Kalluumaysato Canfarta Jabuuti ah oo ka Dacwooday cashuuro lagaga qaaday saylac

0
112

 

Nin aan la aqoonsan oo ku xidhan Lawyacado

Saylac(Waaheen) Kalluumaysato Canfar ah oo ka Kalluumaysata badda Saylac ayaa la sheegayaa inay cabasho ka dhan ah Cashuuro ay Somaliland ka qaaday oo aan juwano loogu jarin u gudbiyeen Dawladda Jabuuti.

Wariyaha Farriinnews.com ee Gobolka Selal ayaa ku soo waramaya in Wasiirka Arrimaha gudaha Dalka Jabuuti Xasan Cumar Maxamed cabashadan si wax looga qabto kala soo xidhiidhay Badhasaabka Gobolka, kaasoo uu ku wargeliyey in Kalluumaysato Reer Jabuuti ah oo ka kalluumaysata Saylac lacagaha laga qaado aan loo jarin juwan.

Kalluumaysatada wasiirka cabashada gaadhsiisay ayuu wariyuhu sheegay inay ka soo jeedaan beeshiisa, kuwaas oo sharci darro ku tilmaamay qaabka loola dhaqmaa ay tahay mid ka baxsan nidaamka cashuuraha maadaama lacagaha laga qaado aan juwano loogu jarin.

Arrintan ayaa marka laga yimaado cabashada kalluumaysatada Reer Jabuuti waxay sumcad xumo ku tahay Kastamka Saylac, kaasoo sida ay Kalluumaysatadu ku doodayso lunsada lacagaha ay ka qaadaan, taasoo aan qasnada ku dhicin.

Dhinaca kale, wararka ka soo baxaya magaaladda Saylac iyo Lawyacado ayaa sheegaya inay dhibaatada dadka socotada ah ka haysata galitaanka Dalka Jabuuti sii kordhayso, iyadoo wararka qaarkood sheegayaan inuu jiro tuhun ah inay wali cabsi xoogani ka taagan tahay xadka.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in nin loo tuhunsanyahay in uu ka tirsan yahay al-shabaab lagu qabtay Lawyacado, kaasoo wali ku xidhan xuduudka, iyadoo dhacdadani sii xoojisay xayiraada dhinaca isu socodka labada dal.