Maamulaha Kastamka Saylac iyo Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Salal oo xabsiga loo taxaabay

0
30

saylacSaylac(Waaheen) Maamulaha Kastamka Saylac C/risaaq Axmed Yuusuf iyo Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Salal C/qaadir Aadan Yuusuf ayay maanta Ciidanka Booliisku xidheen kadib markii ay dagaal ku dhex maray Suuqa badhtankiisa.
lama oga sababta rasmiga ah ee labadan masuul isku Dileen hase yeeshee sida wariyaha Gobolkaasi ku soo waramayo waxa loo goleeyey suuqa iyadoo la waayey cid kala qabata kadib markii ay labadooduba qabsoomi waayeen.
markii dagaalkoodu dhamaaday ee ay kala calaf qaadeen iyada oo aanay cidi kala qaban ayaa hadana Maamulaha Kastamku mar danbe ku weeraray gurigiisa markaas oo uu dhaawcyo gaadhsiiyey badhasaab ku-xigeenka.
]ciidanaaka Booliska ayaa labadoodaba xidha, hase yeeshee waxa lagu soo waramayaa in mar danbe la sii daayey hase yeeshee lama oga sii dayntooda cida ka danbaysay iyo waxa lagu heshiisiiyey mid toona.