Madaxweyne Siilaanyo oo saaka dhoofaya

0
125
Wuxuu xadhiga ka sii jarayaa dhismaha cusub ee  wasaaradda Duulista
Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxaxmuud Siilaanyo ayaa saaka u dhoofaya Dalka Ingiriiska, halkaas oo uu ku qaadan doono fasax u gaar ah.
Madaxweyne Siilaanyo ka hor inta aanu ka duulin madaarka Hargeysa waxa uu xadhiga ka sii jari doonaa dhismaha cusub ee quruxda badan ee wasaaradda Duulista looga Yagleelay afaafka hore ee madaarka Hargeysa.
Lama oga safarka Madaxweyne Siilaanyo muddo uu qaadan doono iyo cid ku wehelinaysa, hase yeeshee wararka laga helayo ayaa sheegaya wasiirka waxbarashadu inay ka mid tahay masuuliyiinta raaci doona.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa sii mari doona Dalka Itoobiya, balse illaa hada ma cada inay u qorshaysan yihiin kulamo uu la yeelan doono madaxda Dalkaasi oo xidhay xuduudka ay Somaliland la leeyihiin.