Qaybaha Garaha Fudud ee Soomaalida W/Q: Cali Cabdi Coomay Q………1aad.

0
140

Dhaqan ahaan soomaalidu waxay lahayd gar lagu kala baxo, marka la is-qabto. Gaar ahaa reer somaliland waxay lahaayeen gar noocyo badan leh. Noocyada gartu guud ahaan way badan yihiin, balse waxaynu soo ururin doonaa inta suurtagal ah.

Qaybaha garaha fudud

  1. 1.      Garta guurtida
  2. 2.      Gar booli
  3. 3.      Gar-jileed
  4. 4.      Gar kala-dareeis
  5. 5.      Gar dhexdhexaadin
  6. 6.      Gar dad-ban

 

  1. Garta guurtida: waa gar la adeegsanayo caqliga oo qofka loo geeyo inuu kala saaro dad wax isku haysta inuu maskaxda ka shaqaysiiyo, ka dibna xukumo wixii uga soo baxa maskaxdiis. Bulshada soomaalidu waxay lahaayeen dad lagu yaqaano caqli badnaan, oo dadka shay isku qabsada si fudud u kala saara.

Tusaalaha kowaad: laba nin ayaa isku qabsaday caaqilnimo, ka dib waxay isula tageen nin garyaqaan ah, si loo kala saaro. Ka dib wuxuu geeyey geed hadh leh aroortii waxaanu ku yidhi halkaa fadhiya waxaan idiin iman galabta. Ka dib hadhkii geedka ayaa wareegay mark ay cadeedi kululaatay, labadii nin ayuu midna hadhkii raacayey, oo cadeeda iska ilaalinayey, ka kalena halkii ayuu haraad iyo gaajo ku dishay. Ka dib ninkii garyaqaanka ahaa ayaa u yimid galabtii, markaasay yidhaaheen na kala saar. Ka dib wuxuu yidhi maxaan idin kala saaraa idinkaa is-kala saaray ‘e. Waar ninka cadeed ka kici waayey, reer uma talin karo, oo reerku wuu jabi. Markaa gartii waxa helay kii cadeeda iska ilaalinayey.

Tusaalaha labaad: oday dhalay afar wiil ayaa xanuunsaday, wuxuu aqoonsaday inaanu ka kacayn xanuunka haya” nin weyni wedkii wuu yaqaan.” Wuxuu u yeedhay afartii wiil wuxuu kula dardaarmay inaanu mid ka mid ah dhalin, oo aanu dhaxlayn. Waxay yidhaaheen iyagoo yaaban aabo noo sheeg kuu yahay. Wuxuu yidhi ma hadli karayee, waxa idiin sheegaya hebel, oo ninkaasi wuxuu ahaa nin aqoonta laga martiyo oo garyaqaan ah. Ka dib odaygii ayaa dhintay. Inamadii oo naxsan oo laba arrimood isugu darsameen, ayaa u tegay ninkii aabohood sheegay. Waxay yidhaaheen noo sheeg ka aan dhaxalka lahayn. Wuxuu yidhi ninkii “ waaryaadhaheen kaasi aabana maaha ee ordoo xabaashiisa soo guba, markaasaan idiin sheegayaaye”. Ka dib saddex waxay yidhaaheen waa inaga daa waxba gubi mayne, halka midna uu soo gubay xabaashii odayga, oo cadhadii ayaa madax martay. Ka dib garyaqaankii ayaa yidhi “ kaas gubay weeyi”. Sidaasina way ku kala baxeen.

  1. Gar booli: waa shay ay isku qabsadeen lab qof oo shayga ay isku haystaan midkoodna malaha. Waxa ka mid ah, lacag ay laba nin oo wada socdaa meel cidla ah ka helaan, Oo midkood uu arkay, ka kalena wuu ka hor qaaday. Ka dib way isku qabsadeen, sida loogu garnaqayo ayaa loo yaqaan gar-booli.

Tusaalaha kowaad: laba nin oo dagaal ku wada jiray oo dhinac ka soo wada jeeday ayaa qori isku qabsaday. Mid ninka qoriga lahaa ayuu xabada ku diley, ka kalena wuu ka horqaatay, oo khatar ayuu u badheedhay. Niman garyaqaano ah ayaa arrinkii loo geeyey, ka dib markii dambe waxay soo saareen xeer caan noqday oo ah” Booli waxa leh ninka gacanta ku hordhigay amma uu xeradiisa soo horgalay”.sidii baan labadii nin lagu kala saaray.

Tusaalaha labaad: laba nin ayaa gaashaan (difaaca waranka) isku qabsadaym oo ay hal mar ay wada heleen. Ka dib in muddo ay ayey xoog ku kala jiidanayeen, laakiin midkoodna ma xoog badan. Markii dambe ayuu midi tuuray gaashaankiisii, kii kalena wuxuu qaatay kii la tuuray, oo kii kale ay isku haysteen ayuu farah ka qaaday. Gartii ayaa la galay, laba nin oo isku reer ah ayey ahaayeen. Markii gartii la galay, ayuu mi yidhi ninkaasi wuxuu haystaa gaashaankaygii dee ha layga qaado ileyn waxaan dhawrayaa reernimada waan ka qaadan lahaaye. Ka dib ninkii gaashaankiisa laga haystay ayaa loo soo celiyey, kii kalena waxa la siiyey samir-siis, si aanay reernimadu u dhaawacmin.

  1. 3.      Gar-jileed: waa gar ah hadal aan maquul ahayn, oo laga horgeeyo mid kale oo aan macquul ahayn.

Tusalaha kowaad: ninbaa waraabe dabbin u dhigay si loo dilo. Ka dib waraabihii oo dabbdinkii ku jira ayuu nin kala soo maray, waanu diley. Ka dib ninkii waraabaha dabbinka u dhigay ayaa ninkii diley dacweeyey. Waxaanu yidhi “ ii keen waraabahaygii”. Kii kalena wuxuu yidhi” waayahaye soo qabso waraabe qiimihiisa lagu sargooyo”. Ka dib wuu soo waayey waraabe ileyn gacanta uma jiro waraabe. Sidaasina wuu ku garwaayey.

Tusaale labaad: nin ayaa ku sheekeeyey berri, ay neef wan ah soo marinayeen dawga sheekh, ka dib wuxuu yidhi wanka badhidiisa oo aad u weynayd ayaa noo mari wayday dawgii sheekh. Ka dib nin kale oo sheekhada dhegaysanayey ayaa isna yidhi” Berri anagoo oo 100 nin ah oo hudheel ka shaqayna ayaanu disti amma digsi ku wada maydh jirnay, oo boqolkayaga nin midna kale muu arkayn”. Taasi ma dhici karto”. Kii distigada ka sheekaynayeyna wuxuu yidhii” hadaa ma sheekadaada ayaa suurtagal ah”. Sidaasi ayey ka kala tageen.

  1. 1.      Gar kala-dareeris: waa gar aan loo eegin cadaalada, laakiin waxay u eegtahay xal amma siduu xalku ku jiro. Ragga inta badan gartan ka taliyaa waa ragg ku sifoobay samatalisnimada. Gartani cidna way ku jiifsataa cid kalena way taageertaa.

Tusaale kowaad: nin ayaa kale diley, ka dib labadii reer ayaa loo garnaqay. Guurtidii garta ku jirtay ayaa ku xukuntay in reerkii wax diley bixiyaan 150 hallaad. Halkii ay dhaqan ahaan ahayd  100 hallaad. Markii guurtidii la weydiiyey sababta 150 hallaad loo xukumayey waxay yidhaaheen” gar umaanu qaadin waanu kala dareerinaynay”.

Tusaalaha labaad: nin la odhan jiray faarax  ayaa yidhi” illaahay hal diid oo walaalkay cali  inuu soo nooleeyo diid, ogaadeenna hal diid oo inay laba magood walaalkay cali iga siiyaan diide, anna hal diiday oo walaalkay inaan 100 hallaad ka qaato diiday”. Laakiin waxa taasi ka horeysay inuu dillay nin la odhan jiray mataan, ka dibna uu 200 hallaad ka bixiyey, oo labada xeer u ahaa. Markaasaa inta walaalkii la diley la yidhi isagoo 200 bixiyey 100 qaado, ka dib arrintaasi ayuu ka jawaab ka bixinayey.

  1. 1.      Gar muslax (dhexdhexaadin): waa gar marka la qaadayo aan cidna qadin, oo shayga la isku haysto ayaa loo qayiyaa. Inta badan noocan garta ah kama timaado dhibaato mustaqbalka, waxaana loo eegaa tolnimada, xididnimada iyo saaxiibtinimada. Waxa la yidhi”gobonimadu waa waxaaga oo aad wax ka tagto”.

Tusaalaha kowaad: niman baa gabadh ka doonay niman kale, ka dib odaygii inanta dhalay ayaa nimankii gabadhaka soo doonay ku yidhi” inantayda waa in boqol hallaad lagu meheriyo, boqolna yarad laga bixiyo, saalixiyana ka baxdaan oo aad qaadiriyada qaadataan.”nimankii odaygu shuruucda ku xidho ayaa tashaday waxay yidhaaheedn waanu yeelay. Ka dib waa loo meheriyey wiilkii gabadhii. Markii uu la aqalgalay ayuu wiilkii meel ka yara fog halkay wada seexan jireen ayuu is-duuduubay. Gabadhii ayaa tidhi” maxaa ku helay” . markaasuu yidhi” ma nin boqolna ku mehersaday, boqolna yarad u bixiyey ayuu fadhi u soo galay”. Markaasay tidhi” waar waan kaa saamaxay boqolkaygii”. Nimankii qaatay qaadiriyada waxay ku soo noqdeen saalixiyadoodii. Sidii ayey gabadhii ku hantiyeen, haddii aanay sidaasi yeelin may heleen gabadhaasi. Tusaalaha labaad: oday iyo inankiisii ayaa sahan tegay, oo waxay raadinayeen meel roob iyo doog leh. Markay gaadheen goob doog leh, ayuu odaygii ku yidhi” halkan reerkii u soo rar wankii caynkaa ahaana u qal.” Inankiibaa u tegay reerkii oo roob helay iyo wan aan kii ahayn oo jabay, markaasuu reerkiina soo raraym wankii jabnaana awr soo saaray, wankii lagu balamiyeyna qalay, odaygiibaa yidhi” ma waxaad garan weyday reerka roobka u daa, wanka jabayna u qal.” Taladuna garta qayb ayey ka qaadataa.

  1. 2.      Gar dad-ban: gartani waa marka laba nin isu gabyaan, oo marka dambe la yidhaa hebel ayaa gabaygii lagaga badiyey amma gabadh iyo inan isu heesay, markaasa la yidhaa gabadha amma inanka ayaa heesta ku adkaaday.

Tusaalaha kowaad: laba nin ayaa meel fagaare ah ka dooday, mid ka mid nimanka waa la dhegaystay oo sacab iyo qosol ayaa lagu taageeray, kii kalena waa la la buuqay marku hadlayey oo lama dhegaysan sacabna hadalkiisa daa. Markaa dadkani waxay qaadeen gar dad-ban.

Tusaalaha labaad: ninbaa ka af-roonaaday (ka af-miishaarsanaaday) niman ay isku mefrish ahaayeen. Ka dib way u heshiiyeen, waxayna yidhaaheen yaanu fursad helin, oo markastuu hadlayo waynu ku buuqi oo dood ha laga horkeeno. Haddii uu mid la doodo aynu isugu tagno. Sidii baana dhacday. Nimankaa heshiiyey waxay qaadeen gar dad-ban.

 

 

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

Tix-Raac:

Garta Dhaqanka………………………..C/salan Cara-Dhuub