Dadweynaha Reer Burco oo isku xil-qaamay Guddi Masaakiinta Taakuleeya

0
82

 

Burco(Waaheen) Qaar ka mid ah Ganacsatada,Aqoonyahanada,Culimada iyo Saxaafada Gobolka Togdheer oo iskood isu xilqaamay Ayaa Magaalada Burco ka Bilaabay qorshe lacag loogu urinayo Bisha Rabadaan dadka Tabaalaysan ama Foqorada iyo masaakiinta ku nool Magaalada Burco, Maadaama ay soo gashay bishii rabadaan ee barakaysnayd isla markaana ay jiraan dad aan iyagu daba shidan  oo aan haysan waxay ku afuraan, Qorshahan laacagta loogu urinayo  dadka baahan ayaa xubnahani iyagu dhaqaalihii ugu horeeyay iska bilaabay ayaa dadwayanaha reer  Burco , Somaliland reer Somaliland iyo Islaamka  waxay ugu baaqayaan in ay kasoo qayb qaataan  dadka ilaahay wax siiyay, bisha barakaysan khayrka lagu quudinayo walaalahooda baahan. waxaanay ku baaqeen in loogu soo shubo, Acounada kala ah”Acount No”11687 Dahabshiil. Acount No”58044 Amal iyo Zaad 4432618,
Shiikh Cali Mawliid oo ka mid ah Culimada hawshan khayriga ah isu xil qaantay oo arimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi ” Markii aanu aragnay in ay jiraan dad badan oo bishaas aan dab shidan, qaar waal-waalan oo wax la siiyo loo la’ayahay, dadkana waa laysku eegayaa, waxaanu iskayo isu xil qaanay inta awoodayada ah dadkaas dhibaatadu hayso sidii aanu uga dul qaadi lahayn baahidaas gaar ahaan dadkaas, sidaas awgeed waxaan umada islaamka ugu baaqaynaa inay kusoo shubaan Acuonada kala ah -11687 Dahabshiil.Acoun No”58044 Amal iyo Zaad 4432618,

Nuur Ducaale Diiriye oo isna ka mid ah Ganacsatada reer Togdheer oo isagu si wayn uga qayb qaatay hawshan tabatucaadka ayaa isan yidhi”Maadaama waxa bisha rabadaan la bixiyaa ay ka ajar badan yihiin waxa la bixiyo bilaa inta kale,ayay nala noqotay inaanu dadka ku baraarujino inaanu dadka baahan la afuriyo.
Xuseen Qorshe, Xirsi macawis, Axmed Sakaaro, Cali Suun, Mahad Nuux oo iyaguna ka mid ahaa xubnaha iskood isu xilqaamay ayaa Bulshada ugu baaqay in ay is caawiyaan.