Aas-Aaskii Seeska Nabadda Somaliland ee 1991 W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
187

Aas-Aaskii  Seeska Nabadda Somaliland ee 1991

W/Q: Cali Cabdi Coomay

 

Markii jabhadii S.N.M iyo shacabkii taageersanaa ay qabsadeen magaalooyinka somaliland, waxa magaallo kasta ka buuxay dad aad u badan oo ka mid ahaa xaasaskii ciidamadii max’ed siyaad, dadkii qoxootiga ahaa ee la doonayey in dhulka lagu beero iyo dad kale oo taageereyaal u ahaa kacaankii max’ed siyaad barre. Markaa waxa la isk weydiiyey maxaa laga yeelayaa dadkan? Qaar waa reer somaliland qaar kalena waa soomaaliya.

Markii dalka laga saaray taliskii max’ed siyaad bishii febarwari dhamaadkeedii 1991, dadkii reer somaliland waxay ku baaqeen shirkii ugu horeeyey ee nabadeed oo la iskugu yimid magaalada Berber. Ka dib waxa shirkaasi ka soo baxay shirweynihii beeluhu isgu yimaadeen magaalada Burco. Bishii maarij 1991 waxa Hargaysa ka dhacay shir balaadhan oo laga furay aqalka madaxtooyada. Shirkaasi wuxuu socday muddo 4 cisho ah waxa maalin kasta ka qaybgali jiray dad gaadhaya 400 qof. Ujeedada shirkaasi wuxuu ahaa sidii loo dawayn lahaa collaadii socotay 10-ka sano. Waxyaabaha la isku weydiiyey shirkaasi waxa ka mid ahaa laba qodob:

  1. Miyaa la kala aarsadaa oo dagaalka iyo collaadu weynu sii wadnaa haddii aynu nahay S.N.M iyo shacabkii taageersanaa?
  2. Miyeynu joojinaa oo weynu la heshiinaa dadkii collaadu inaga dhexeysay, ee reer somaliland ahaa?
  3. Dadkan aan somaliland u dhalan ee dalka aynu ugu nimid maynu laynaa mise weynu iska daynaa oo deegaankoodii ayeynu ku celinaa?

Waxa xusid mudan in wakhtigan shirku socday in magaalada afar-meelood saddex ay dunsanayeen, oo weliba guryahoodii ay ka qaxeen ay degan yihiin dad aanay garayn, oo lagu qiyaasay 30 kun oo ka mid ahaa dadkii magaalada burburiyey. Haddii aynu dib ugu noqo shirkii qodobada sare lagu falanqaynayey waxa la soo qaatay qodob qodob. Ka koowaad waxa la isku raacay:

  1. Inaan la kala aargoosan oo S.N.M iyo shacabkii taageersanaa ay iska iloobaan aarsi oo ay ku bedeshaan cafis. Waxay tusaale u soo qaateen markii rasuulkeena (scw) iyo asxaabtiisi laga saaray gurahoodii ee la colaadiyey sideena, ee ay qoxooti noqdeen. Ka dib markii dambe aya qabsadeen “makka” sidaynu Hargaysa u qabsanay, ayuu rasuulku(scw) shiriyey dadkii uu ka xoog batay ka dib wuxuu ku yidhi” maxaad iga filaysaan?”  waxay yidhaaheen aargoosasho”. Basle wuxuu ugu bishaareeyey nabad iyo walaaltinimo.
  2. Waxa la isku raacay in lala heshiiyo beelihii ay wada deganayeen reer somalialand, oo  la iska cafiyo wixii dhacay, dawladna la wada dhisto.
  3. Waxa la isku raacay inaan la’layn dadkan dalka jooga ee kacaankii ka hadhay, balse la is-dhaafiyo, oo lagu celiyo deegaankoodii ay ka soo haajireen. Waxa laga codsaday qof kasta oo baabuur lehi inuu ka qaybqaato daadguraynta dadkan. Dadkan qaar ak mid ahi waxay kaga baxeen lug. Waxaad arkaysay dad fara badan oo ubadkoodii yo alaabtoodii wata oo ku teedsan Hargaysa ilaa Harta sheekha. Dadka qaar ayaa ku taliyey in alaabta laga reebo maadaama aanay iyagu lahayn, oo dadka reer Hargaysa leeyihiin, balse waa laga diiday, oo waxa la yidhi” qaat wixii aad kari kartaan. Dadkaasi markay sii socdeen xagooda hore mooyee xaga dambe mays oo eegayn. Cafisku waa guul mustaqbal.

              Shirkii Burco ee 27/3/1991

Shirkaasi wuxuu bilaabmay goor casar ah, xaafada shacabka ee Burco. Shirkan oo ay gadhwadeen ka ahaayeen jabhadii S.N.M waxa guddoominayey, guddoomiye ku xigeenkii S.N.M  Xasan Ciise Jaamac, wuxuu sheegay in shirkani yahay mid lagu walaalaynayo shacabkii somaliland ee taliskii max’ed siyaad hubka isugu dhiibay. Halkan waxaynu isgu nimid inaynu beelaha reer waqooyi (somaliland) isku turxaan bixiyaan.

Iyadoo la tixgalinayo go’aamadii shir beeleedkii Buro ayuu golihii dhexe ee S.N.M ku dhawaaqay in somaliland tahay Qaran madax banaan 18/5/1991. Muddo yar ka dib waxa la dhisay dawladii ugu horaysay ee somaliland yeelato. Dawladaasi waxa ragaadiyey khilaafaadkii jabhadii S.N.M oo toban sanno huursanaa, hawlihii loo xilsaaray way gudan kari waayeen, markii dagaallo hoose ka dhex-qarxeen. Golohoodii wakiiladanu waxa u qabsoomi waayey shirkii, ka dib markii Prof. Ibraahin maygaag samatar oo guddoomaha ahaa isugu yeedhay dhawr jeer.

            

Dagaalkii Burco lagu soo galay 27/5/1988

Kayse Jaamac Kaahin”keyse-Geel-jire” oo ka mid ahaa ciidankii galay Burco ayaa ka waramay siday xaaladu ahayd” shidaalkii ay dawlada itoobiya na siisay ee ay tidhi dib ugu soo guura ayaanu ku soo dhaqaaqnay. Waxaanu ka soo dhaqaaqnay tuulada Samatar Axmed. Waxaanu ahayn 70 gaadhi oo 11 ka mid ahi yihiin tikniko. Waxa nalagu amaray inaan gawaadhida laga degin ilaa Burco la tagayo. Haddii dagaal dhexda idinku qabsado, xabad ma ridi kartaan, afar gaadhi oo ciidan saarnaa oo la qorsheeyey mooyee.

 

Goor casar ah ayaanu soo dhaqaaqnay, habeenkii oo dhan waanu soconay, saddex meelood ayuu dagaal nagu qabsaday, waanu ka adkaanay. Markay saacadu ahayd 6-dii subaxnimo 27/5/1988-kii ayaanu markiiba guuto kastaa weerartay xeradii loo xilsaaray inay qabsato. Isla subaxiiba dhawr xero ayaanu gacanta ku dhignay. Waxaanu dilnay taliyihii gaaska 3aad ee milatariga, taliyihii Booliska qaybta togdheer iyo saraakiil kale. Weerarku wuxuu ahaa nooca loo yaqaan ka dhextooska. Dagaalkii ayaa ku fiday guud ahaan magaalada oo waxa nagu soo biiray dad badan oo magaalada ku noolaa. Ka dib waxaanu helnay dhalinyaro farabadan oo dagaalkii nala gashay.

 

Dagaalkii Hargaysa lagu soo galay 31/5/1988

Ciidankii loogu talogalay inay Hargaysa qabsadaan, waxay ka soo dhaqaaqeen tuulada Balli-samatar, waxayna soo mareen wado ay samaysteen oo geedo ka baneeyeen. Wadadan ilaa imika waxa la yidhaa wado halgan. Ka dib waxay soo dul istaageen masalaha oo Hargaysa duleedkeeda ah  goor makhrib ah. Halkaasina waxa ku horjoosaday ciidan xoogan oo ahaa kuwii Max’ed Siyaad Barre (Faqash).

 

Markay habeen madow noqotay ayuu nin ka tirsan askartii S.N.M weydiiyey, Dhego-weyne, maxaynu yeelnaa? Iyo xaalada inuu ka waramo. Wuxuu ugu jawaabay” horta galabta cid kasta waa ku jiq, inaga waa inagu jiq oo xagga dambe iyo xagga horaba waa la inaga fadhiyaa, Max’ed Siyaadna(Faqashta) waa ku jiq oo waxay ogyihiin inaynaan dib u laabanayn, shacbigana waa ku jiq oo dushoodii ayaa la isku haystaa”.

 

Bal doon doon waddo aan ta inanaxar ahayn oo Hargaysa laga galo. Markii dambe ayuu Max’ed Jaamac Dhadoon ayaa loo diray, waxaanu soo helay wado Sh. Cumar Yuusuf sii qoday oo agtooda ah, halkii ka soo galeen, waxayna dagaal kedis ah ku bilaabeen taliskii qaybtii 26aad oo Gen. Moorgan fadhiyey. Gen. Moorgan cagtuu wax ka deyey. Islamarkiiba waxay si deg deg ah ku weerareen xeradii Birjee. Ka dib dagaalkii ayaa ku fiday magaalada. Waxaana ku soo biiray dad farabadan oo magaalada ka baxay.

 

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com