Nin hawshiisii gabay oo shaqo nin kale ku haysta (khaalid maxamed cisman abii-xaniifa)

0
191

 

Ugu horayn waxaan salaamayaa dhamaan bulshada somaliand iyo webka ramdan Mubarak , Dhawaanahan waxa soo shaacbaxayay muranka biyo balaadhinta magaalada Hargeisa iyo in waliba xadka ethopia iyo Somaliland uu xidhan yahay iyo waliba hoos u dhaca siyaasada arimaha dibada  iyadoo ay taasi jirto oo ay hawlahaasi u yaalaan wasiirkii ku magacaabnaa handana maaha wasaarada arimaha dibada  in uu meel aan loooga baahnayn uu u halqaltaago oo wasaarad wasiirkedii joogo uu ka hadlo biyaha caasimada isaga ma biyaha ayaa looxil saaray  mise shaqadii wasaarada arimaha dibada iyo wasaaradii biyaha ayuu kala garan waayay waxa ayaan daraa in uu ka hadlo isagoo hawlihii loo igmaday wasaaradiisu ay baylah yihiin waxaan leeyahay lagaagawanaagsan faragalintaaad ku haysid wasaarada biyaha.

Hadii si kale loo fasiro faragalinta uu wado maxamed biixi yoonis waxay noqonaysaa tii lagu dhaliili jiry xukuumafa kumiye ee ahay eexda iyo qabyaalada maadaama uu soo dhex galay  nin aanay shaqadisa ahayni ayna tahay bilaya laga qodayo xunba wayne in lakeeno halka ay biyuhu imika caasimada uga yimaadaan caqligii fayoobina uu diidayo ayna ahayn mid suura gal ah caasimada Hargeisa waxay u baahantahay biyo balaadhin casriya ee u ma baahnaa mid eex iyo qabyaaladaysan oo ay ka dhigayaan sida muuqata meeshii wax haysataa wax loogu darayaa meeshii  biyo la’ana waxba nagama galin

Guntii iyo gabagabadii aqbali maayaan dagmooyinka biyaha la’a ee caasimadu in la dhaafiyo biyaha cusub ee xunbo wayne ka imanay aqbalina maayaan in meelina jano noqoto oo labada gacmood lagu maydho oo ay maalina aanay biyo la;aanin kuwa kalena aanay helin biyo saafiya oo ay cabaan cadaaladna maaha, ragan shaqadoodii loo igmaday garanla’na waa in loo tilmaamaa oo farta loogu fiiqaa hadanay garanayn.

Waxa kalaanu leenahay  m,biixi yoonis waxa lagaa sugayaa hawlihii laga igmaday sidii aad uga soo bixi lahayd ee aad dalkan aadgo’doonka galisay aad uga soo furi lahayd ee wadamadii jaarku ay xidheen xuduudahoodii.