Dhalinyarada Xaafadda Isha Boorama iyo Ciidanka RRU-da oo xalay isku dhacay

0
88

 

Booliiska oo isku gedaamay xalay xaafada, dhalinyar badana u xidh xidhay dhaawacyo ay gaadhsiiyeen Askarta

Hargeysa (Waaheen) Labba Askari oo ka Tirsan Ciidamada RRU-da ayaa Dhaawacyo lagu gaadhsiiyey Xaafada Isha Boorma, kadib markii kooxo dhalinyaro ah oo habeenadii ugu danbeeyey  isku dhex laynayeen Xaafadaasi, kuwaasoo khilaafkoodu ka bilaabmay Wareega kooxaha Kubada cagta ee bisha Ramadaan.

Askartan oo Wakhtigii Afurka la geeyey xaafadaasi ayaa la sheegay in ay isku dhaceen Dhalinyarada Xaafadaasi ka dibna dhagaxaan ay ku Dakhreen Labba Askari oo halkaasi loo geeyey in ay amaanka sugaan.

Iska Hor imaadka RRU-da iyo Dhalinyarada kadib waxa Xaafadaasi la geeyey Boqolaal Ciidamo Boolis ah kuwaasi oo Xidh-xidhay Dhalinyaro aad u Farro badan oo ay ku tuhunsan yihiin in ay yihiin Kooxihii is laynayey.

Xaafada Isha Boorma ayaa Xallay ku jirtay Bando ka dib markii Ciidamada Boolisku isku wareejiyeen Xafadaasi.