Dhagayso: Wasiirka maaliyadda ayaa masuuliyiinta hay,addaha dawladda ugu baaqay tashiilida iyo tayaynta miisaaniyadda dalka.

0
134

3Hargeysa(waaheen) Wasiirka wasaaradda maaliyadda somaliland C/casiis Maxamed samaale oo kulan balaadhan ugu qabtay hoolka shirarka Shaqaalaha dawladda masuuliyiinta maamulka ee hay,adaha dawladda ayaa ugu baaqay in ay Xil iska saaraan tashiilida iyo tayaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Codkii Wasiirka Hakan ka dhagayos

Dhagayso

Kulanka wasiirku qabtay oo ay ka soo qayb galeen agaasimayaasha guud, hantidhawraha guud, xeer ilaaliye ku-xigeenka guud, Agaasime waaxeedyada maamulka iyo Madaxa xisaabaadka ee ciidamadda kala duwan ayaa lagu baranayey hanaan cusub oo ay wasaaradda maaliyaddu ku dhaqayso miisaaniyadda 2015-ka, nidaamkaasoo lagu sii dabaqi doono lix biloodka ka hadhay sanadka 2014-ka.

015Wasiir c/casiis samaale oo khudbad ujeediyey madaxda hay,adahaasi ayaa ugu baaqay inay Xil iska saaraan sidii ay u tashiili lahaayeen dhaqaalaha dalka ee ay 6gacanta ku hayaan, isla markaana ay ku shaqeeyaan nidaamka cusub ee wasaaraddu u dajisay sidii kor loogu qaadi lahaa nidaamka maaliyadeed Ee dalka. Wasiir samaale waxa uu masuuliyiinta u sheegay dedaalkii ay sameeyeen ee keenay kor u kaca miisaaniyaddu inuu sababay beesha caalamku inay ku qanacday isla markaana ay sababtay inay sanadkan ka caawiyaan somaliland dhaqaale ahaan iyo nidaam ahaanba. Wasiir samaale waxa uu ku faanay siraha qarsoon ee dhaqqalaha dalka kor u qaaday inay ka mid tahay qasnadaha wasaaradda maaliyadda iyo ilaha dakhli In ay boqolkiiba sagaashan maamulaan haween, kuwaasoo uu ku sifeeyey in ay ragga uga Ilka qabaw yihiin dakhliga. Wasiir samaale waxa uu kula dar-daarmay masuuliyiinta in ay Masuuliyad weyn iska saaraan ku shaqaynta nidaamka cusub oo wax weyn ka tari doona dhaqaalaha dalku in uu noqdo mid la jaan-qaadi kara kuwa caalamka. Hantidhawraha guud ee qaranka iyo Guddoomiyaha hay,adda Shaqaalaha dawladda ayaa Wasiirka maaliyadda iyo wasaaraddiisaba ku amaanay dedaalka iyo horumarka ay ka sameeyeen dhaqaalaha dalka, iyaga oo uga mahadnaqay Wasiirka dhismayaasha cusub ee uu ku soo kordhiyey xafiisyadooda.3

 

Wasiirka Maaliyadda arrimahasi ka hadlaya waxa uu yidhi. “Waxaynu Doonaynaa in aynu Caalamka la talaabsano, aqoontiisa  iyo horumarkiisa, marka Habkii aynu awal u shaqeynaynay  mid ka duwan oo ka horumarsan in aynu u shaqeyno ayey munaasibadeenu muhiimadeedu tahay, marka horeba Guud ahaan Hay’adaha iyo wasaradaha kala duwani  waxaynu ka shaqeynaa wax allaale iyo wixii la xidhiidha Maaliyad iyo lacag  iyo dhaqaale, runtii waxad odhan kartaa dhaqaalaha iyo Maaliyadu  waa Halbowlaha Ummada, waa shayga haddii illahay siiyo ay ummadu wax-qabsan karto haaddii ay waydan ay burburayso.”Ayuu yidhi Samaale.

Isaga oo hadalka sii watan waxa uu yidhi. “Runtii waad ogtihiin dhaqaalaheenu ha koobnade meel wanaagsan ayuu marayaa, oo waxaynu Doonayna in gacmaheena biyo kaga dharagno,  tiiyo caalamka in badan aanay waxba inooga suurtobin, hadana marba marka ka danbeysa Dakhligeena, iyo Miisaniyadeenu horumar la taaban karo ayey sameynaysaa, marka horumarka iyo horusocodkaasi balaadhan iyo waliba kororkaasi miisaniyadeed, dadka maanta halkan fadhiya ayaa inta badan sababtooda ah, waxan odhan karaa oo dhab ah in aan roob lacag ahi aanu inoo di’in, inoona di’i doonin, laakiin Marka dadku dadaalan ayuu ILLAHAYna   siyaabo kala duwan waxa u siiya oo uu u caawiya, marka waxa ku soo galaya ee dakhli ah  oo aad hagaajiso oo anad si xun u isticmaalin waxay ka mid tahay wanaag illahay ku siiyo, marka in aad ilaaliso oo aanad Daadaadin iyo oo aanad si xun u adeegsan waxay ka mid tahay wax yaalaha illahay ka doonayo, xoolaha oo la daadadiyo illahay wuxu ku tilmaamay shay aan wanaagsanayn, Masuuliyiinta kala duwan ee halkan fadhidaa waa Masuuliyiinta Qaranka u qaabilsan illaalinta hantida, dhaqaalaha iyo maaliyada intiina halkan fadhida iyo inta inaga maqan ayuu xilkaasi saran yahay sida wanaagsan ee aynu u illaalinana waxay keenaysa horumarka iyo wanaaga uu waddanku ku talaabsanayo, sidda xun haaddii ay waxa u dhacana waxay keenaysa in wax badani ay inaga xumaadan.”Ayuu yidhi wasiirka Maaliyadu.

Waxa kale oo uu yidhi. “Runtii waxa wax lagu farxo ah in dhawrkii sanno ee u danbeyey Miisaniyadeenu uu ka muuqday horumar balaadhan, uu ka muuqday koror aad u weyn oo adduunku Majeertay oo laynagu Bogaadiyey taasi oo ah ta maanta keentay Barnaamijka aynu maanta ka wadda hadlayno, oo adduunyadu inagu maalgalinayso oo xoolo badan lagu bixinayo, sidii aynu u wanaajin lahayn maamulka maaliyadeed ee waddankeena, markii la arkay kororka miisaniyadeed ee waddankeena ka muuqda, markii la arkay illaalinta iyo nidaamka sax ee maaliyadeed ee ka muuqda ee aynu masuulka ka nahay, ayuu caalamku ku dhiiraday in wax laynala qabto, oo laynagala qaybqaato horumarinta Mashaaricda la xidhiidha wanaajinta Maamulka Maaliyada, runtii waxan jecelahay in aynu si fiican ugu diyaargarowno nidaamka casriga ee dalkeena iyo shaqadeenaba wax taraya, hawshan wasaarada maaliyada oo kali ahi umma diyaargaroobayso laakiin dhammaanteen waynu u wadda diyaargaroobaynaa, inaga oo fulinayna go’aanka uu madaxweynaha qaranku ku qaatay in la habeeyo oo la wanaajiyo, maamulka maaliyadeed ee qarankan, inaga oo fulinayna go’aanada aynu la qaadanay hay’adaha caalamiga ah ee inga caawinaya mashruucan, marka waa in aynu u diyaargaroowna hawshan balaadhan ee aynu maanta isku nimid ee ah Habka aynu u casriyenayno maamulka maaliyadeed qaranka”Ayuu yidhi.

Dhanka kale waxa iyaguna halkaasi hadalo ka jeediyey Hantidhawraha Guud iyo Guddoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha waxayna Tilmaameen in Kulan kani yahay mid muhiim ah oo loo bahan yahay in dhammaan ka soo qaybgalaashu ka faa’iideystan.