Mudane madaxwayne maxaa kaa qarsoon?

0
159

Sideedaba wax kasta oo lid ku ah jiritaanka qaranka, qiimaha dawladnimo, astaamaha hogaaminta toosan iyo sugida amnigu waa halista guud ee qaranka iyo sumcad dilka hogaanka wakhtigaas jooga.

Umad kastana hogaamiyeheeda ayaa ama la hadh noqda ama horumariya.

Hogaanku ma aha madaxwayne oo kali ah ee waa dhamaan waaxda fulinbta qaranka iyo wixii hoos yimaada sida, madaxwaynaha wasiirada iyo cidii kale ee la meeqaam ah.

Ugu horayn inta aanan u daadegin ujeedka hadalkayga waxaan soo hor marinayaa dhawr qodob oo mudan in ay yeelato dawlada wanaagsani, waana kuwan ee ka bogosho wacan.

1)      Kala dambayn iyo ismaamul

Qodob kan waa qodob ka ugu mihiimsan ee looga baahan yahay inay yeelato dawladda wanaagsan iyo hoggaanka toosani. Waa qodob ku suntan in kala saraynta masuuliyiintu ay keento kala amar qaadasho wanaagsan iyo wadashaqayn togan, si loo gaadho hadafka horumarineed ee uu higsanaayo madaxwaynaha wadankaasi ama ay bulshadiisu uga fadhido inuu ku talaabsado waxay kaga bugsadaan caqabadaha markaas hortaagan.

Markay sidaas tahay waxaa haboon in la ogaado halka dawladda ka jirta Somaliland ay ka taagan tahay ama inay suura gelisay qodobkaas?

Waxaan odhan karaa haa way dhaqan gelisay laakiin waxaa sii jira dhaliilo aan qarsoonayn kuwaas oo keeni kara sumcad xumo, habacsanaan maamul iyo amni daro.

Waxaan soo gudbinayaa hal dhacdo oo u ah daliil ah arintaas, maxay tahay dhacdadu?

Mudo sadex wiig laga joogo ayay ahayd markii mid ka mid ah askarta degan aaga hore gobolka sool uu isku deyey inuu boobo gaadhi qaadsaaraa oo dhextaagnaa kaam ku yaal degmada oog ee gobolka saraar, askarigan ayaa gaadhiga oo taagan oo laba nin saran tahay weerar gacan ah kusoo qaaday iyada oo goobtaas ay jogeen shacbi badan iyo ciidan badaniba oo ay marag ka ahaayeen, wiilkii gaadhigaas waday ayaa damcay inuu la cararo gaadhigiisa balse askarigii ayaa daaqada darawalka iska laalaadiyey oo shookaanta ku qabsaday taas oo keentay in gaadhigii ka baxo maamulkii darawalka isla markaana uu la galo ood qolqol u ahayd reer meesha deganaa, taas oo markii gaadhu jiidhay oodii uu ninkii askariga ahaa ku duldhacay kuna dhaawacmay.

Balse maxaa talaabo uu qaaday jananka ciidanka qaranku janaral shaqale?

Taliyaha ayaa talaabadii ugu horaysay ee uu qaadaa noqotay mid aan ka farxin bulshada deegaankaas iyo intii xog ogaal u ahaydba, isaga oo ku talaabsaday qadaf, awood maroorsi, sharci jebin uu ku sameeyey fara gelin awood wasaarad kale iyo astaamo kale oo uu muujiyey oo dhalin kara isku dhac degdeg ah oo beeleed.

Hadaba talaabada uu qaaday maxay ahayd taliye shaqale?

1)      Taliye shaqale ayaa isla markiiba ku talaabsaday sharci daro aad u qalafsan isaga oo wiilkii boobka loola tegay, ka dhigay dambeele isla markaana Aabihiis oo ahaa xog-hayaha degmada oog ku xidhay xero militari oo ku taal degmadaas, isaga oo mudo ka badan 15 beri ku haystay xeradaad masuul kaas ka tirsanaa wasaarada Arimaha gudaha iyo amniga.

Isaga oo askarigii tuuga ahaa keenay hargeiysa una qoray biil, isaga oo maalintiii koobaadba siiyey hal milyan oo lacagta Somaliland ah, taas oo miijinaysa dhiirigelin, sababina karta in askari kastaa uu booby karo shacbiga uu masuul ka ka yahay.

2)      Talaabada labaad ee uu qaaday shaqale ayaa ahayd inuu labadii beelood ee wiilashu ka dhasheen uu kala dhexdhigay qilaaf xoog badan oo ay hada taagan tahay idil aan ku dilee hanta kun doolar gaadhaysaana ku kala maqan tahay taas oo ay badhi gooyo u qaadatay beesha askarigu ka dhashay, iyaga oo markay qaateen lacagtaas sheegay in ay ka baqayaan  in janan ku xidh xidho waa siday hadalka u dhigeen e oo aanay qorayn wax heshiis ah iyo nootaayo midna.

3)      Markay sidaas tahay shaqale ma yahay dambiile iska horkeenaaya beelaha qaranka ?

4)      Qodobka ugu yaabka badnaa waa isaga oo diiday suldaankii ugu horeeyey dalkan somaliland ee daydaygii gobolka Sanaag ee beeshiisa ahayd intuu soo urursho dil ku fusha 12 ka mid ah, si looga midho dhasho dhismaha nabad gelyo ee Somaliland.

5)      Isaga oo wiilkaas shacab ka ah ee la boobaayey, aabihiis oo maxbuus ah ka dalbaday inuu isaxeexo inuu dilo wiilkiisa taas oo abuurtay shaki horleh oo ka dhalatay hadalkaas maamulka ciidanka qaranka.

 

 

2_ wadashaqaynta hogaanka bulshada

 

Bulsho kastaa waxay leedahay hogaan dhaqan oo ay ku fushadaan danahooda dhaqan iyo kala saraynta bulsho, taas oo ay lama huraan tahay in dawlad kasta oo timaadaa ixtiraamto oo ay la shaqayso.

Hadaba dawlada talada haysaa arintan ma ku dhaqantaa?

 

Haa way ku dhaqantaa oo qaran ka dhan ayaa lagu dhisay caqliga guurtida qaranka iyo hogaanka dhaqan ee bulshada waana arin muhiim u ah hirgelinta iyo sugidda amniga bulshada, balse waxaa jira in ay arinta taliye shaqale ku noqotay mid aan ixtiraamin hogaanka dhaqan ka ee dalka gaar ahaan, suldaanka guud ee bare adaraxmaan suldaan carab cabdi cali.

 

Dhowaan ayay ahayd markii suldaan ku la kulmay taliye shaqale isaga oo doonaaya inuu kala xaajoodo arinta kor ku xushan ee askariga hanta boob ka ahaa balse jananku uu ku gacansaydhay isaga oo daba socda arin hore oo dhexmartay wiilkaas shilka ku galay boobka askarigaasi ula yimid iyo wiil ay jananka isku beel ahaayeen, taas oo uu jananku ciidanka uga eryey wiilkaas u dhashay deegaanka gobolka Sanaag iyo sool.

 

3-  sugida amniga iyo horumarinta nabad gelyada

 

Sideedaba bulsho waxay ku horumar gaadhaa ama  ay asaageed higsataa intay nabad haysato waana halka ay somalidu ka tidhaahdo Rag Gogoshii waa Nabad.

Waana waajib saaran bulsho waynata iyo dawladaba xubinkastaana iyada ayaa u baahan nabad iyo kala dambayn, balse waxaa iswaydiin leh side loo ilaaliyaa? sidee loo horumariyaa?

 

Markay sidaas tahay waxaa hubaal ah in qisada kor ku xushan eek u suntan taliye shaqale ay tahay mid ka fog ilaalinta iyo sugidda amniga dalka balse ah taas lid keeda.

 

Sidaan hore u soo sheegay markii cagaha loo taagaayey qaran ka Somaliland waaa jiray dad badan oo day day ahaa oo baadhan jiray bulshada oo jid gooyo samayn jiray oo shufto ahaaa, balse deegaanadii ugu horeeyey ee madax dhaqameed keedii intay soo urursheen wiilashoodii dadka dhibay ee shuftada ahaa, ee go’aan ku laayey waxay ahaa yeen degmada Qoryaale iyo degmada Gar-adag , taas oo keentay in ilaa xudun ilaa burco baabuurtu saacad kasta ay nabad gelyo isaga gooshaan oo ay bulshadu nabad ku wada noolaato.

 

Markay sidaas tahay, ragii dalka sidaas uga soo shaqeeyey in nin walaal kiis oo siyaasi iyo aqoon yahan sheeganayaa oo belo raadis yahay oo marba shaani qarxinaayo, uu isna iska hor keeno beelaha oo farageliyo arimaha dhaqan ka iyo qoomaha ay kala qaadanayaan waa arin u baahan xal degdeh ah iyo talaabo madaxwayne.

 

Gebo gebo

 

gun iyo gebagebadii  waxaan leeyahay madaxwayne waxyaalo badan ayaa kaa qarsoon una bahan in aad talaabo ka qaado oo arin tani ugu horayso.

Masoo koobi karo oo uguma talo gelin in aan mucaarad afkiis ku hadlo balse waxaad ogaataa in dhaliisha oo aad dawaysaa geesinomo tahay.

 

Waxaan kaa rajaynayaa inaad arintan baadhis ku samaysid inaad xog badan raadhisid isla markaana dawadeeda doontid inta arintu dhawdahay.

 

Waxaan kugu dhaafayaa madaxwayne tuducyadan igu soo dhacay intaan maqaalkan qoraayey.

 

  1. Hogaan wayn hadii aad tahoo haybad lagu saaro
  2. Umadduna hanwayn kugu qabtoo kugu hadaaqayso.
  3. Hagar looma quudhiyo waxaan kugu haboonayne.
  4. War Waa loo hagaajaa tashiga, hodiddu waa ceeb-be.

 

  1. Hadaad hebelo kuu gaara iyo kooxyar ku habsaanto
  2. Hadii aad habaarqabe danliyo hoodif daba boodo.
  3. Hadii uu halkuu doonayiyo hilin ku qaadsiiyo.
  4. Adna aad horaantaba ogoli,  hadal ku maamuusto.
  5. Hadii qalinkuma kuma heefiyee, aad hawl yaraan fulisid
  6. Oo Isaguna hamuun buu qabee, halabsadoo qaato.

 

  1. Ogoow-weey hoggiii aakhiray hibosho taalaaye.
  2. Ogoow-weey xigaal soo hogtiyo, hiilna waa maya’e.

 

Wa bilafi tawfiiq

 

Abwaan muuse cali nuur ammaan