Xisbiga Ucid oo Magacaabay Xoghayaha Kaluumaysiga iyo khayraadka Bada ee Xisbigaasi

0
54

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid En.Faysal Cali Waraabe ayaa Magacaabay Xoghayaha Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada. warsaxaafadii uu soo saaray ayuu ku sheegay macagaabistaasay waxaanu war saxaafadeedkaasi oo dhamaystirani u dhignaa sidan:

Gudoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, Markuu latashaday Guddida Fullinta ee Xisbiga UCID, Markuu arkay baahida wayn ee loo qabo in la Magacaabo    Xilka Banaan ee Xoghayaha Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Xisbiga UCID. Ka dib Markii uu arkay firfircoonidiisa  iyo kartidiisa mudadadii uu Xisbiga ka tirsanaa  Waxa loo Magacaabay Maanta oo ay Taariikhdu tahay 12/07/2014, Md. Cabdillaahi Cumar Xuseen (Shaqalle), Xoghayaha Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Xisbiga UCID.

 

Sidaa awgeed waxa la faray in hawshiisa si dhakhso ah u bilaabo kana soo baxo waajibaadka loo igmaday.

Waxaanu Illaahay uga baryaynaa in uu  u fuduudeeyo xilka  loo dhiibay.

 

 

Wabillaahi Tawfiiq

Gudoomiyaha Xisbiga UCID                                                                                                                 Eng. Faysal Cali Waraabe___________