Ciidanka Qaranka Somaliland oo laayey Maleeshiyo soo weerartay

0
87

Kalabaydh(waaheen) ugu yaraan Lix qof ayaa lagu soo waramayaa inay shalay ku dhinteen iska hor imaad dhex maray ciidanka qaranka Somaliland iyo Maleeshiyada Khaatumo, kuwaas oo ka dhacay deegaanka Waq-dariya ee Gobolka Sool.

ciidanka qarankaWarar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya dhimashada dadkan oo qaarkood ay sheegayaan inay tirada dhimashadu intaas ka badan tahay, waxaanay sheegayaan in ay deegaankaasi ka taagan yihiin iska hor imaadyo goos goos ahi.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa Farriinnews.com u xaqiijiyey in Dagaalka shalay dhex maray iyaga iyo Maleeshiyada isku urursata deegaankaas uu khasaaraha ay gaadhsiiyeen yahay afar dhimasho ah iyo laba dhaawac ah oo ay soo qabteen, isagoo sheegay inay baacsadeen baaqigii kooxdaasi.

Dhinaca kale, wararka laga helayo fadhiisinka Maleeshiyadda Khaatumo ee Saax-dheer ayaa sheegaya tirada maleeshiyada khaatumo ka dhimatay inay gaadhayso Lix qof, illaa afar kale-na la la’yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Dagaalka shalay ka dhacay buuraha Waq-dariya oo qiyaastii dhinaca Koonfureed kaga beegan Laascaanood ayaa la sheegayaa inay soo qaadeen Maleeshiyada Khaatumo, kuwaas oo aan wax khasaare ah gaadhsiin Ciidanka.

Sidoo kale, warkii u danbeeyey ee deegaankaas ka dhacay ayaa sheegaya in nin shicib ahi ku dhintay magaaladda Kalabaydh kadib markii dadka magaaladaasi shiideen kolonyo Ciidanka Qaranka Somaliland ah oo kormeer samaynaysay, kuwaas oo rasaas ku riday.