Socdaalka Madax-Weyne Siilaanyo, Soo Noqodka Cali Xaamud, Xadhiga Lagula Kacey Taliyaha Saldhiga Barri Ee Degmadda Boorama Mudane Cawil Abiib. By Ayaan Mohamed Aaden (Ayaan Lucky)……

0
63

 

 

Marka Hore Waan idin Salamey waxan idin leeyahay Rabadaan kariim dhamaan ummada muslimiinta ah meel kasta oo aad joogtaan.

Waxaa arin lala yaabo ah in masuuliyiinta dawlada ee sida dhiiran ugu shaqaynaya dadweynaha masuuliyadu ka saaran tahay ay shaqsiyaad dawlada dhexe kula dhaqmaan qaab aan haboonayn waxaa xalay dhacdey in taliyaha saldhiga bariga degmada boorama uu xadhig awood sheegasho ah ula kacey talyaha qaybta gobolka awdal oo ilaa hada u awood sheegtey taliye cawil oo ah shaqsi si rago nimo leh ugu shaqeeya oo aan cidna udaba joogsan shaqada uu u hayo bulshada ku dhaqan degamada boorama.

Waa la ogyahay cida ka danbeysa xidhiga masuulkaas waana cida hada dalka u sii talisa oo awood sheegasho iyo qabiil loo xidhay masuulkaasi waxana taasi ka maqkhaati kaceysaa in hadba cidii xilka madax weyne ama madax weyne ku xigaan haysa ay ku tagri falaan cida aan iayagu hayn fursadaasi alle u saamaxay aadna ay u xun tahay bulshadii aad fadligooda ay ku yimadeen meshaas ay manta taagan yihiin maah maah somaliyeed ayaa tiraa*Maalina waa adiga maalin waa qayrkaa* taas ayaa lama iloobaan ah in la xasuus naado dadka moodaya ama shaqsiga u haysta in uu meesha sii joogayo intuu nool yahay taasina ay tahay wax aan aqliga galin.

Waxa kale oo is weydiin mudan sida suuqa la isla dhexmarayo ay jirtey mudo 4 bilood ka hor ah arday jaamacada eelo dhigan jirey halkaas ka tahriibey dabadeed waalidkiisii baadhitaan cad ku soo ogaadey halka uu ka helay noolka uu ku baxey dabadeed wiilkii yaraa uu waalidkiisii u soo sheegay in uu lacagtii jaamacada ee feeda uu kala noqdey oo qof suuqa ka soo kaxaystey aan ahayn waalidkiisii dabdeed sidaas lacagtii u ku qaatey waalidka ardayga dhalayna uu xaq u leeyahay in ay sharciga ku kala baxaan cidii sobobtey lacag celintaas la is dhaafsadey dabadeed dacwad ayay ka soo qoratey saldhiga bari ee magaalada iyada oo eedaysay masuuliyiinta dhinaca maliyada jaamacada eelo oo halkaasi la soo xidhey dabadeed war been abuur ah laga faafiyey taliye cawil abiib oo markaasi isagu shaqadiisa gudanayay oo aan midkoodba aan garabsiin.

Beesha Habar-cafaan waa beel aan wali fursad ama nasiib u helin xilka madaxweyne ama ku xigeen oo iayadu noqotey mid taageerta laba reer sadexda reer uu samaroon u kala boxo marka habar cafaan laga reebo ay beesha habar cafaan u hiilisey oo ay u hurtey sidii walaaleheeda kale wax u noqon lahaayeen iyaga oo aan wax xumaan ah ku samayn reeraha kale maalintii shirkii borama lagu dhisey dawlada haatan ka talisa Somaliland oo habar cafaan kaalin mugleh ka qaadatey dibu heshiisiinta iyo dib udhiska qaranimada umada Somaliland halakaas oo laba masuul la isla garytey inay noqdaan madaxweyne iyo ku xigeenkiisa waxayna kala ahaayeen sida tan

1-Xilka Madax-weyne Waxaa Loo dhiibay Marxuun Maxamed Xaaji ibraahim Cigaal

2-Xilka M/ku Xigeen Waxaa Loo Dhiibey Mudane Abdirahmaan Awcali Faarax

Halkaasi oo aan wax khilaaf ahi kaga iman beelaha samaroon.

Dabadeed waxay sidii ahaato waxaa is qabtey oo khilaaf soo kala dhex galay madaxweyne cigaal iyo ku xigeenkiisii cabdiraxmaan aw cali intaas ka bacdi cid iyada oo aan lala tashan ayaa beeshii cabdiraxmaan ka soo jeeday waxay si sharciga aan waafa jisneyn u badasheen madaxweyne ku xigeenkii oo ay keenan kursigii isla shakhsi ay isku hayb yihiin kaas oo ahaa madaxweynihii hore ee Somaliland mudane daahir rayaale oo qabtey ilaa kursiga madaxweynimo taasina aanay ka xumaan beesha habar cafaan halkaasna ay ka soo gaadhey dib u dhaca kaga yimid dhianaca saami qaybsiga kuraasta gobolada oo ilaa hada aanay wax weyn iska badalin cadaalad daro weeyi hadaan wax laga badalin.

Gadabuursi isaga ayaa is guumaysanaya waxaa baryahan danbe lagu mashquulsanaa waxaa la dhisayaa dakada lughaya oo qaadhan badan looga dhex ururiyey shacabka degmada boorama oo aan la aqoon lacagtaasi meel ay ku danabaysay sal iyo raad meel ay dhigteyna lama aqaan dakad dhismaheedna ma fududa hadii si cilmiyeysan loo eego markaas waxaa halkaas ka cad in aan isku dan la ahayn ee dano gaar ah cid kastaa wadato si ay danteeda u gaadho buunbuunin iyo been ay ku dhiiri galiso bulshada qaybaheeda kala duwan sidaad awgeed waxaan ku talin lahaa in la iska dhaafo waxa aan loo sinayn ee shaqsiga gaarka ah danta u ah yaan run loo qaadan *Hubsiimo Halbaa La Siistaa*.

Waxa kale oo isna lagu balan sanaa oo qorshihiisa mudo laga wadey gobolka in shir wada tashi ah ay qabsan doonaan beelaha ku abtirsada Samaroom’’Gadabuursi’’ halkaas oo maal aad u badan laga ururshay ganacsatada jaamacadaha iyo dhamaan wixii dhaqdhaqaaq ganacsi ah ee ka shaqeeya magaalada boorama cid is waydiisay ma jirto halka uu ku danbeeyey shirkaas iyo waxa laga maganaa waxaa socdaal ku yimid magaalada borama Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Waran cade oo la kulmay saladiinta culimada iyo garabka haweenka halkaas oo aanay ka soo qayb galin dhaliyarada wax u baratey bulshadooda dabadeed halkaas waxaa uu wasiirku ku qeexey in aanu gobolna iskii ama goonidii uu shir u qabsan Karin wuxuuna intaas ku darey in saddex saddex gobol la isku raacin doono si looga wada shaqeeyo ama looga wada tashado arimaha amniga iyo dhinac walba oo khuseysa shacabka ku kala dhaqan goboladasi la israacshey waxaa ka mida ahaa Awdal,Salal iyo Gabiley.

Tallo Bixin:

1-Hadaba waxaan ku talin lahaa dadku way tartamaan waxaa wax lagu noqdaa dadaalka aad  u samayso naftaada iyo dadkaagaba in beesha samaroon meel ka wada jeestaan iyaga oo iska dhaafaya danta gooni goonida ah ee la yeeshay in danta shaqsiyaadka wataa socoto waxba hagaag mayaan.

2-In aan la isku awood sheegan hadba kiina xilka madaxnimo qabta oo ka baxaya axdigii iyo walaalnimadii lagu wada socon jirey wakhtigii mucaaradka la ahaa.

3-In kuraasta gobolka wax ka badal lagu sameeyo oo si cadaaladi ku dheehan tahay loo qayb sado reeruhuna si isku mid look ala qaato wixii hadba soo kordha la iskuna tanaasullo hadba xaalada taagan wakhtigaasi.

4- In dib loo eego doorashooyinka khaiyaanada ah sidii tii degaanka oo kale oo reer kaliya noqotey tasina muujinayso in aan daacad la isku ahayn ee cadow la isku yahay waar taas halaga wada tashado hala saxo qaladkaas hore u dhacey si aan mar danbe u soo noqon.

5-labada beelood ee kale way soo qabteen xilalka madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen hadaba maxaa ku godan in beesha habar cafaan 5 sano ee soo socota loo haneeyo sidii ay idinka soo yeeshay idinkaba markii aad ololaha aad ugu jirteen sidaad xilalkaasi u qaban lahaydeen.

Waxaan ku soo gabo gabayn laahaa qoraalkayga aniga oo aan ku sii fogaanayn arimaha gudaha gobolka in daaacadnimo la yimaad xal lagu waaro ayaa la idiinka fadhiyaa halaga tago qabyaaladan sida qaldan loo isticmaalayo ee sii kala fogeysay dhamaan dad weynaha gobolka oo dhan.

La Soco Qaybaha kale..

 

By Ayaan Mohamed Aaden (Ayaan Lucky)

E-mail AyaanMohamed777@gmail.com