaqaalaha iyo ciidanka ilaalida xeebaha, dhisida kartida shaqaalaha shirkadaha kaluumaysiga.

Waa in muhiimadda la siiyo xooggana ay saarto Wasaarrada Kalluumaysigu sidii Kalluunka looga fa’iidaysan lahaa. Dhiirigalinta kallumaysatada iyo wacyigalinta bulshada, waxay kor u qaadaysaa in waxsoo saarka kalluunku sare u kaco. gacanta ku haynta iyo ogaanshaha  xaddiga ay kallumaysatada iyo shirkaduhu ka soo saarran badda, nooca ay dabayaan, goobaha ay ka kalluumaysanayaan iyo qalabka ay ku jilaabanayaan si loola socdo korodhka iyo hoos u dhaca kalluunka badda.

  • In loo dirro waxbarasho heer caalami ah dhalinyaro firfircoon oo loo soo xullay inay soo  bartaan cilmiyada kala duwan ee kalluunka iyo  badda, sidoo kale dowladduna badiso kuliyadaha waxbarasho ee lagu barto cilmiyadda khayraadka baddaha. Inay samayso xarumo laga helo kalluunka gaar ahaan deeganada laga soo saaro kallunka taasoo u howl fudaydinaysa iibiyayaasha iyo iibsadayaasha .
  • Ururinta , Falanqaynta iyo faafinta macluumaadka si loo helo kaydka kalluunka , deegaanka iyo dhinacyaada dhaqaale ee  kalluumaysiga iyo kordhinta awooda xogta iyo xidhiidhka dibbada, sida mareego lagu  diyaariyay mowduucyada khuseeya ee kallunka iyo khayraadka badda waxay u sahlaysaa sidii loo heli lahaa xog lagu wada qanco haday tahay kallumaysatada, dhoofiyayasha, maalgashadayaasha, urrurada aan dowliga ahayn, qaybaha bulshada iyo macmisha.
  • Diyaarinta Soo bandhigista kharashka iyo lacagta  ku kacaysa hirgalinta  warshad kalluun oo laga dhiso waddanka si ganacsatadu ugu tartamaan ama shirkadaha caalamka.
  • Waa in la hubsado ogallaanshaha  sharci bixinta kalluumaysatadda dalka iyo dibadaba kuwa yaryar iyo kuwa waawaynba heerarka iyo noocyadda ay  yihiinba.

In  dabo-gal lagu sameeyo shirkadaha kallunka ka shaqeeya ee laga leeyahay dalka dibadisa iyo gudahiisaba, waxa u hubaal ah shirkadahaasi  in  dalka u horseedi karraan horumar aad u balaadhan hadii la suurto galiyo  qodobaddan hoos ku qoran si aynu u arrragno  guulo iyo faa’iidooyin taasi oo noqonaysa  jawaabta maxsuulka  soo baxaysa oo ah in aynu gaadhno horrumar wax ku ool ah.

  • Ujeedooyinka maamul iyo xuquuqda hantiga: deddaalka ujeedooyinka maamulku waxay u sahlaysaa shirkadaha kalumaysi si ay hadafkooda u gaadhaan in maamulku u huro dedaal iyo juhdi dheeraad ah, Tani waxay ka dhigan tahay go’aanadda ad-adag ee soo waajaha shirkadaha kaallunka sidii uu maamulka wanaagsan uga  fogayn lahaa burburka, tusaale waxaa is khilaafi kara rabitaanka bulshada  iyo ujeedooyinka waxsoosaar.
    Xuquuqda hantiga: waayo aragnimada laga dhaxlay xuquuqda hantiga ayaa muujinaysa in horumarinta khayraadka kallunku uu qayb laxaad leh ka qaato xuquuqda hantiga tani waxay toos u abaaraysaa lahaanshaha  hantida. Marka waa in la xaqiijiyaa oo la ilaaliyaa xuquuqda lahaansha shirkaddaha maal-gashanaya kaluunka iyo badaba.
  • Oolnimmo dhaqaale: Ogaanshaha salbalaadhka shirkaddu  in ay qaadi karto ama ay  awood  u leedahay, soo saarista kalluunka, iyadoo dawladduna ka caawinayso kana dhimayso cashuurta taasi waxay u sahlaysa in ay tartamaan shirkadaha  waddanka iyo kuwa dibadda, kana yarayso dawladu faro-galinta siyaasadeed.
  • Qaangaadhka xoogan: Xaqiijinta heerar waara si loo xoojiyo sii jiritaanka shirkaddaha kalluumaysiga, ee ka ganacsada soosaarista kallunka iyo ganacasi kaleba waa in hadii khasaare kugu yimaado  la is waydiiyaa shirkaddu intee ayay ka soo kaban kartaa? sidee baynu khasaaraha iskaga xejinaa? sidee u noqon karnaa mid halkiisa taagan? Jawaabta koobsanaysaa waa hantidaada dhigaalka ahi inta ay tahay  iyo qaangadhkeda.
  • Quwadda bulsho: Quwadda bulshadu waa miisaan sii kordhaya ee qorshe dajinta maareeyayaasha kalluumaysiga Maamulka casriga ah talaabooyinkiisa  hadafku wuxuu yahay Oolnimo dhaqaale iyo quwad bulsho sidii ay isku waafajin lahaayeen. Qeexida quwada bulsho waa waafajinta habka saxda ah. ee loo wadda baahan yahay in la wadda aqbalo daneeyayaasha iyo waaritaanka shirkadaha  si waafaqsan macnaha sharciga.tusaale waydiinta bulshada oo la cuskado nooca salka u ah rabitaankooda iyo tixgalinta la qabsiga dallabka cusub ee kallunka waxa ka yimmaada horrumar la taaban karro.
  • Waxtarka maamulka, kharashka: Yaraanshaha aqoonta kallumaysiga, waayo aragnimadda maamulka, iyo xisaabinta kharashadka waxa badan kara dhicisowga Shirkaddaha kalluumaysiga . Sida la wada ogsoon yahay shirkaddaha iyo warshadaha ka ganacsadda kalluunku waxay xooga saaraan qaybaha maamulka iyo xisaabadka si ay u hellan faa’iido caafimaad qabta.
    Waxaa lagama maarmaan ah in ay leeyihiin shiraakaadkaasi aqoon, maamul, waayo-aragnimo iyo karti ay kula soo bixi karaan kalluunka badeena ceegaagan.

Guntii iyo gababada

Kalluunku wuxuu kaaliin mugleh ka qaataa wax soo saarka dalka,waxaa muhiim ah  in aynu helno kalluumaysato baddan Iyadoo la horumarinayo  ama loo maamulayo  qaabkii ay uga qayb qaadan lahayeen waxsoo saarka dalka, loona xakamayn lahaa lacagtaa addag ee  kaluumaysatada sharcidarada ah . haddaba si aanay u baabi’in magaalo xeebedyada  sida Bulaxaar. Waxaa baahi  loo qabaa salaankii isku xidhi lahaa bulshada, xukuumadda iyo ganacsatadda sidii ay dhinnac uga soo wada jeestaan wax soo saarka dalka iyo khayraadka kalluunka oo fursad siinaysaa in ay ku soo hirtaan maalgashadayaal shisheeye ah  kuwaas oo wax baddan ka qaban lahaa shaqola’aanta ba’an ee ka jirta dalka.waa In laga  faa’idaysto dhallinyarrada tahriibaysa ee waddamada shisheeye u tagaya in ay ka shaqaystaan, sidii loo kasban lahaa  xoogooda iyo caqligoodaba, waa in dowladu u  dejisaa qorshe lagu xakamaynayo aafadaa qarran taas oo lagu abuurayo shaqooyin iyo fursada siyaasadeed.

Mustafe Hassan Ahmed

Uganda, kampala  

Email: Ibnuxasan14@hotmail.com