Dawladda Denmark oo Somaliland ka codsatay in loo soo gacan geliyo Muwaadin Somalilander ah oo ku xidhan Hargeysa

0
99

 

Waxay sheegeen Xeer ilaalinta iyo Wasaaradda Arrimaha Dibeda inay ka codsadeen in loo soo dhoofiyo ninkaasi

asdfasdfasdfasdfasdfasdfasdfDenmark(Waaheen) Warbaahinta Dalka Denmark ayaa shalay si xoogan uga hadashay nin Reer Somaliland ah oo dalkooda danbiyo ku soo galay, kaasoo ay Somaliland ka dalbadeen inay usoo gacan galiso, sii Dalkaasi loogu Maxkamadeeyo.

Telefishanka Qaranka Dawladda Denmark bartiisa Internet-ka oo ah http://www.dr.dk/Nyheder/Indland/2014/07/08/113907.htm ayaa shalay lagu baahiyey Dawladda Denmark inay u gudbisay Somaliland codsiga ay ku doonayaan, balse illaa hada aanay jawaab ka helin, hase yeeshee ay xidhiidho la sameeyeen.

Sarkaal haysta Qaybta Dilalka Dawladda Denmark Jens Møller Jensenoo isna xalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay Xeer ilaalinta Guud ee Somaliland ka dalbadeen soo celinta ninkaasi Somalilanderka ah ee haysta dhalashada Denmark oo ku Eedaysan inuu Dil ka soo geystay Dalkooda ka hor intii aanu soo baxsan, waxaanu si cad u sheegay inay wasaaradda Arrimaha Dibeda kala xidhiidhayaan arrintan.

Dhinaca kale, Muwaadin Somalilander ah oo ku sugan dalka Denmark ayaa sheegaya in Dawladda Denmark qoraal af-somali ku turjuman oo codsi ah usoo dirayso Booliska Somaliland, kaasoo ay ku dalbanayaan soo celinta Muwaadinkan danbiga loo haysto.

Ninkan Dawladda Denmark doonayso oo la yidhaa Cumar Xasan Cumar ayey Booliiska Somaliland qabteen dabayaaqadii bishii Juun, illaa hadana ma jirto war ay ka soo saartay qabashadiisa iyo codsiga ay Denmark doonayso in loogu celiyo toona.

Warar Hoose oo farriinnews.com ka heshay bahda Garsoorka ayaa sheegaya in ay Xeer ilaalintu gacanta ku hayso Kiiska ninkaas, kaasoo ay su’aalo weydiisay, waxaanay sheegeen sharciga Somaliland in aanu ogolayn in lagu celiyo Dalkii uu falka ku soo galay.

Ma cadda Go’aanka ay xukuumadda Somaliland ka qaadan doonto ninkan maadaama ay dhawaan saddex nin u gacan galisay Dalka Jabuuti, kuwaas oo aanay marin hay’addaha Garsoorka Dalka, arrintaas oo uu illaa hada khilaafkeedu taagan yahay.

Dawladda Denmark waa dalka kali ah ee si toos ah Somaliland u siiya Mucaawinooyin kala duwan, isla markaana uu safiir rasmi ahi ka joogo Xafiis ay hargeysa ku leeyihiin.