Hay’addaha Sirdoonka iyo Xukuumadda oo si wadajir ah Heegan uga galay Hanjabaadii Alshabaab

0
88

Hargeysa(Waaheen) Hay’addaha Sirdoonka ee ku sugan Somaliland iyo laamaha Amniga qaranka ayaa si wadajir ah heegan uga galay sidii ay isaga caabiyi lahaayeen fal kasta oo ka dhan ah Dalka, kaasoo ay Alshabaab Iclaamisay inay ka fulin doonto Mandaqada.

Habeenadii ugu danbeeyey waxa hawada Somaliland heehaabayey diyaaradaha wax basaasa kuwaas oo saacadaha danbe dul haadayey magaalooyinka Somaliland qaarkood, gaar ahaan Caasimada Hargeysa oo ay dad badani maqleen guuxeeda.

Illaa hada ma jiraan caddaymo muujinaya qorshayaal ay ku damacsanyihiin inay Somaliland kaga fuliyaan qaraxyo, hase yeeshee tan iyo markii ay Qaraxa ka fuliyeen Jabuuti, qaarkoodna Itoobiya fashilisay, waxa soo baxaya dareen weyn oo keeni kara in ay Somaliland kaga aargoosan karaan maadaama dadkii qaraxaas lala xidhiidhinayey Somaliland u gacan galisay Dalka Jabuuti.

Masuuliyiinta Amniga gaar ahaan wasiirka Arrimaha gudaha ayaa walaac ka muujiyey Hay’addaha Sirdoonka ah ee Ajanabiga ah ee dalka ku sugan, kuwaas oo uu sheegay inaanay waxba Wasaaraddiisa kala socodsiin hawlaha ay Dalka ka wadaan , isagoo ku hanjabay inay afari doonaan inay soo maraan wasaaradiisa ka hor intaanay hawl-galada fulin.

Hadalka Wasiirka ayaa soo shaac saaray tuhuno ah in dalka gudihiisa ay isku baacsanayaan Kooxo Sirdoon ah iyo kooxda Al-shabaab, kuwaas oo aanay xukuumaddu wax badan ka ogayn mararka qaarkood, maadaama sida wasiirku ku dooday dhawaan aan lala socodsiinba qorshayaasha Hay’addaha Dalka ka hawl-gala.

Ilo wareedyo isa soo taraya ayaa sheegaya inay jirto cabsi la xidhiidha in kooxda Al-shabaab usoo dirtay naftood hurayaal, kuwaas oo ana la garanayn meel ay ku jihaysan yihiin, balse ay caddayn u tahay diyaaradaha wax basaasa hawl-galadooda, kuwaas oo inta laga bartay marka la arko iyaga oo hawada ku jira ay dhacdo inay daba socdaan farriimo ay heleen.

Si kasta ha ahaatee Xukuumadda Somaliland waxa la gudboon inay dareen dheeraad ah u yeelato ka hortaga cabsida muuqata, si ay u sugto amaanka Dadkeeda iyo ka Dalalka Jaarka ahba, inta aanay dhicin falal la mid ah kuwa imika ay ka cabanayaan Dalalka Itoobiya iyo Jabuuti.

Sidoo kale, waa inay sugtaa oo ay ku dhaqantaa shuruucda Dalka u yaala oo aanay ku xad-gudbin muwaadiniinteeda qaarkood marka ay soo baxaan yuhuno la xidhiidha fal-danbiyeedyada ay galaan ama lagu soo eedeeyo.