Burco: Shirkadda Laydhka HECO oo samaysay Qiime dhimis

0
136

imagesBurco(Waaheen) Shirkada Laydhka ee HECO oo ah shirkad ay  ku midoobeen Afar Shirkadood oo Magaalada Burco laydhka u shida ayaa markii ugu horaysay Xalay ku dhawaaqday inay dadwaynaheeda macaamiisha ah ay qiimo dhimis u samaysay,sidaasna waxay xalay ku sheegeen Madaxda iyo boodhka sirkada HECO shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Burco,waxaanay dadwaynaha reer Burco ugu Bushaareeyeen in Boqolkiiba shan iyo labaatan ay ka dhimeen macaamiishooda, waxa kale oomadaxda shirkadaasi Heco dadwayanaha reer burco ugu bushaareeyeen inay doonayaan in ay wax ka bedelaan waxayaabaha tamarta laga dhaliyo sida hawada iyo Cadceeda.

Maareeyaha Shirkada Laydhka ee HECO  Khadar Jibriil Aadan oo ugu horayn ka hadlaya shirkaas Jaraa’id ayaa waxa uu yidhi”Caawa oo ay Bisha rabadaan Bilaw tahay Farxadeeda awgeed waxaanu ugu bushaaraynayanaa dadwayanaha macaamiishayada ah qiima dhimis  balaadhan aanu u samayanay kaas oo ah mid waligiiba soconaya,qiimadhimistaasina waxay ka mid ahayd balan qaadkayagii markii ay shirkaduhu midoobeen.macmiisha ugu badan waxaanu samayanay qiima dhimis Boqolkiiba shan iyo labaatan oo halkii yunit ee ahaa $1.25 waxaanu ka dhignay $1,halka macmiisha dexdhexaadka ahna aanu u samayanay Boqolkiiba shan iyo toban,anagoo uga faa’iidaynayno macaamiishayada,Arimahaasina waxay qayb ka tahay faa”dadii midawgii shirkaduu  ku midoobeen Magaalada Burco Bishii sadexaad ee sanadkan ay usoo kordhiyeen bulshada,Bulshada waxaanu kale oo u balan qaadaynaa inaan qiima dhimistani noqonayn tii ugu danbaysay ee aanu ku daba jiro sidii aanu samayn lahayn tamar cusub oo sida dabaysha iyo soolarka qoraxda,waxaanan rajaynaynaa inay dadwynuhu aad ugu farxi doonaan qiima dhimistan aanu u samaynay.Shirkadu waxba ka badali mayso adeegii danta guud ee  ay bixin jirtay sida  masaajidaa,xarumaha nabadgelyada iyo shaaracyaduba.ayuu maareeyuu hadalkiisii kaga baxay.
Maareeye ku xigeenka shirkada laydhka ee HECO Cabdale Jaamac Cawaale oo isna qiima dhimsitaas ka hadlay ayaa yidhi” waxaanu hhore ugu balan qaadnay markii aanu shirkadaha isaku daray inaanu qiimo dhimis u samaynay ,hadaanay noo suurta gashay,waxaanu jecelahay inay shirkadu ka guurto dabkan shidaalka ku shaqeeya ee qaaliga,waxaan jecelahay inay macaamiishu ka faa’iido qiima dhaimsta,macaamiishuna ay ku dhaqmaan shuruucda shirkada oo sida ay shirkadu u wanaajisay iyana sidaas oo kale ula dhaqmaan.