Wasiirada madaxtooyadda iyo Maaliyadda Somaliland oo shalay Dalka ka dhoofay

0
99

Hargeysa(Waaheen) Wasiirka Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali X Xasan ayaa shalay oo Jimce ahayd Dalka ka dhoofay, iyagoo u kicitimay Dalalka Sucuudi Arabiya iyo Jabuuti.
Labada Wasiir waxa Socdaalkooda ku wehelinayey Xildhibaan C/laahi Xuseen Balaaki iyo Maareeyaha Haamaha Shiidaalka Berbera Sh Saleebaan, hase yeeshee masuuliyiintani kamay hadal ujeedada socdaalkooda.
Ilo wareedyo u dhuun daloola ayaa sheegaya inay u baxeen Cimrada halkaas oo ay ku soo cibaadaysan doonaan mudada ka hadhay bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Warar kale ayaa sheegaya masuuliyiintan qaarkood inay ku hakan doonaan dalka Jabuuti halkaas oo ay kaga qayb gali doonaan munaasibad Meher oo loo dhigayo gabadh uu dhalay Madaxweyna Ismaaciil Cumar Geelle oo uu soo doonayo wasiir ka mid Golaha Wasiiradda Jabuuti.