Dawladda Somaliya oo Somaliland ka dhex raadinaysa Taliye ay u dhiibto Booliiskeeda

0
122

Muqdisho(Farriinnews) Dawladda Federalka Somaliya ayaa ku jahawareertay sugida Amniga caasimada iyo goobaha ay gacanta ku hayso, iyadoo ay ku fashilmeen madaxda ay xushaan hogaanka Booliiska iyo Sirdoonka.
Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha Somaliya ayaa isku khilaafsan dhagar qabe dhawaan Raysal wasaaruhu si sharci daro ah ugu magacaabay Xilka Taliyaha Booliiska kaasoo loo haysto danbiyo ka dhan ah bini’aadanimada oo uu ku xasuuqay dad Reer Somaliland ah.
Taliyihii Hore ee Booliiska ayaa isna dhiniciisa diidan magacaabista ninkan iyo in uu Xilka ku wareejiyo, waxaanu khilaafka madaxda Somaliya ee arrintani sababay in ay waayaan cid ay xilkaas u dhiibaan oo somaliya jooga, waxaanay taas bedelkeeda door bidayaan in ay u gacan haadiyaan saraakiisha dhinaca Amniga ee Somaliland.
Kooxaha ku xidhan Dawladda ee dilaala arrimaha siyaasadda ayaa baafinaya saraakiisha Reer Somaliland ee aqoonta dheer u leh shuruucda amaanka isla markaana leh kalsoonida Booliisnimo, waxaana laga dareemayaa saaxadda Iibsiga masuulkan la doonayo goobaha lagu falanqeeyo siyaasadda.
Dhaqdhaqaaqyada suuqa soo galay ee la dareemayo waxa ka mid ah  kuwo lagu beegsanayo saraakiil badan oo Reer Somaliland ah oo aan xil ka haynin xukuumadda balse Somaliya ka soo shaqeeyey, kuwaas oo Dawladda Federalka Somaliya si weyn u Hunguraynayso maadaama aanay Somaliland xil u haynin.
Sidoo kale, raga la baafinayo waxa ka mid ah Saleebaan Cumar ku joog oo ah la-taliyaha arrimaha Amaanka ee Madaxweyne Siilaanyo, waxaanay kooxo Dilaaliin u ah magacaabista sarkaalka mansabkan la doonayo in uu buuxiyaa doon doonayaan Telefoonkiisa si ay ula xidhiidhsiiyaan Madaxda dawladda Federalka ah.
Ma aha Saleebaan oo kali ah raga ay beegsanayaan ee ay bidayaan in uu xilkaas u qaban karo laakiin waxa jira kuwo kale oo sidan oo kale loo doonayo, hase yeeshee ma cada Ninka ay ku Guulaysan doonaan ka uu noqon doono, maadaama oo ay Somaliya xilal ka hayaan shakhsiyaad Reer Somaliland ah oo u shaqo tagay.