Kalabaydh: 5 Askari oo ku dhaawacmay Baabuur la qalibmay

0
67
Hargeysa (Waaheen) Wararka Naga Soo Gaadhaya Degmada Kalabaydh ayaa Sheegaya in 5 Askari oo ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland ay ku dhaawacmeen gaadhi uu Ciidanku leeyahay oo kula Qalibmay Deeganka Xera Daanyeer oo u dhow Degmada Kalabaydh.
Gaadhigan oo noociisa lagu sheegay Waaraad ayaa waxa Wakhtigaasi saarnaa Ciidamo Hawlgal u socday kuwaasi oo ku daba jiray sida la sheegay Maleeshiyada Nabad diidka ee Khaatumo oo Doraad Ciidamada qaranka  goobtaasi dagaal ku  dhex maray.
Dhaawaca 5 Askari ayaa waxa lagu Daweynayaa  Cisbitaalka Magaalada Burco ee Gobolka Tog-dheer, waxaanay wararku intaasi ku darayaan  in xaaladooda caafimad ay wanaagsan tahay.