Burco: Tartan Xifdiga Axaadiista ah oo loo qabtay dhalinyaro

0
107
Burco(Waaheen) Tartan xifdiga Axaadiista ah ayaa Magaalada Burco loogu qabtay arday aad u da’ayar oo uu ugu waynayahay Laba iyo tobanjirku. tartankan oo lagu qabtay Magaalada Burco ayaa waxa iska kaashaday Mu’asasada Al-karam ee Horumarinta Dacwada iyo shirkada Telesom, waxaanu socon doonaa mudo Afar iyo toban Cisho ah waxaana ardayda kaalmaha hore gala la siin doonaa jaa’isado.
Gudoomiyaha jimciyada  Mu’asasada Al-karam ee iyadu tartanka Xifdigan wada Sharmaarke Aw Muuse Xasan oo Furitaanka Tartankaa ka hadlaya ayaa yidhi ”xafladan aynu furayno oo lagu qaybayo tartan  kutub diini ah kutubtaas oo kala ah, Fiqiga, Xadiista, Siirada iyo Mustaxil, waxaana ka qayb galaya Sodon Arday oo da’ yar ah oo laba iyoToban jirku ugu wayn yahay  kana kala yimi Madarasadaha Magaalada Burco, waxaanay soconaysaa Afar iyo Toban casho, waxaa Fulinaysa Mu,asasada Alkaram ee Dacwada iyo Horumarka waxaana inoo fududaysay oo maalgalisay shirkada Telesom, Tartankan waxay ardaydu ku guulaysan doontaa Abaal marino, waxaa la siin doonaa Ardayda kaalinta koowaad, kaalinta labaad iyo Sadexaad gala abaalmarino ka farxin doona oo isaga iyo qoyskiisuba kula iidi doonaan.
Sh.Maxamed Xasan Guuleed oo ka mid ah Culimadii taratankaa qabanayay ayaa hadal kooban ku  yidhi ”waxaa saaka dawradii(tartankii) sadexaad ee ay maalgalinaysay shirkada TELESOM, shirkada Telesom ee maalgalisay hawshan sanad walba way qabataa oo xiligan oo kale oo mudnaanta iyo tix galin bay siisaa dhalinyarada soo kacaysa, hadii aad ardayda tihiin waa inaad dedaashaan idinkuna” ayuu yidhi
Xasan Abokor dhuux yare ayaa isna xafladaas Furitaanka ardayda kula dardaarmay inay dedaalka Badiyaan.