Garaad C/laahi Garaad Soofe oo ku Geeriyooday Buuhoodle iyo wasiiro Somaliland ah oo Aaska Garaadka u tagay Buuhoodle

0
102

Buuhoodle(Waaheen) Alla ha u naxariistee waxa magaaladda Buuhoodle ku geeriyooday Garaad C/laahi Garaad Soofe oo ka mid buuhoodleahaa madax dhaqameedka Gobolkaasi.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cismaan Garaad Soofe oo ay walaalo ahaayeen garaadka geeriyooday iyo wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xagla toosiye) ayaa gaadhay magaaladda Buuhoodle, halkaas oo ay kaga qayb galayaan Aaska Garaadka.

Wararka aanu ka helayno magaaladda Buuhoodle ayaa sheegaya in ay kooxda khaatumo oo ay hogaaminayaan madaxdoodu magaaladda keentay Ciidan, halka madax ka socota maamulka Puntland ay soo gaadheen Buuhoodle si ay Aaska uga qayb galaan.

Wasiiradda Somaliland ayaa lagu soo waramayaa inaanay wali gaadhin magaaladda Buuhoodle, waxaana jira dareen sheegaya in kooxda Khaatumo u diidan tahay, wallow Odayaasha Reer Buuhoodle Makarafoon kula wareegayaan magaaladda oo ay masuuliyiinta kala duwan ku baraarujinayaan inay ka wada qayb galaan oo aan la syaasadayn Aaska Garaadka.

Garaadka Geeriyooday ayaa saaka lagu aasayaa magaaladda Buuhoodle, halkaas oo garaadka fadhigiisu ahaa.

Geerida Garaadka waxa Hargeysa Tacsi uga diraya masuuliyiin kala ah:-

  1. Maxamuud Garaad Maxamed
  2. Fu’aad Aadan Cade
  3. Jaamac Dheeg Cartan
  4. C/rashiid Ducaale Qanbi
  5. Caaqil Warsame Caarshe Faarax
  6. Cabdi Axmed Nuur
  7. C/Nuur Maxamed Sugule
  8. Ciise Maxamed Maxamud (Rawe)
  9. Cismaan Xuseen Gurxan

10. Axmed Daahir Af-qarshe

11. Asad Jaamac Dheeg

12. Mustafe Xuseen Fu’aad

Dhamaaan Dadkan oo ka soo jeeda beesha Garaadka Geeriyooday  waxay Tacsi u dirayaan qoyska iyo Qaraabada Marxuumka, waxaanay Ilaaahay uga baryayaan in uu samir iyo Iimaan ka siiyo. Sidoo kale waxay Marxuumka illaahay uga baryayaan in uu Naxariistiisa jano ka waraabiyo.