WAX KA BARO BISHA RAMADAAN W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI WIRDAANI QORMADII 20-AAD

0
66

20. FADLIGA TOBANKA DANBE EE BISHA RAMAAN.

Waa qormooyinkeeni taxanaha ahaa ee WAX KA BARO BISHA RAMADAAN iyo qormadeeni  labaatanaad oo aynu kaga hadli doono Fadliga tobankan cisho ee ramadaan gabagabada u ah.

Tobanka danbe ee ramadaan waa habeeno fadli badan, waa habeenada ugu fadliga badan sandka, waa habeeno Eebe koreeye ku dhaartay quraankiisa, Rasuulkeenuna (NNKHH) uu noolayn jiray tobankan habeen ee danbe, siday tilmaamayso Caa’ish Rabi raali haka noqdee markay ka waramaysay dhaqankii Rasuulku (NNKHH) siduu ahaa tobankan danbe ee ramadaan waxay tidhi ” wuxuu ugu dedaali jiray tobankan danbe sidaanu shay kale ugu dedaalin” hadaba haduu nabiga (NNKHH) oo danbigiisii hore iyo kiisii danbaba la dhaafay sidaa ugu carari jiray khayrka tobankan danbe inaga maxaad inoo malayn? runtiis xaalkeenu waa Alle u sahal.

Rasuulku (NNKHH) wuxuu dhaqankiisu ahaa markay usoo galaan tobankan danbe ee ramadaan sidan” habeenka ayuu noolayn jiray, guntiga ayuu giijisan jiray, reerkiisa ayuu baraarujin jiray”

Habeenkiii wuxuu ku noolayn jiray Alle bari, salaad iyo quraanka oo akhriskiisa uu badiyo.

Reerkiisa ayuu kicin jiray si ay u salaadaan, Rabigood u baryaan, ugana qanimaystaan khayrka ku jira habeenadan tobanka ah.

Guntiga ayuu dhiisha iskaga dhigi jiray, si uu ugu dedaalo cibaadada  Rabigii, iyo si aanu  marnaba uga caajisin qiyaamu laylka habeenka galinskiisa danbe la tukado.

Hadaba inaga dusheena  waxa  ahayd inaynu ka faa’idaysano khayrka tobankan habeen, kuna noolayno Rabbigeena oo aynu is-hortaagno , oo aynu barino si uu inooga dhaafo dambiyadii aynu falnay, quraanka oo aynu akhriskiisa badino, iyo wixii kale ee alle bari ah ee aan la’imankarno si aynu Rabbigeen uraaligalino.

Maanka ku hayso in habeenada uu ku jiro habeen ka fadli iyo qiimo badan 1000-habeen, oo la yidhaa LAYLATUL QADRI, waa habeenkii Rabi soo dajiyey quraanka kariimka ah, waa habeen ay soo dagto malaa’iktu, waa habeen nabad galyo, hadaba maxaad u malayn hadii aad ku da’daasho tobankan danbe, lana kulanto habeenkaa fadliga inataa le’eg leh, kana ajar badan habeenkaas camaalka aad qabataa  sideetan sano iyo dheeraad hadiiba cimrigaagu kugu simo, waxa laga yaabaa inaanad ogayn in aad gaadhi ramadaan kale, laakiin haduu Eebe kugu simay tan aad maanta joogtid yaanay dhayal kugu dhaafin.

Tobankan dabe ee ramadaan inagu macasalaamaynayso warkeedu inama seegana, laakiin baraarujinta iyo is xasuusintu iyadna waa mid aan lahayn dhamaad, ani waa iga xasuusin, waxaan Eebe ka baryayaa in aniga iyo dadka muslimka ahba waafajiyo habeekaas, kana yeelo kuwii loogu danbi dhaafo habeenadan insha allaah.

Intaas ayaan ku soo afmeerayaa qormadeeni labaatanaad, Rabina waxaan ka baryayaa inuu camalka iyo cilmigaba inoo hagaajiyo, tobankan danbe ee aynu galaynana inaynu camalka libin laabno, guntigana dhiisha iska dhigno, kuwii WAYNUHU naarta ka xoreeyana ha inaga yeelo, intaan aqoon korodhsi kan xiga isku imanayno waxaan idinku dhaafayaa, SALAAMU CALAYKUM WARAX MATULLAAHI WABARAKAATUH.

wirdaani@hotmail.com

www.wirdaani.wordpress.com

 

LA SOCO……….